25/01/2006: Submitted for publication via web Wareysi Dr. Georgi Kapchits
by wardheernews.com (Copyright WDN 2006) Dr. Georgi Kapchits waxaa uu ka mid yahay aqoonyhanada sida gaarka ah isugu taxalujiya ururinta iyo baadhista afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Waxa uu muddo dheer ka soo shaqeeyay laanta Afka Soomaaliga ee Radiyo Moosko, isagoo isla markaana Luqadda Soomaaliga ka dhigi jiray Jaamacado ku yaal magaalada Moosko.
Aqoonyahanku waxaa uu qoray buugaag iyo qoraallo tiro badan oo la xidhiidha Afka iyo Suugaanta Soomaalida. Waxuu shahaadada sare ee Ph.D ku diyaariayay naxwaha Afka Soomaaliga. Dr. Kapchits waxaa kale oo uu aqoon durugsan u leeyahay Afka Amxaariga. Waa xaas waxaanu leeyahay laba gabdhood iyo seddex carruur ah oo ay sii dhaleen.
Haddaba waxa uu Dr. Georgi Kapchits dhawaan soo saaray buug cusub oo ku saabsan sheeko xariirta Soomaaliyeed oo uu ugu magacdaray Faaliyihihii la bilkayday.
Waxa hadaba shabakadda WardheerNews u suuro gashay in ay aqoonyahanka wax ka weyddiiso taariikhdiisa iyo waxqabadkiisa. Waraysigaas oo uu qaadday Ismaaciil C. Xasan (Khaliil) waxa uu u dhacay sidan:
WardheerNews (WDN): Dr. Kapchits marka hore waad salaaman tahay. Marka xiga waxaanu kaaga mahad celinaynaa fursadda aad noo siisay inaanu wareysigan kaa qaadno, kuna soo dhawaw WardheerNews.com
Dr. Kapchits: Idinkaa mudan. Inkastoo la yidhi ‘Af daboolani waa dahab’, haddana waxaa jira maahmaaho kale oo ii toosinaya wareysigan. Waxa ka mid ah ‘Nin aan hadlin, habartiina wax ma siiso!’
WDN: Guud ahaan waxaad marka hore nooga warantaa waqtiga aad bilawday barashada afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, maxaadse arrintaas ku dooratay?
Dr. Kapchits: Barashada af Soomaaliga waxaan bilaabay intii aan ardayga ka ahaa Jaamacadda Moosko. Afartan sano ayaa ka soo wareegay waqtigaas, hase ahaate weli kama aan sal gaarin afkiinna la yaabka leh oo u eg mergi u jiidma hadba dhankii loo jiido. Awrba awrka ka horreeya buu saanqaadkiisa leeyahay, baa la yidhi. Anigu waxaan ka daba socday macallinkayga Alexander Zholkovsky ee Midowga Soofiyeeti u horseeday baaritaanka af-Soomaaliga. Waxaa nasiib darro ah in uu muddo ka dib ka fogaaday arrimaha Soomaaliyeed. Intii uu u guuray dalka Mareykanka ayaa wuxuu noqday barafesoor Jaamacad ka dhiga suugaanta Ruushka.
WDN: Maxay ahaayeen dhibaatooyinkii aad kala kulantay barashada Af Soomaaliga?
Dr. Kapchits: Ina Cali Qablax oo indhoole ahaa markii uu taabtay dundumo ayaa wuxuu yidhi: ‘Hal waa yaab, halna waa yaabka yaabkii, halna waa ammankaag. Dundumada inteer le’eg aboor baa sameeya, waa yaab! Habeynkii buu sameeyaa. Waa yaabka yaabkii! Candhuuftiisuu ku sameeyaana, waa ammankaag!’ Aniguna waa sidaa oo kale. Markii aan dhadhamiyey af-Soomaaliga ayaa waxaan is idhi: ‘Tolow, erey bixinta af-Soomaaligu waa yaab! Dhawaaqa af-Soomaaligu waa yaabka yaabkii! Naxwaha af-Soomaaliguna waa ammankaag!’ Af Soomaaligu hodon weeye, dhan kasta oo laga eego. Wax cir ka soo dhac leh ma aha, in uu udub dhexaad u noqday maansada Soomaalidu ay ku caan baxeen, ayna ku faani karaan. Shaki ma leh in afka caynkaas ah barashadiisu shaqo fudud aysan ahayn. Waxaase la ogsoon yahay in dhib walba ay dheefi ka dambeyso.
WDN: Yaa wax kaala qabtay arrintaas?
Dr. Kapchits: Nasiibwanaag waxaa ah in waagii aan isku tuxallujiyey barashada afkiinna, dhaqankiinna iyo suugaantiinaba ay Moosko joogeen ardo badan oo Soomaaliyeed. Qaar ka mid ah waa aan la saaxiibay. Inkastoo la yidhi ‘Saaxiibkaa mar waa kuu sahan, marna waa kuu sabab’, haddana saaxiibtinnimadaasi khayr mooyaane wax kale ma ay dhalin. Ardadaas oo ka kala socday miyi iyo magaalo, aadna u tiigsanayey tacliinta wax badan ayaan ka bartay, gaar ahaan sidii af Soomaaliga loogu hadli lahaa. Si ay mahadi ku jirto ayaan u xusuustaa kulligood, gaar ahaan Axmed Cartan Xaange iyo Shire Jaamac Axmed, Ilaah ha u naxariistee. Labadoodu waxtar aan la soo koobi karin bay ku kordhiyeen horumarinta afka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
WDN: Intii aanad bilaabin barashada dhaqanka iyo Afka Soomaaliga wax fikrad ah ma ka haysatay Soomaalida?
Dr. Kapchits: Haa, waa aan ka haystay, mar haddii aan Jaamacadda ku baraneyey afka Amxaariga ee looga hadlo dalka ay Soomaaliya deriska la tahay. Laakiin fikraddaasi mid xad leh bay ahayd. Soomaaliya aad bay iiga fogeyd, sida runta ah. Ood kaa fogina kuma dhaxan tirto.
WDN: Wax ma iska bedeleen fikraddaadii ka dib markii aad dhex gashay barashada iyo baadhitaanka Afka iyo dhaqanka Soomaalida?
Dr. Kapchits: Aqoonla’aani waa iftiinla’aan, sow ma aha? Intii ay sare u kacaysey aqoontii aan u lahaan jirey arrimaha Soomaaliyeed indhahayga, qalbigayga iyo maankayguba waxay u leexanayeen Geeska Afrika. Muddo yar ka dib waxa aan jecleystay Soomaaliya dhulkeeda iyo dadkeedaba. Waxaad jeceshahay walaalkaana la jeclow, baa la yidhi. Inta itaalkayga ah baan ku dadaalayaa in dad badan oo aan isku dal nahay iyo dad shisheeya ahi in ay ila jeclaadaan afkiinna, dhaqankiinna iyo suugaantiinna hiddaha ahba.
WDN: Soomaalida maxaad ku tilmaami lahayd ama ku sifayn lahayd?
Dr. Kapchits: Soomaalida waxaan u qaataa dad sare oo ku sifoobay caqli dheeri, deeqsinnimo iyo marti-jecli xad dhaaf ah.
WDN: Ma jiraan waxyaabo si gaar ah kuu soo jiitay oo ka mid ah dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida oo saamayn kugu yeeshay?
Dr Kapchits: Sifooyinka aan kor ku xusay si buuxda bay uga muuqdaan dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida, aad iyo aad bayna ii soo jiitaan. Bal eega:
Nin baa nin u soo hoyday habeen. Markaasaa ninkii loo soo hoyday si wanaagsan u sooray ninkii ku soo hoyday. Markaasna waxaa jirtay abaar xun. Ninkii loo soo hoyday meel wanaagsan ayuu seexshay ninkii ku soo hoyday. Waagii markuu beryay ayuu ninkii loo soo hoyday haddana u keenay sahay iyo biyo uu ku dhul maro. Markaasaa ninkii martida ahaa ku yiri ninkii uu soo martiyey: ‘Ninyohow! Si wanaagsan ayaad ii gashay, marka maxaad jeceshahay in aan kuugu abaalgudo? Ma shan jeer baan kuu abaalgudaa, mase shan goobood baan kaa sheegaa?’ Markaasaa ninkii la soo martiyey yiri: ‘Waxaad iga sheegtaa shan goobood.’
Sheekadanui mid faallo u baahan ma aha.
WDN: Maxay yihiin meelaha aad dhaliisha uga soo jeedin karto dhaqanka Soomaalida?
Dr. Kapchits: Hadal waayeel waa guudmar. Soomaalida, meel ay joogaanba, waxaan xasuusinayaa murtida leh: ‘Walaalo is jeceli waa xoolo bataan oo xabaalo yaraystaan, walaalo is necebina waa xoolo yaraystaan oo xabaalo bataan.’
WDN: Waxaa jirta inaad Soomaaliya booqatay laba jeer oo keliya waqti yarna aad joogtay, hal marna aad tagtay Jabuuti. Haddaba sidee bay kuugu suurto gashay inaad Af Soomaaliga heerkan ka gaadho, isla markaana aad qoraallo tiro badan ka samayso Soomaalida adigoo dibedda ku nool?
Dr. Kapchits: Run weeye in aan Soomaaliya booqday laba jeer oo keli ah, anigoo mar kasta joogay shan beri. Sida la ogsoon yahayna ‘shan beri sheekh laguma noqdo’. Mana aan noqon. Hase ahaate, fuullaan waa faro ku hayn. Si aad fardo fuul u barato waa in aad maalin walba faras fuusho. Afka iyo suugaanta Soomaaliyeed barashadooda iyo baaritaankooda waa aan ku gaboobay. Layaab ma aha in aan wax ka qoray. Subax iyo sadar, subax baa badan!
WDN: Waxaan filayaa inaad muddo dheer si joogto ah ula socotay xaaladda Soomaaliya, maadaama aad ahayd Suxufi ka tirsanaan jiray Laanta Af Soomaaliga ee Raadiyo Moosko. Sida aad la socoto Soomaaliya burbur iyo dagaallo sokeeye ayaa ka dhacay, maxaa fikrad ka haysataa dhibaatada la soo deristay shacabka Soomaaliyeed?
Dr. Kapchits: Dad waliba taariikh, dhaqan iyo aayatiin gaar ah buu leeyahay. Hase yeeshee ma jiro dad qur ah oo aan soo marin dhibaatooyn waaweyn. Dadyawga qaarkoodu silicii iyo saxariirtii u go’naa waa hore bay soo dhaafeen , qaarka kalena imminka bay la dagaallamayaan. Ruushka iyo Soomaalidu kuwa dambay ka mid yihiin. Laakiin, markaad kaliil aragtid roob filo!
WDN: Wax isbedel ah ma ku timid fikraddii aad ka haysatay qofka Soomaaliga ah xilligan oo ay Soomaalidu ku jirto marxalad adag, duniduna ku tilmaanto Qaran fashilmay(failed state)?
Dr. Kapchits: Maya, kuma ay iman, haba yaraate. Hibo Eebbe ku siiyey habeen layskama qaado.
WDN: Haddii aan u soo noqdo dhinaca wax qabadkaaga, wax ma nooga sheegi kartaa qoraalladii badnaa ee aad murtida, maahmaahda iyo Sheeko xariirada Soomaalida aad ka qortay?
Dr. Kapchits: Illaa maanta waxaan qoray toddoba buug iyo maqaallo badan oo ku saabsan afka, maahmaahaha iyo sheekooyinka Soomaaliyeed. Labada buug ee iigu dambeeyay ee la kala yidhaahdo ‘Hubsiimo hal baa la siistaa’ iyo ‘Faaliyihii la bilkeyday: Sheeka xariirooyn Soomaaliyeed, waxaa ka muuqda welwelka aan ka qabo aqoonta aan saas u fiicnayn ee ay dhallinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha jooga qaarkood u leeyihiin afka iyo suugaanta hooyo.
‘Hubsiimo hal baa la siistaa’ waxaan ku ururiyey 314 maahmaahood oo Somaaliyeed ee sida aadka ah loo yaqaanno waqtigan la joogo. Taas oo aan ku ogaaday cilmibaaris gaar ah. Qof kasta oo jecel in uu si fiican ugu hadlo af-Soomaaliga waa inuu bartaa maahmaahahaas aan saas u tira badnayn. Kulligood waxaan ku tarjumay afka Ingriiska, waxaanna ku daray faahfaahin lagama maarmaan ah. Maahmaahda qura ah oo ay yaqaannaan dadkii aan wareystay boqoklkiiba boqol waa ‘Aabbe, kan yar iga celiyoo kan weyn igu sii daa.’
WDN: Waxaad Afka Ruushka ku turjumtay Murtida iyo Maahmaahda Soomaalida, siday u arkeen dadka Ruushka ahi markay akhristeen maahmaahaha Soomaalida, mase jiraan kuwo ay wadaagaan labada ummaddood?
Dr. Kapchits: Waxaa jira maahmaaho aad u badan oo ay wadaagaan dadyawga adduunka oo idili. Waxaa u sabab ah in maahmaahdu ay tahay astaan xaaladeed (sign of situation). Xaaladuhuna waa iskala mid yihiin dal la arkaba. Hab ku fekerka qofkuna waa isku mid. Haddii, tusaale ahaan, ay khasab kugu noqoto in aad maahmaah ahaan ku muujiso fekradda leh: ‘qofka wax qabta keligiis libin gaari maayo’ waxaad tidhaahdaa (haddaad Soomaali tahay) ‘Far keliya fool ma dhaqdo’ ama waxaad dhahdaa ‘Far keliya diqsi ma qabato’ (haddaad tahay Oromo) amase waxaad maskaxdaada kala soo baxdaa ‘Nin keliyi dagaalyahan ma aha’ (haddaad Ruush tahay). Macno ahaan saddexdani maahmaahood waa isku mid.
WDN: Buuggaaga ugu dambeeyay ee Faaliyihii la bilkayday, waxaa dad badan ku adkaaday fahamka magaca buugga, siiba ereyga la bilkayday. Arrintaas wax yar ma nooga iftiimin kartaa?
Dr. Kapchits: ‘La bilkeyday’ iyo ‘La tijaabiyey’ waa isku mid. ‘Bilkeyn’ waa eray rasmi ah oo qurxoon. Laakiin wuxuu ka mid yahay ereyada tirada badan ee tartiib tartiib loo iloobayo. ‘Faaliyihii la bilkeyday’ waa magaca ay leedahay sheekada layaabka leh ee buuggayga ugu horreysa, muujisana ra’yiga ay Soomaalidu ka qabaan adduunka iyo nolosha. Sheekada lafsadeeda iyo magaceedaba waxaa daabacay sannadkii 1951kii gabayaagii caanka ahaa ee la odhan jirey Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal isagoo taageero ka helay aqoonyahankii Ingriiska ahaa ee aad ugu dheeraa afka iyo suugaanta Soomaaliyeed Bogumil Andrzejewski ee naaneystiisu ay ahayd Guush. Rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi!
WDN: Muxuu guud ahaan buuggani ka hadlayaa?
Dr. Kapchits: Buuggani wuxuu soo hordhigeyaa akhristeyaasha Soomaaliyeed iyo kuwo ku hadla afka Ingriiska 115 sheekaxariiro Soomaaliyeed oo aan u haysto qaybta ugu wanaagsan suugaanta Soomaaliyeed ee hiddaha ah. Waxaa ka mid ah sheeka xariirooyinka caanka ah ee la kala yidhaahdo ‘Faaliyihii la bilkeyday’, ‘Garta aadane’, ‘Hoog’, Isha Cumar ka lulata’ iyo kuwo taxanaha ah ee ku saabsan Arraweelo, Wiilwaal, Ina Sanweyne, Siyaad Dharyo Dhoobe, Yoonis Tuug, Cigaal Shiidaad iyo qaar kaleba. Buuggan waxaan ugu talaggalay akhristeyaasha caadiga ah, carruur iyo waayeelba, xeeldheereyaasha iyo dadka kaleba ee xiiseeya afka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Akhristeyaasha WardheerNews waxaan hadiyad- ahaan u soo jeedineyaa sheekada aan aad u jeclahay ee la yidhaahdo ‘Bakhayl, wiil iyo dhurwaa’:
Wiil baa nin u soo martiyey. Kolkuu soo martiyey wuxuu siiyey saan uu ku seexdo, mana soorin. Ka bacdii dhurwaa baa yimid, yarkii ayuu qaatay. Dadkii kale oo dhammi way keceen, waxayna yidhaahdeen: ‘Wiilkii dhurwaa baa qaatay!’ Waa la orday. Ninkii uu wiilku aqalkiisa joogay ayaa ugu horreeyey. Dhurwaagii ayuu ul ku dhuftay oo wiilkii ka riday, kaddibna soo qaaday oo aqalkiisii keenay. Wuxuuna yidhi: ‘Wiilkaygiiyow, inkastoon ku qadiyey, dhurwaagii ku qaatay haddaan kaa riday, sow macruuf kuuma sameyn?’ Wiilku wuxuu yidhi: ‘Macruuf iima aad sameyn. Waayo afkaaga ma ahe af kaleeto inay wax galaan yaadan rabin. Dhurwaaga i qaatay isaguna inuu qado baad rabtay!
WDN: Ma jiraan buuggaag kale oo aad hadda qoristooda gacanta ku hayso amaba aad ku talo jirto?
Dr. Kapchits: Haa, buug kale baan qoreyaa imminka oo aan joogo magaalada Berlin. Waa Qaamuuska Weyn ee Maahmaahaha Soomaaliyeed oo ka kooban in ku dhow 10 kun oo maahmaahood oo qaar ka mid ah aan ku tarjumayo afka Ingriiska, anigoo kaashanaya Sheila Andrzhejewski ee macallinkii Guush uu ka tegay iyo qoraaga la yidhaahdo Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’.
WDN: Waxaa jira qorayaal badan oo Soomaaliyeed, ma jiraan kuwo aad si gaara qoraalladooda u xiisayso, maxayse tahay sababtu?
Dr. Kapchits: Waxaan si gaar ah u qadderiyaa buugagga uu qoro Afrax, maadaama uu si geesinnimo leh ugu muujiyo dhibaatooyinka Soomaaliya haysta iyo sababaha dhaliyaba.
WDN: Soomaalidu dhanka gabayga ayay caan ku tahay, sideed u aragtaa gabayada Soomaalida?
Dr. Kapchits: Heerka gabayga weli ma aan gaarin, umana aan maleynayo in aan weligay gaari doono. Hase ahaate gabayo aan tiro yarayn waa aan akhristay, gaar ahaan kuwo ay tiriyeen Hadrawi iyo Gaarriye. Shaki ma leh in aan la dhacay.
WDN: Ma jiraa wax farqi ah oo u dhexeeya gabyaagii hore ee Soomaaliyeed iyo kuwa hadda?
Dr. Kapchits: Nin baa beri arkay xoon shinni ah oo malab ku guraysa geed dheer dushiis. Markaas buu ku tashaday in uu gurto malabka. Qori dab ah, caws iyo masaar buu soo qaatay. Markaas buu ninkii geedkii malabku ku jirey la koray si uu u soo gurto.
• |
Waar maxaad ka sameyneysaa geedka dushiisa? ninkii malabka lahaa baa weydiiyey markii uu arkay tuuggii |
• |
Waar, inaan geedka dushiisa ku yare layrsado baan rabaa, buu ku jawaabay ninkii geedka fuushanaa. |
• |
Oo maxaad masaarta ku falaysaa? |
• |
Laamaha naqa leh ee sare baan ariga ugu soo jaranayaa. |
• |
Cawskana maxaad ku falaysaa? |
• |
Waan ku dul fadhiisanayaa si maradu ayan iiga wasakhoobin. |
• |
Oo dabkana maxaad ku falaysaa? |
• |
Taas jawaab looma hayo! - buu yiri ninkii geedka fuushanaa. |
Aniguna, haddaan Kapchits ahay, su’aashii ugu dambeeysey ee la ii soo jeediyey jawaab uma hayo.
WDN: Dhinaca hal abuurka ama curinta maansada weli ma isku dayday?
Dr. Kapchits: Haa, intii aan da’da yaraa gabayo waa aan tirin jirey. Laakiin midna ma aan daabicin, badankoodna waa aan iloobay. Hadday ahaan lahaayeen kuwa tayo dhab ah leh ma aan iloobi lahayn, baan u maleyneyaa.
WDN: Ma dhegaysataa heesaha Soomaalida, waa kuweese fannaaniinta iyo abwaanada aad heesahooda xiisayso?
Dr. Kapchits: Marmar waa aan dhegeystaa. Aad baan u jeclahay Maryan Mursal oo markii iigu horreysay aan kula kulmay Moosko sannadkii 1970kii ee ay la timid kooxda ‘Waabberi’. Markii labaad waxaanu ku kulannay Denmark sannadkii hore. Isma ay beddelin!
WDN: Maxaad talo ahaan ugu soo jeedin lahayd hal abuurka iyo guud ahaanba qorayaasha Soomaaliyeed?
Dr. Kapchits: Indheergaratada Soomaaliyeed waxaan kula dardaarmi lahaa in ay si habsami leh u daryeelaan filka soo koraya ee mustaqbalka Soomaaliya uu ku xiran yahay.
WDN: Ugu dambaystii ma jirtaa cid aad jeceshahay inaad halkan salaan uga soo jeediso?
Dr. Kapchits: Igu salaama saaxiibbadayda oo dhan ayna ka mid yihiin Saciid Samatar, Abdulqaadir Cismaan Faarax, Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’, Maxamed Maxamuud Xandulle iyo Faatuma Shiikh Cali Jimcale. Dhammaan akhristeyaasha WardheerNews waxaan u rajeyneyaa barwaaqo, bashbash iyo bariis caano leh. Mareegtaydu waa Kapchits.narod.ru, e-mailkayguna waa geedka@aha.ru
WDN: Aad baad u mahadsantahay
Dr. Kapchits: Idinkaa mudan. Hadal nin badiyey ma wada odhan, nin yareeyayna kama wada tegin, baa la yidhi. Waxaan ku rajo weyn ahay in wareysigu aanu noqon mid aad u dheer oo daalin kara akhristeyaasha.
|