Taxanaha Dhaxalreeb III/2007:
"Dhulgariir" waa digniin culus
Waxaa Qorey:
Ibraahin Yuusuf Axmed "Hawd"
Maanso walba oo ka timaadda Maxamed Ibraahin Warsame "Hadraawi" markiiba waxay kicisaa xiisaha iyo dareenka dhammaan dadka afka soomaaliga ku hadla. Awood iyo saamayn sidaas u weyn in maskaxda bulshada lagu yeeshaa, weliba marxaladdan xun ee tafaraaruqa iyo kala tagga ah, run ahaantii arrin fudud ma aha. Waxayse ku tusaysaa sumcad weyn oo uu abwaanku muddo dheer soo urursaday kuna saabsan suugaantiisa wanaagsan iyo fekerkiisa xoogga leh ee qumman. Taas ayaa keentay kalsoonida badan ee halabuurkiisa loo hayo.
Sidii lagu yaqaannay ayuu dulmiga burburinayaa xaqa iyo samahana dhisayaa. Sidii lagu yaqaannay ayuu ka digayaa halis mustaqbalka ku soo jirta. Sidii ayaa eray walba looga garaabayaa isaga oo adeegsanayaa xeelad uu qudhiisu tixdan ku xusayo, taas oo ah:
Dadka dhiirri iyo qawl san baa lagu dhacsiiyaaye
Sida loo dhahaa buu khalqigu ugu dhegtaagaaye
Dhunkaal iyo xajiin lama marshiyo dhuumatiyo sheele
Sida dhuuni-qaataha murtida looma dheehtiro'e