header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


01/02/2006: Submitted for publication via web
Ibraahim Gadhle: Hal Abuur Iyo Gabayaa ka Galbaday Suugaanta Soomaalida
by haatuf.net

Djibouti, January 30, 2006 (Haatuf) – Ilaahay ha u naxariistee waxa habeen hore dalka Djibouti ku geeriyooday Abwaan Ibraahim Sheekh Saleebaan (Ibraahim Gadhle) oo ahaa hal abuur iyo suugaanyahan aad looga yaqaanay guud ahaan dhulka Soomaalidu degto, gaar ahaan dalka Djibouti oo uu safka hore kaga jiray halyeyadii u soo halgamay dhinaca suugaanta gobonimada Djibouti iyo hal abuurada kaydka golaha Raadyowga iyo Telefishanka Djibouti.

Marxuum Ibraahim Gadhle oo badweynta Suugaanta soo galay 1950-maadkii waxa uu leeyahay suugaan isugu jirta maansooyin, gabayo iyo heeso marka aad maqasho taabanaya damiirka dadka, isaga oo isla markaana suugaan ka tiriyey qaybaha kala duwan ee nolosha.

Dhinaca Somaliland oo uu asal ahaan u dhashay waxa si gaar ah loogu xasuustaa kaalintii libaax ee uu ka qaatay halgankii dib u xoreynta ee SNM, isaga oo uga soo xidh-xidhay Djibouti si uu uga qayb qaato halganka, waxaanu suugaan guubaabo ah isagoo wada isaga dab qaaday jiidihii hore ee mujaahidiintii SNM oo uu ku dhiirinayey halgankii.

Ibraahim Gadhle oo shalay lagu aasay Djibouti waxa aaskiisii ka qayb galay masuuliyiin ka socota xukuumada Djibouti iyo shacabka dalkaasi oo ka tiiraanyeysnaa geerida ku timid abwaankooda.

Haddii aanu nahay bahda Haatuf waxaanu tacsi u diraynaa guud ahaan dadka Soomaalida, gaar ahaan qoyskii, qaraabadii iyo bahda Suugaanta iyo hal abuurada ee uu ka baxay marxuumku, anagoo taariikhda marxuumka oo faah-faahsan cadadyada soo socda idiinku soo gudbin doona, balse waxaynu qadar ka soo qaadanaynaa suugaantii uu tiiriyey. Heestani, waxay ka mid tahay heesaha tirda badan ee abwaanka caanka ah Ibrahin gadhle uu sameeyay . Heestan waxa cod aad u macaan ku qaaddaJiray fanaankii weynaa Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee Maxamad Mooge Liibaan.

Heestan waxay ku bilaabantaa sidan :
Maxaa dayr cad geel hallaaboo
Dib jiray uu cunay dugaagoo
Ninkii lahaa daydayaa
Maxay dantu ciishay wiiloo
Dulqaad iyo deeq lahaayoo
Dadkuna doqon moodayaan
Adigoo degganaa abaar
Mar baa dirir kuu da'ayoo
Daruuruhu kuu curtaan oo
Xareed ku dabbaalataa
Ha dilin hana iga dagaalin
Diirkaa iigu yaallee ax!
Wadnaha damqashada ka daa
Afrikada Ilaahow ...
Allahayow adduunyada markaad, taagtay udubkeeda
Ama aad abuurtay khalqiga, Aadan iyo Xaawo
Maalintuu Iblayskuna kufriyoo, diiday amarkaaga
Imminkiyo ayaantaa maxaa, belo adeegeysa
Imisaa ardaa fiican iyo, aqal madoobaaday
Ubadkay siteen iyo maxaa, dumar agoonoobay
Imisaa arwaax hoyatay oo, gaal iyo islaan leh
Axmadkii la doortiyo maxaa, nebiyo loo ooyay
Abuubakar Siddiiq iyo inuu, Caliba iil jiifo
Inkastoon ogsoonahay inaan, axadba waaraynin
Wadka Eebe soo diro wax baa, aniga ii dheere

Ifka ruuxa joogaa kol uun buu, ku istareexaaye
Kol uun bay anfaaciga macaan, iligga saaraane
Ikhtiyaar kol uun bay helaan, uumiyaha kale eh
Aasiyaba waxay leeyihiin aarmi iyo xooge
Annagana Orobbaa sidii, awrta noo rarata
Waaggii iftiimaba kun baa, lanaga aasaaye
Bal qabsoo ugaadhiyo sidii, adhiga weeyaane
Eygaa ciyaayana hadduu, dhaamo inankeenna

Afrikadan Ilaahow maxaa, laga abuuraayey?
Allahayow alhuumiyo maxaad, iinta ugu yeeshay?
Allahayow awood iyo maxaad, aalad ugu diidday?
Ummaddaada Eebbow maxaa, loogu kala eexday?

Ingiriis ragguu laayey baan, cidi ilaaweyne
Axmad Guray unuunkay jareen, ehel ha waayaane
Oomaarna waad wada ogtihiin, uubtii loo qodaye
Sayidkii addoonsiga nebcaa, aakhiro u tabiye
Waa kuwii Cadhoolana ajalay, calankan awgiiye
Halyeygii Sheekh Bashiir bay dharaar, adhaxda gooyeene
Maxamuud sidii loo arjumay, aamus laga qaadye
Imaam Cusmaan baa ku maqan, ololeheeniiye
Ablay bay u quudheen nin ragi, kuma ataageene

Eeddii gumaystaha haddaan, in yar ka faalloodo
Axaddii bishii Maaris iyo, hore isniintiiba
Eedaanka waaberi markuu, noo addimay sheekhu
Waa kuwii intay ururiyeen, edeg ka buuxsheen e
Waa kuwii awaaraha na tubay, aqab la'aaneed e
Waa kuwii uqaylkii guriyo, kii arrimin lahaaye
Waa kuwii hablaha ugub diliyo, Aaminiyo Luule
Waa kuwii Aamaar iyo dugaag, oomman noo qubaye
Immikana kuwaa talinayay, eebada u tumiye

Isticmaarku ooduu dhigiyo, qodaxdii waa taalle
Ma ilbixin kuwii aan lahaa, way ka aargudane
Iglan baaba loo dhoofiyaa, weli addoontiiye
Iib baa Amriik loogu diray, odayo waaweyne
Almaaniyana kolay tahay, nala asqaysiiye

Kol hadday abiid ii yihiin, oohintiyo ciilku
Uurkii islaantii maxaan, uga abuurmaayay?
Oofta iyo hooyaday maxay, adhaxda ii saartay?
Allahayow awoowiyo muxuu, aabbe ii dhalayay?



The views published here are solely those of its authors (haatuf.net) and do not necessarily reflect those of REDSEA-ONLINE.COM.
All articles on redsea-online

1. 15/05/2012 Gathering to commemorate Dr. Abdishakur Shiekh Ali Jowhar - Commemoration committee
2. 11/05/2012 Press Release from Camden Creative: Are you Somali of any age and background, and are moving permane - Camden Creative
3. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 31 October - Festival Books presents
4. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 30th October - Comedy Night with Boon Xirsi, Prince Abdi, Abdi Bahdoon &other
5. 20/09/2009 SWF - Events: Thursday, 29th October - Film night and Djibouti artist evening
6. 20/09/2009 SWF - Events: Wednesday, 28th October 2009 - One act the play ‘Baqayo Roged’
7. 20/09/2009 SWF - Events: Tuesday, 27 October 2009 - BME involvement in public bodies
8. 20/09/2009 SWF - Events: Monday 26 October 2009 - Young People and citizenship
9. 20/09/2009 SWF - Events: Sunday, 25th October 2009 - Family Day: Storytelling day for children and their parent
10. 20/09/2009 SWF - Events: Saturday, 24th October 2009 - A day of pure poetry
11. 20/09/2009 SWF - Events: Friday, 23rd October 2009 - Launching of the Festival
12. 03/08/2009 Opinion on: Book review - Whose world is it any Way? By Shamis Hussein - Omer Aden E-mail : omerliban@gmail.com
13. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Lixaad - Isniin 27 Julaay 2009
14. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta shanaad - Axad 26 Julaay 2009
15. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta afraad - Sabti 25 Julaay 2009
16. 23/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta saddexaad - Jimce 24 Julaay 2009
17. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Labaad - Khamiis 23 Julaay 2009
18. 19/07/2009 Mooge/HIBF - Maalinta Kowaad - Arbaca 22 Julaay 2009
19. 21/02/2009 Xog-waranka Abwaan Cabdilaahi Cawed Cige - Mustafe Sh. Cumar
20. 12/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Saddexaad - Axmed Yuusuf Ducaale
21. 11/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Labaad - Axmed Yuusuf Ducaale
22. 10/11/2008 "Alliwa": Wargeys 50 Guuradiisii Ay Maanta Tahay - Kowaad - Axmed Yuusuf Ducaale
23. 30/05/2008 Boqorka shaqsiyaddu waa kuma? Qaybtii 1aad - Farduus Siciid Dirir
24. 16/05/2008 HALABUUR, Journal of Somali Literature and Culture - hal-abuur
25. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982-kii ee dugsiga sare ee Timacade(qalax) ee Gabiiley, qaybtii 2-aad - Cali Cumar Xasan
26. 22/02/2008 Dhagaxtuurkii 1982 iyo dugsiga sare ee Tima-cade ama Qalax (Gabiley) - Cali Cumar Xasan
27. 22/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA. QAYBTII AFRAAD. - By Alpha
28. 20/02/2008 QAYBTII SADEXAAD EE LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA - By Alpha
29. 18/02/2008 LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAX TUURKA, Qaybtii labaad - By Alpha
30. 17/02/2008 Qaybtii Koowaad 20-Febaury 1982. Lix iyo Labaatan guuradii Dhagax Tuur - By Alpha
31. 11/02/2008 Barmaamij ku saabsan dadka xiskoodu dhiman yahay - Maxamed-Keyse
32. 28/01/2008 Qudbigii Suugaanta – Gabay - Bashiir Good
33. 25/11/2007 Hal-Abuur magazine relaunched - redsea
34. 11/11/2007 Gorfaynta Buugga “People on the Move” ee uu qoray Dayib Cabdi Askar. - Prof. Jaamac Aadan Cali
35. 11/11/2007 A critical review on “People on the Move” - By Prof. Jama Adan Ali
36. 29/06/2007 Buugga KARAAN: Xadhka-jiid ma gayo maamul Qaybta 2aad - Maxamed Yuusuf (Keyse)
37. 26/06/2007 Shirsannadeedkii Ururka Qoraaga Somaliland oo ka dhacay Stockholm 16/06/2007 - qoraaga.com
38. 26/06/2007 Buugga KARAAN Iyo Maansada Kasmo - Maxamed Yuusuf (Keyse)
39. 23/10/2006 Tixda Cabdilaahi Suldaan Timacadde & Ereyga “Soomaali” - Yasin Jaamac Nuux (Suldaan)
40. 13/08/2006 Baroordiiq (Tacsi) Abwaan Axmed Ismaaciil "Qaasin' - aftahan.org
41. 12/08/2006 Tacsi - Ururka Qoraaga Somaliland
42. 02/08/2006 Taariikh ku saabsan magaalooyinka Saylac, Berbera iyo Sheekh - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
43. 26/07/2006 Wargelin Muhiim ah: Xafladda Gardaadinta “Guri Waa Haween” ee Magaalooyinka Bristol iyo Cardiff - Maxamed Baashe Xasan
44. 17/07/2006 Book Signing Ceremony - Gobaad Communications & Press
45. 01/07/2006 Milicsiga maansooyinkii Abwaan "Qaasim" (Dad musbaar dhegaha kaga jiraan, maqal ka tuugaaye. 1964 Q. - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
46. 01/07/2006 Jebintii Jeelka Madheera Qaybtii 4-aad: Qorahu Wuxuu Soo Saari Doona Buug Ku Dhamaystiran Dhacdadani - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (alpha) — Bristol, Uk
47. 30/06/2006 Milicsiga maansooyinkii dhaxalgalka ahaa ee Abwaan "Qaasim" (Sidii baa ducaaloow biyaha loo dawariya - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
48. 10/06/2006 Jabintii Jeelka Madheera Qaybtii 3-aad: Afduubkii Diyaaraddii Somali Airline Ee Afar Iyo Labaatankii - Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (Alpha)
49. 08/06/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Qaybtii 2aad - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
50. 5/6/2006 05-JUNE-1988 - JABINTII JEELKA MADHEERRA - Abdirisaq Sheekh Ibraahim Kooshin
51. 26/03/2006 OGEYSIIS:TODOBAADKA SOMALILAND EE YURUB - SSE
52. 23/03/2006 Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Wadajir U Qaabiley Qoraa Weyn Oo Kenyaan Ah - somaliland.org
53. 20/03/2006 NETWORK OF DEVELOPMENT RESEARCHERS: HALF-DAY SEMINAR - SSE
54. 14/03/2006 School book with images of Prophet Muhammad banned in Somaliland - BBC Monitoring
55. 27/02/2006 GURI BA’AY - Maxamed Baashe X. Xasan
56. 20/02/2006 Milicso Maalmihii Ina Soo Maray – 20-ka February - Aamina Maxamuud Diiriye, Hargeysa, Somaliland
57. 19/02/2006 GPS: Burco Iyo Horumarku Maxay Ku Colloobeen? - Cabdillaahi Cawed Cige
58. 18/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan – 1944kii (qaybtii 6aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
59. 09/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (1944kii – 2006da) Q. 4aad - Boobe Yuusuf Ducaale
60. 08/02/2006 Safar Salaama iyo Xaflad Sagooti ah oo loo Samaynayo Abwaanka Gaarriye - aftahan.com
61. 08/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan 1944kii – 2006da (Q. 3aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
62. 06/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (Qormada 2aad) - Boobe Yuusuf Ducaale
63. 04/02/2006 GEERIDII GADHLAY SHEEGAYAAN GACAL HA WAAYAANE - Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
64. 04/02/2006 XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Marxuun Ibraahin Gadhle - Boobe Yuusuf Ducaale
65. 31/01/2006 Tacsi Geeridii Abwaan Ibraahin Aw Saleebaan (Gadhle) - RSOL
66. 30/01/2006 Sannad wanaagsan - 1427 - RSOL
67. 20/01/2006 Habka Dhismaha Maansada Soomaaliyeed - Cabdi Miigane Guuleed & Maxamed Cabdillaahi Riiraash
(somalistartpage.com)
68. 25/01/2006 Wareysi Dr. Georgi Kapchits - wardheernews.com (Copyright WDN 2006)
69. 18/01/2006 Somaliland Societies in Europe: War saxaafadeed - SSE
70. 31/10/2005 Nin Gumoobay - Ibraahin Yuusuf Axmed
71. 31/10/2005 Dhagartii Oogle (Sheeko) - Ibraahim Yuusuf Axmed
72. 11/10/2005 Somali poetry event: The great Somali poet Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye' in UK - redsea
73. 10/09/2005 MADHXINTA AFSOOMAALIGA - Maxamed Bashe X. Xasan
74. 07/09/2005 From Mechanic to Civic Leader: One man's active leadership brings better energy options to an entire - (from awdalnews.com)
75. 03/09/2005 Kuma ayuu ahaa Cabdilaahi Suldaan Maxamed "Timacade" - Abdifatah O. Abdi
76. 28/08/2005 AIDS And Circumcision - Rhoda A. Rageh
77. 28/08/2005 Duumo iyo Duullaan - Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
78. 28/08/2005 Dhibaatooyinka ku xeeran qoraalka afsoomaaliga iyo hirgelintiisa - Maxamed Bashe X. Xasan
79. 14/05/2005 "LADH" waa buug murugo, xiise, xasuus iyo xanuun intaba kugu beeraya - RSOL - Editor
80. 28/02/2005 "Dhagaxtuur Ma Been Baa?" - Boobe Yuusuf Ducaale
81. 18/02/2005 Yusuf Haji Aden Was a Great Educationist - SSE Chairman
82. 18/02/2005 Tacsi Ururka Somaliland Forum - Guddiga Dhexe Somaliland Forum
83. 15/02/2005 Obituary: Yusuf Haji Aden was a great man - Mohamud Tani
84. 17/02/2005 Aas Heer Qaran Ah Oo Loo Sameeyey Abwan Yusuf Xaji Aadan
85. 03/01/2005 Ujeedo Xog Ururuuin Ka Timid Ururka Qoraaga Somaliland - SWA
86. 06/03/2004 Students Uprising Of Feb 20th Observed By SONYO - the Somaliland Times, ISSUE 109, Feb 21, 2004
87. 04/03/2004 Warsaxaafadeed "Ururka Qoraaga Somaliland" - UQS, Sweden
88. 28/02/2004 20-ka February oo markii ugu horeysay laga xusay magaalada London - London (Jam) - from www.jamhuuriya.info
89. 27/02/2004 20-Ka February Oo Loo Aqoonsaday Maalinta Dhallinyarada Somaliland - Haatuf, Hargeysa Feb, 22, 2004
90. 25/02/2004 «Materia Cinese Chinese Matter»: per una comunicazione universale - Elisabetta Marino, l'Unità 06.02.2004
91. 12/02/2004 Bandhig Buug: Jamhuuriya
92. 23/12/2003 “Materia cinese”: i ponti invisibili di Lina Unali - Elisabetta Marino
93. 16/08/2003 The Vice President told youngs in his Party that "My Teachers' Group" is a good example to follow.
94. 20/06/2003 Barre Hagi Elmi Ahmed: Tribute to an unknown martyr - Jama Musse Jama
95. 29/05/2003 Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalikayga Maalintaas (20-ka February 1982) - Khadar Ali Gas
96. 24/03/2003 A new section dedicated to the Somali Books
97. 21/01/2003 "Il Gazzettino" newspaper reviewed Layli Goobalay
98. 20/01/2003 Layli Goobalay on "IntercultuRadio" Radio
99. 4/12/2002 "Il Secolo XIX" reviewed Layli Goobalay
100. 3/12/2002 Layli Goobalay on Italian National Radio

Social Community
Join us today

There are currently, 446 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com