|
04/02/2006: Submitted for publication via web XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Marxuun Ibraahin Gadhle
by Boobe Yuusuf Ducaale (from www.haatuf.net)
Ibraahin Sheekh Saleebaan (Ibraahin Gadhle)
1944kii – 2006da
“Awrka didibso baan idhi,
Nacaskana dud baan idhi,
Kelidii danaystaha,
Daribtii intuu cunay,
Naga raba durduurtee,
Waxba deeqi waayeen,
Is-na dhagax-dixeed iyo,
Deebaaq liq baan idhi,”
Ha dacwiyin Denbiiloow,
Ibraahin-gadhle, Jabuuti,
30/3/1980kii,
Qormada 1aad - Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com
Fadhi-shaqo oo aanu Xarunta Akaademiga ku lahayn ayaan ku daahay. Si
dhaqankayga qayilaadeed ka baxsan ayaan goor danbe oo ay saacaddu ku
beegnayd ilaa 8.45 saacadood ee habeennimo ka soo kacay. Nin aanu
saaxiibbo iyo hawl-wadaagba nahay oo dhoofayay ayaan u sii qaaday
hudheelka Maansoor oo uu deggenaa. Waa 29kii Jeeniweri, 2006da. Waxaan soo
hoyday Koongo iyo Senegaal oo kubbad ciyaaraya oo ay Senegaal leedahay
laba gool. Haddan fadhiistay oo aan isu diyaariyay in aan wax aan badnayn
hawl-galo ayuu Aw Yuusuf oo carruurtayda ka mid ahi tilifoon soo dhacay ii
dhiibay. “Waa ayo?” Waxa ii xigay: “Waa Gurraase”. Cod aad u hooseeyay oo
murugo iyo tiiraanyoba lahaa ayuu iigu sheegay in Ibraahin-Gadhle Jabuuti
ku dhintay oo lagu aasay. Miyaanan maqlayn mise dhegta ayaa is-diidsiinaysay.
Mooyi. Mar, laba iyo saddex jeerba waan ku celiyay. Halkiisii iyo
warkiisii ayuu ku adkaystay. Anna xaqiiqsaday in saaxiibkay Tukaale socday.
Tukaale, wuxuu ahaa magac uu Riwaayad ku jilayay oo halhays iyo
halkudhegba u noqday carruurtayda. In badan ayay iga codsadeen in aan
Tukaale baro. Fursad aanan helin marka laga reebo Ayaanle oo aan maalin uu
dhoofayay garoonka dayuuradda isku baray. Gurraase ayaan mar kale su’aal
dib ugu noqday oo aan weydiiyay halka uu kasoo hadlayo. Ku-ye: “Haatuf
ayaan joogaa”. Gurraase, wuxuu I weydiiyay wax kooban oo ku saabsan
taariikh-nololeedkii Ibraahin-Gadhle, Ilaahay ha u naxariistee. Anna
waxaan ugu jawaabay in ay taasi baadhis iiga baahan tahay, Ibraahinna aanu
ahayn nin aan si fudud u geli karo qoridda taariikhdiisa. Wax aan badnayn
sidaana u buurnayn ayaan markii u sheegay Gurraase, aniga oo aan hagranayn.
Waxaan se dareemay in aanu Gurraase ku qancin.
Sidaa ayuu warkan naxdinta lihi igu soo gaadhay. In yar markaan fadhiyay
ayaan haddana saaxiibkay Xaashi la hadlay, waxaanu ii sheegay in uu go’ay
Ibraahin 29/1/2006ka, mar ay saacaddu ku beegnayd 4.30 subaxnimo, isla
maalintiina waxa lagu aasay Jabuuti. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka
waraabiyo, innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo.
Intaa ka dib ayaan xusuus ugu noqday Ibraahin Sheekh Saleebaan. Waxa
markiiba igu soo dhacday goortii araggiisa iigu danbeysay. Waxay ahayd
maalmihii ololaha doorashadu socday. Waxay ahayd bishii Sebtember
horraanteedii, 2005tii. Goor barqo ah ayaan hor maray xafiiska Daallo.
Askarigii baabuurta kala horayay ayaa na joojiyay. Dhinaca midig ayaan
eegay mise waxa taagan Ibraahin-Gadhle oo xidhan isku-joog kaakiya. Gabadh
aan is-idhi isaga ayaa dhalay ayaa xagga bidix ka taagnayd. Markaan isha
ku dhuftay, ayaan aniga oo baabuurkii ku jira u dhawaaday oo aan ku idhi:
“Cajuus”. Kaftan-wadaag aan kala xanaaqin ayaanu ahayn. Hadal ayuu is-yidhi.
Haghago aanan ku aqoon jirin ayaan ka dareemay. Waxa kale oo aan dareemay
in uu ka itaal-daran yahay intii aan ku aqaannay. Naxdin. Gaadhigii intaan
dhigay ayaan kasoo degay. Waxa ii xigtay Ibraahin oo dhaqaaq holladay bal
se aad mooddo in uu lug iyo gacan wax ka qabo in kasta oo uu keligii
tallaabsanayay. Gabadhii ayaa ku soo dhawaatay oo gacanta qabatay.
Xaqiiqsaday in Ibraahin buko aniga oo aan garan sida loo helay. Naxdintii
ayaan ku booday oo isku duubay. Labadii gacmood intaan dhabarka ka mariyay
ayaanu madax iyo luqunba is-dhaafsanay. Si daayay si uu Ibraahin iigu
warramo. Wuxu ii sheegay in dhiig-kar awgii dhinac la bakhtiiyay oo uu
dhowr bilood yaallay cisbitaal Dubay ku yaal, bal se immika uu ka soo
doogay oo iska ladan yahay. Gabadhii oo garab taagan ayuu iskaaya baray.
Waxa igu soo dhacday miyaanu wiilal lahayn, haddana waxaan isku qanciyay
in ay mar walba habluhu wiilasha qaneecaad dhaamaan. Naxariisna iyaga
ayaaba lagu og yahay. Wiilasha qudhooda ma nebciye, waa se sida loo badan
yahay. In aan sii qaado ayaan damcay, waxay se ii sheegeen in ay baabuur
wateen. Maa daama aan ogaa in uu gurigoodii Qudhac-dheer ku soo dego,
waxaan u sheegay in aan u iman doono.
Mar kale ayaa markaa iiga danbaysay. Markan Buurco ayaanu ku kulannay.
Maalmihii ugu danbeeyay ololihii doorashada ayaan goor fiid ah soo galay
Hudheelka Gabay-xaddi ee Burco. Markiiba qof hudheelka joogay ayaa ii
sheegay in uu Ibraahin-gadhle sakaaraad yahay oo qol hudheelka ka mid ah
jiifo. Dhankaa iyo dhankaa aniga oo aan deyin ayaan markiiba qolkii la
iigu tilmaamay ku cararay. Wuu jiifaa, waxaana dul tuban dad aan badnayn
oo uu ku jiray nin dhgakhtar ahi. Dahkhtarku wuxu doonayay in uu dhiiggisa
qiyaaso, bal se agabkii ayaanu haysan. Isla markiiba tu aan sitay ayaan la
soo cararay oo lagu qiyaasay. Caadi ayuu iska ahaa, bal se dhakhtarkii
wuxu ku taliyay in cisbitaalka Burco la seexiyo si looga war hayo, sidii
ayaana lagu qaaday. Habeenkii ayaa araggiisa iigu danbaysay. Markii aan
Hargeysa ku soo nqoday ayaan gurigii uu degganaa habeen ka doonay, waxaana
la igu war geliyay in uu Jabuuti ku noqday. Waxa ii qorshaysnayd in aan
maalmahaa wax kaga duubo halkii uu deggenaa, Ilaahay baan se qaddarin.
Waxaan se kaga calool-fayoobaa aniga oo ogsoonaa in Ibraahin suugaantiisii
qoraal ku diyaariyay oo ay xaal-xaal yar mooyaane daabacaad sugaysay.
Waa muuqaalkii iigu danbeeyay ee aan u lahaa Ibraahin-Gadhle, naxariistii
Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Maqal aan maqlo xadayn kari maayo
xilligii iigu horraysay. Aragga se waan muddayn karaa oo markii iigu
horraysay waxaanu ku kulannay magaalada Muqdisho. Waa maalmihii ay socotay
Deelleeydu oo uu Jabuuti ka yimid, safar gaabanna Muqdisho ku yimid.
Deelleeyduba waxay socotay Diisambar, 1979kii ilaa Abriil 1980kii.
Ibraahin laba tixood oo dhamacda ka kulul ayuu ku lahaa Deelleeyda.
Waxa ii xigtay mar 1982kii Jabuuti ku sugnaa oo aan u qalab-qaadanayay
sidii aan uga qayb qaadan lahaa halgankii hubeysnaa ee ay SNM horseedka ka
ahayd. Xilliyadaa Ibraahin dukaan cajaladaha lagu kala duubo oo Boodhari
la odhan jiray ayuu ku lahaa Xaafadda afraad meel galbeedka kaga beegnayd.
Waxaan xusuustaa in aan ka sii iibsaday 11 cajaladood oo Deelleeydii ahaa
oo aan dhammaantood ku garaacay mar aan deggenaa magaalada Cadan, gaar
ahaan Hudheelka Xaafadda Tawaahi ku yaal ee la yidhaahdo Bisha ama
“Crescent Hotel”. Berigaa waxa kale oo aan Jabuuti ka sii duubtay nin aanu
saaxiib ahayn oo la yidhaahdo Xasan Wadaad ilaa 40 cajaladood oo kale oo
heeso ahaa. Sahaydii ugu buurnayd ee aan halganka u sii qaatay ayay ahayd.
Maanta keydkayga cajaladaha, laba cajaladood oo keliya ayaa kaga sii
hadhsan cajaladahaa. Midi waa cajaladdii koowaad ee Deelleeyda, cajaladda
kalena waxa ku jira heesihii 26kii Juun ee 60kii. Mar labaad ayaan Jabuuti
kasoo duubtay cajaladihii Deelleeyda oo dhan.
Ibraahin Sheekh Saleebaan oo loo yaqaannay Ibraahin-Gadhle, wuxuu ku
dhashay magaalada Jabuuti 1944kii. Hooyadii waxay ahayd Shaqlan Caynaanshe.
Wuxu ku barbaaray magaalada Jabuuti oo uu ka galay malcaamad-quraan.
Ibraahin-Gadhle markii uu barbaaray wuxu ka hawl-galay Dekedda Jabuuti oo
uu ka shaqayn jiray 1955kii ilaa 1967kii. Wuxu u wareegay dhismaha oo uu
ku hawlanaa 1967kii ilaa 1978kii.
1978kii, wuxuu hawl ka bilaabay Radio Jabuuti halkaas oo uu ka shaqayn
jiray ilaa 1984kii. Intii xilligaa ka danbeysay, Ibraahin-Gadhle wuxu ku
hawlanaa ganacsi iyo ka-qayb-qaadashadii halgankii hubeysnaa ee
dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd, isaga oo ku sugnaa jiidaha
hore ee dagaalka 1988kii ilaa bilowgii 1991kii oo dalka laga xoreeyay
nidaamkii Siyaad Barre.
Lasoco…………………….
|