Bile M Hashi Sidey noqonba mooyee! swesom, Stockholm, 2005 ISBN: 91-974986-1-0
Heesti baa aheyd; Afka lagama sheegtoo, Adigoon jaceyl arag, Looma uurxumaadee! Ruqiyo waxay Rooble jecleyd ilaa berigey yaryaraayeen. Xitaa haduu calafku labadooda isku diiday oo uu ka guursaday saaxiibteed waxay u sheegeysaa; Hadii jaceyl uur lagu yeesho Rooblow maanta caruurtaan kuu hayo tiro ma ogi balse da’doodu waa qaangaaro.
Markii gurigiisa lagu dilo Erik Malmberg oo xaakin ka ah maxkamada degmada Göteborg waxaa la soo xirayaa Cismaan (31 jir) iyo Askar (29 jir), oo ay jinsiyadoodu soomaali tahay oo dembigaas lagu tuhmayo. Rooble wuu u turjumayaa.
Ruqiyo, gabar soomaliyeed oo u dhaxda wiil ajnabi ah wuxuu ka afduubanayaa labadii caruur oo ay u dhashay. Markuu wadankiisa ula baxsado caruurti waxay Ruqiyo liideysaa caawinaada ay ugu jiraan booliiska iswiidhen si ay ugu soo celiyaan caruurteeda, waxeyna maciin weydiisaneysaa yaakale; Rooble.
|