28/02/2005: Submitted for publication via web "Dhagaxtuur Ma Been Baa?"
by Boobe Yuusuf Ducaale Waxba yaan hordhac iyo tiigsan iyo tooxid arareed Dooc iyo dareenba maan is-raacsado. Dhagax-tuurkii Barbaarta iyo Haweenka ee 20-kii-22-kii Feeberweri 1982-kii. Maalmo halgameed. Maalmo ay Barbaarta iyo Haweenkubamuujiyeen keni adeyg ay dhagax kaga hor tegeen dabaabadihii nidaamkii Siyaad Barre. Ma ay ahayn maalmo dad ka dhexeeyay. Gaar waxa uu lahaa Barbaarta iyo Haweenka. Dhacdo gadoodkeedi dhul gariir la xejin waayay ka kiciyay xarumihii gobollada waqooyi ee dalkii Soomaaliya la odhan jiray. Maansada oo halka wargeyska inoogu jirtay haddii aynu soo xiganno. sow tii uu Hadraawi Maansadii Hanbabber sida xarraggada iyo dareenkaba leh ugu xardhay ee yidhi:
"Hanbaaber dhawaanta
Dareen ma hurdaan ah
Dagaal wata heeso
Hidday u lahayde
Hargeysi ma toostay
Hoggaanka ma diidday
Harqoodka ma tuurtay
In aanay hummaagga
Hadoodilan yeelin
Sidii hebel geel ah
Hashii Nebi Saalax
Horaaddada dhiiban
Hankeedu ma siiyay
Waxay hibanayso
Nin kay la hadlayso
Hagaag ma u sheegtay
Hadday samo weydo
In ay hantideeda
Nafteeda hurayso
Hubaal ma caddeysay
Alleylehe waa hog
Shax aan la hilmaamin
Malaa hugur tiisa
Waxaabu u haystay
In aan hayal toosan
Harraati aqoonne
Maskii hilqadaale
Ma soo hardaf booday."
Halkan, Hargeysa waxay u taagan dhamman xarumihii gobolladii Waqooyi ee kacdoonnada Barbaarta iyo Haweenku ka hano qaadeen. Haddii uu Hadraawi tuducyadaa hore ku caddeeyay ujeeddada loo dagaallmay, cidda lala dagaallamayay, in aanay dadku hummaag iyo dhalanteed qaadanayn iyo in ay naftooda halgankaa u hurayaan, waa kan isaga oo tilmamaay ciddii dagaallantay. Wuxuu yidhi:-
"Haddaanan haddaanan
Haddaanan Dhawaaqa
Hireyda wireyda
Hayaay ka cayda
Jihaadka Hargeysa
Barbaartu hagayso
Haweenka gadooday
Ka qayb gelin hawsha,"
20-kii-22-kii Feeberweri sidaa ayay taariikhda ma guurtada ah ugu xardhan yihiin. Waa maalmo shacbiya oo dadweyne. Waa maalmo gadood. Waa maalmo diidmo iyo babac-dhiig. Shacbiga oo ay hormood u ahaayeen Barbaarta iyo Haweenku ayaa gadoodkan iska lahaa. Markasta wuu dhici karayay. Goob kastana wuu ka dhici karayay.
Is weydiintu waxay tahay muxuu gadoodkaasi u dhacay saddexdii maalmood ee 20-kii-22-kii Feeberweri 1982-kii? Wuxuu u dhacay maalmaha gaarka ah, dhallinyaridii UFO ayaa Maxkamadda saarreyd oo dil iyo xabsi daa'in u taagnaa.
Maxkamaddaa iyo dhallinyaradaa taagnayd waxay gadoodkaa ku lahaayeen muddaynta. Jilayshaau waxay ahaayeen Barbaartii iyo Haweenkii gadoodka hubeysan ku tallaabsaday. Milgaha iyo maamuuska iyagaa lahaa. Xuska iyo xusuustaa iyagaa lahaa. Xurmada iyo qaddarinta iyagaa lahaa. Intii ku dhimatay, intii ku dhaawacantay, intii xabsiyada ku gashay, intii diiwaanada madow ee nidaamkii Siyaad Barre ku gashay iyo qaar kaloo badan . SHahiid Barre Xaaji Daahir Cilmi ayaa ahaa ardaygii maalintaa ugu horreysay shahiiday. Magaciisa ma maqallo. Intii la xidhay xidhay, intii ku dhaawacantay, intii abaabushay iyo intii horseedka u ahaydba ma maqallo. Maye heesihii iyo suugantii laga tiriyay maalmahan taariikheed ee ma guuranka ah?
Maalinba ninkii muraadlihi miyaanu dadka ka sheegan iyada oo ay intii badnayd iska shaqo tagtay iyaga oo aamminsan in ay xil sarnaa oo taariikhi aha guteen. Miyaan hadba kooxdii ama kii dawladda gala odhanin SNM xiligeedii wuu dhammaday, markuu caleen ahaan ugu soo dhaco Gargaarna odhan "Naafadii iyo agoontii xaggee la dhigay". Miyeynaan ka daalayn filimmada aynu kunka jeer daawannay.
Hoos aan u soo dego. 20-kii feeberweri oo habeen Isniineed ahayd ayaa tegay Ming Sing oo xaflad la yidhi munaasabaddaa ayaa lagu maamuusayaa lagu qabanayay. Bisin iyo ducaa dhacay Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa makrifoonka qaatay. Ku ye, Xaal ayaanu ka bixinaynaaye, raali ka haada wixi maanta Kheyriyada ka dhacay, dadka halkan ka hadlayayna waxaanu u sheegaynaa in ay mowduuca ku ekaadaan oo aanay siyaasadayn munaasabada. Yaabay oo garan waayay wixii saaka ka dhaay kheyriyada, hadalkii uu yidhi se hadal xun uma qaadan Shir-guddonka waxa fadhiyay dad u badan Kooxdii UFO, in kasta oo ay midkood ka soo dhacaday in qabanqabada munaasabaddan ay u igmadeen urur dhallinyaro oo aan sida muuqatay waxba ku lahayn agaasinka madashaa aanu joognay ee xusku ka dhacayay.
Yaabay! Oo is weydiiyay goorta kooxdani maalinta yeelatay ee ay gadheen heer ay meel fagaare ah ka yidhaahdaan: "Qabanqaabada munaasabadda cid ayaanu u igmannay". In aan riyoonayo iyo in aan soo jeedo ayaan kala garan waayay. Belo wa ta danbaysa.
Nimankii furitaanka xafladda noo dardaarweriyay, ayaa mar keliya is fireeyay, hadalladii meesha ka socday qadsiiyay majare siyasadeed oo malahayga la mid ahaa ama kaba fool xumaa kii subaxnimadii dhacay ee aanan goob joogga u ahayn. Wixii hadal xumo madashaa ka dhacay mar qudha ma ay waabin. Maan dhammaysan oo markiiba madashii intaan ka baxay ayaan iska hoyday. Illaahay waa ogaaye habeenkii oo dhan ayaan hadba dhinaca isu rogayay oo aniga oo aan laba indhood isu keenin ayaan salaad hore sidii ku shaqo-tegay.
Maalmihii sharfana ee ay ummaddani ka yeelatay maalmihi jaan ee Siyaad Barre ayaa baxsan la'. Oo weliba ka baxsan la' kuwii wax ku noqday ee ay ahayd in ay muuneeyaan. Waa ayaan darro haddii aynu isu aammusno oo waxba isu sheegi weynno qaladkana iska qaban weyno. Dhul, magaca maalmo, hanti iyo waxyaabo kale oo qiimo leh oo Qaran ahaan inooga dhexeeyay ayaa qof ama koxi iska qaadanaysaa oo ka aammusaynaa.
Haddii aynu soo qadnona hadalkeennu wuxu ku kooban yahay calaaalka taag wa ee qayilaadaha dadka lagu suuxiyo ee weliba inta aynu dhegta isu saarno aynu nidhaahno "Waxa dhacay ma maqasheen?"
Maalmaha xurmada iyo qaddarinta inaga mudan ma aha in la siyaasadeeyo o lagu yooyootamo. Madaxda Qaranka: dawlada iyo xisbiyoba hadallo la isku xumeeyo loogama fadhiyo. Dadku wuu dhego barjoobayoo ugama fadhiyaan inta hoggaaminaysa makrifoonno iyo joornaallo la isku qabsado. Miyaanay ayaan darro ahayn in aanay aragtideennuba buurtan kala jeexan dhaafsiisnayn. Bal ka warrama haddii aynaan ka war qabin oo aynaan ka hadleyn wax hareeraheenna ka dhacay ama is beddelada ka socda ka dalalka aynu jaarka nahay. Somaliya haba ugu horreysee!
Wiilasha UFO mid aan idhaahdo: Dhagaxtuurkii 20-kii-22-kii Feeberweri UFO ma aha, UFO-na ma laha Dhagaxtuurkii 20-kii-22-kii Feeberweri. Waa se laba dhacdo oo isku xidhan Muddaynta ayaa lahaydeen oo weliba gurmad la idiin ku ahaaye dadka ha ka sheeganina. Oo weliba waad ka sheegateen oo maalintii siyaasadayseene faraha uga qaada barbaarta iyo haweenka maanta leh ururrada tisqadka ah ee xuska maalintooda ka adag. Haddaad SORRA ahaan jirteen maanta urur siyaasadeedna wuu idinka baaba'ay, xisbiyo siyaasadeedna waa ka tirsan tihiine, dhex dhexad ma noqon kartaane maalmahan ka hadha.
Ma suurtowdo in aanu idinka idin xusno oo aanu iska ilowno kuwii ku dhintay ama ku dhaawacmay soo furashadiinni. La idin ma sheeline, waa la idin sheegaaye idinku ha iska sheegina. Maalmahana taariikhiga ah halka aad soo gaadhsiiseen waad ku mahadsan tihiine, ka hadha inta aydaan qudhun uga dhaadhicin. Sow tii hore loo yidhi "Hadalna sii dheh ba dhisay".
Waxa ila habboon in aad ka hadashaan oo aad culayska saartaan sababihii la idiin xidhay. Cisbitaalka Hargeysa markii aad nadiifinayseen miyaanay duur xul ahayn oo aydaan ku jirin halgan siyaasadeed? Miyaanay hawshaashi ahayd mid sharfan oo mudan in wax laga qoro oo la sheegto oo anay aasmin. Bal ka warrama Maxkamaddiinni? In kasta oo anaay gadhin, aama u dhigminba, miyaan lagu suureyn karin tii Rivonia ee Maandela la taagay iyo tii Nurenberg ee Nasiyihiinta? Miyeydaan wax ka qori karin? Buug, Riwaayad iyo filinba waa laga samayn karaa.
Hadda iyadii oo qoran waa la helayaa. Waxaad ka hadlayaa hadal qorkii maxkamaddaa lafteeda. Kuwaaba dururus laga faa'iidaysan karo ayaa ku jirta. Maxaad ku mutaysateen xabsi daa'inka iyo dilka? Ka hadla mowduucaan iyo waayo-aragnimadan aanay cidina idin la lahayne. Waa talo idin ma xaman Xaasha! idin mana caayine, inta la idin ku xanto ayuun baan idin soo qoray.
Ha dhibsanina aniga e' dhibsada inta nasteexa iskaga kiin dhigaysa ee intaa aan kor u idhi hoos idiin leh maalin kasta ama mar kasta oo ay idin arkaanba illaah wuxu igu og yahay wanaag mooyaane in aanan xumaan idin la jeclayn. Saxiibbo halgan wadaag ah ayaynu ahayn oo weligeed dibada iskuma aynaan soorin. Ma diiddani in Malamahan iyo dhacdooyinkani ay xidhiidh toos ah ama mid dadbanba leeyihiin. Waxaan diiday in la is cunsiiyo dadka qaarkina xuquudooda la duudsiiyo.
Madaxda dalka, Dawlad iyo xisbiga mid aan idhaahdo: Ma aydaan waayin madal, fagaare, qaab ama habab kale oo aad isku weerartaane, waxaanu magan idiin ka nahay in ay idinka nabad galaan maalmaha sharfan ee ummaddan u suntani. Waxaanu idin leenahay "Goojiya ama ha goojinina, geele gu'gan dhalaya ayaa la idin ku tirinayaa". Waayaha taagan nin ogi, malahayaga weerar iyo af-lagaaddo midnaba ma haleelo.
Ururada Dhallinyarad iyo Haweenkana mid aan ku idhaahdo: Waad joogtaan heer aad ku hanaataane, maalmihiinna xejista oo ka adkaada alooska munasabadaha lagu xusayo idinka oo aan cidna ka jeedin cidna u jeedin.
Qormadani waa mid shakhsiya oo aanan cidna kaga wakiil ahayn. Ugu danbaynna aan afeef ka dhigto tuduc Hadraawi lahaa oo ku jiray tixdiisii Daalacan ee Deelleeyda:
"Geenyadayda Daalacan
Dabar Saari maaye
Dibso aan idhaahdoo
Dagagaro ayaamee
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
cankaabo@hotmail.com
|