|
Wisdom of the Day
|
...daily updates... |
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi suugaan |
|
|
|
Yuusuf X Cabdillaahi Xasan Gurxan iyo Gabarey Iftiinka-Aqoonta, Stockholm, 2008 ISBN: n.a.
Gurxan iyo Gabareymaanyo waa sheeko raad ku leh dhacdooyinka maldahan ee ay mararka qaarkood dadku la kulmaan ama ay arkaan. Dhanka kale qisada uu buuggani xambaarsan yahay, waa sheeko halabuur ah oo uu qoraagu curiyey, isla markaana ka hadlaysa is rogrogga badan ee waayaha adduunka iyo sida ay saamaynta ugu yeeshaan meertada nololeed ee aadanaha. Qof kasta oo aadami ah inta uu adduunka ku nool yahay waxa uu la kulmaa maalin walba wax cusub, ha noqoto wax farax geliya ama wax ka nixiya. Waxa intaa dheer isbeddellada dabeecadda ee marba nooca ah, sida: xilliyada ay qaarkoodna barwaaqada yihiin, kuwo kalena ay abaarta u noqdaan. Waxa ay sheekadani ku socotaa qoys reer miyi ahaa oo meel baadiye ah degganaa. Qoyskaas oo dhul barwaaqo ah ku caano maalay muddo aad u dheer, kuwaas oo aan dhibaato geyn magaalo iyo dhibteed una baahan. Aabbaha qoysku waxa uu ahaa sheekh caan ah oo deegaanka oo dhan laga yaqaannay. Waxa uu ku caan ahaa xeerarka iyo shareecada Islaamka oo uu ummadda ku kala hagi jiray haddii la kala bixi waayo.
|
|
|
|
|
Social Community
Join us today |
There are currently, 451 guest(s) and 0 member(s) that are online. Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!
|
Editor Pick
|
A brilliant work co-ordinated through many continents by Rhoda A. Rage. Read it more |
|
|
|