Xasan Cabdi Madar Sirta Guurka AIDAM, Hargeisa, 2004 ISBN: N.A.
Sharaxani wuxuu kusoo baxay dhabarka buugga:
"Waxa aan u malaynayaa in kitaabkani yahay kii u horeeyay ee ku qoran Af-Soomaali oo si mug leh u soo bandhiga xikmadda ku sugan Guurka iyo Nolosha Qoyska. [...] Kitaabku, waxa uu si hufan u saafayaa Raaxada laga dheefsado Guurka toosan iyo macaanka nolosha Qoysnimo iyo dhaxalka Qadhaadh ee Guurka salkiisu Qalloocdo"
Xasan Siciid Yuusuf, Tifatiraha sare ee Wargeyska Jamhuuriya.
"Buuggan yari sida uu u waynyahay iyo macluumaadka uu xambaarsan yahay aad aya u kala fog yihiin. Waa hubaal haddii aad akhrido in aad ka helayso aqoon badan."
Cumar Axmed Maxamed, Maamulaha Macahdka AIDAM, Hargeysa.
"Guurku waa qodob dadka afsoomaaliga wax ku qoraa aanay dhibicna ka taaban balse qoraagu buuggan si qoto dheer ugu lafo guray nuxurka iyo raadaynta uu ku leeyahay nolosha qofka."
Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), Tifatiraha Guud ee Wargeyska Maandeeq.
|