|
04/03/2004: Submitted for publication via web Warsaxaafadeed "Ururka Qoraaga Somaliland"
by UQS, Sweden Shir-sannadeedkii Ururka
Bismillaahi raxmaani raxiim 28-02-2004
Maalintii Sabtida ee bushu ahayd 28-02-04 ayaa waxa ka dhacay magaalada Stockholm ee carriga Sweden shir-sannadeedkii Ururka Qoraaga Somaliland. Shirkaasoo ahaa kii ugu horreeyey ee la qabto intii ururku jiray oo haatan laga joogo muddo sannad ah. Shirkaas oo u gaar ahaa gudida fulinta ee ururka, waxay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan wax-qabadka ururka, maxaa u qabsoomay, muxuu uruku higsanayaa iyo mustaqbalka dhow iyo ka fogba qorshaha ururku muxuu yahay?, balse intii aan loo gelin hawlahaas iyo doodihii ku saabsanaa, waxa hadalyar oo kooban ku furay shirka Mohamed Xirsi oo ku soo dhoweeyey guddoomiyaha ururka Cabdiraxmaan Xaashi.
Guddoomiyuhu waxa uu ka hadlay, waxyaabihii qabsoomay intii ururku jiray iyo hawlaha ballaadhan ee horyaalla ururka, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in aanay jirin guud ahaan dadka afka soomaaliga ku hadla dad u heellan inay wax qoraan oo ay uga tagaan ubadkooda taariikh iyo dhaqan ay dib u akhrisan-karaan, balse guddoomiyuhu wuxuu intaa raaciyay inay nasiib darro tahay, inta yar ee waxqorta ee soomaaliyeed oo isku hawla inay wax-kaqoraan khilaafka dhexyaal dadka soomaaliyeed, iyagoo u adeegsanaya, hab salka ku haya beel beel.
Shirsannadeedka ururka qoraaga Somaliland oo u gaar ahaa gudida fulinta waxay isla meel dhigeen in wax-laga qoro diinta, dhaqanka, afkasoomaaliga, taariikhda Somaliland iyo taariikhda dadka soomaaliyeed meelkastaba ha degenaadeene, sugaanta iyo waxkasta oo loo arko inay u tahay dhaxal-gal ubadka soo koraya iyo kuwa dhalan doonaba. Kulankaasi wuxuu ku dhammaaday jawi aad u heersarreeya, waxaana la isku afgartay in lagu dedaalo sidii loo soo saari lahaa qoraallo ama buugaag, dhaxalgal ah oo ka reebban xumaan, qabiil, iyo waxkasta oo lid ku ah sharafta qoraanimo.
Kulankaas oo uu guddoominayey Mohamed Xirsi, xoghayena uu ka ahaa Nuux, wuxuu ku soo gebagaboobay guul iyo gobonimo. Waxayna gudidu ugu baaqday guud ahaan dadka afka soomaaliga ku hadla inay ku dedaalaan soo saaridda qoraalo waxtar leh oo dhaxal gal ah, waxayna gaar ahaan u soo jeediyeen qoraaga reer Somaliland inay isku xidhnaadaan, islamarkaana isku dayaan inay qoraan wax faa'iido leh oo aan ahayn, wax laga dhaxlo khilaaf iyo murug siyaasadeed. War-saxaafadeedkan waxaanu ku soo gebagabeynaynaa, tuducyadan ku saabsan faa'iidada uu leeyahay qoraalku, gaar ahaan xilligii la qoray af-soomaaliga oo uu Abwaanku aad ugu farxay.
Tanaad: Mohamed Xaashi Dhammac "Gaarriye"
Cidla lagama tookhee, farbaa lagu tanaadaa
Haddii qalinka loo tudho, wax-qoraalka laga tago
Lama taabbo geli karo, Waaq, iyo tinniixiyo
Baltincaaro weydii, taariikhda raacdee
Afkaygoow tabaaliyo, maxaad belo u taagnayd
Shisheeyuhu tabiyo xeel, muxuu kugu tuntuunsaday
Tisqaadkaaga dhaawacay.
Maxaan maanso teeriya, tacab ba'ay ka joogaa
maxaa eray tafiir go'ay, Maxaa sheeko taabuda
tawraadi faallayn, weli nebina soo tebin,
kaa tasoobay oo lumay.
Nabad iyo caano "waari mayside war hakaa hadho"
Ururka Qoraaga Somaliland "UQS"
QoraagaSomaliland@yahoogroups.com
|