Bile M Hashi JANNO Madbacadda Bile M Hashi, Gotebörg, 2003 ISBN: 91-972411-0-5
Beesha Janno waxaa ku nool hooyo la murugsan labadeeda wiil oo ay laba reer u kala dhashay oo labo ciidan u kala dagaalamaya, Labadaa ciidan oo dagaal iskula jira. Boobka, dhaca, iyo dhiiga oo socda ayaa wiilashi midkood kusoo noqonayaa beeshi oo guursanayaa kii kale gabar uu axdi la galay. Dagaal aanan hadaf iyo ujeedo loo dagaalamayo aysan caddeyn awgiis waxaa sii kordhaya colaada walaalaha dhexmareysa. Sidey hooyadu ugu guuleysan kartaa inay demiso dabkan sheydaanku ka dhex shiday labadeeda wiil?. Ilaa naftu ka baxeyso ayay arrinkaa xalkiisa la xarbineysaa.
Janno waa qiso ka hadleysa jaceylka sokeeyaha dhexmara, Waxay qisadu ka hadlaysa jaceylka walaalo, jaceylka wiil iyo waalid iyo jaceylka rag iyo dumar dhexmara. Waxaad qisadan la socod doontaa taariikhda Asli iyo labadeeda wiil Ceynte iyo Keyse iyo gabadha ay isla jeclaadeen. Waxey kunool yihiin beel aad u qurux badan eebena nimco ku maneystay, waxaase beesha lagu saladi doonaa xin, xanaaq, xumi, xoolo yari, boob, dhac, dhiig, murugo iyo mooryaan ilaa berigi dambe ay isku kaashadaan, taa oo u hogaamin doonta nabad iyo naq!.
|
|