|
06/02/2006: Submitted for publication via web XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (Qormada 2aad)
by Boobe Yuusuf Ducaale (from haatuf.net)
1944kii – 2006da
“Awrka didibso baan idhi,
Nacaskana dud baan idhi,
Kelidii danaystaha,
Daribtii intuu cunay,
Naga raba durduurtee,
Waxba deeqi waayeen,
Is-na dhagax-dixeed iyo,
Deebaaq liq baan idhi,”
Ha dacwiyin Denbiiloow,
Ibraahin-gadhle, Jabuuti,
30/3/1980kii,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail,com
Ibraahin wuxu ahaa halabuur curin iyo farshaxanba lagu majeerto. Been ku
hadli maayo haddii aan idhaahdo haldoorka Jabuuti ayuu ahaa oo cidna laba
kuma ahayne, raqamka koowaad ayuu ka ahaa. Heerarka Soomaaliyeed marka
aynu u nimaadno, Ibraahin foolaadka xulka ah ayuu ku jiray. Gude iyo dibad
maansooyinkiisa, heesihiisa iyo Riwaayadihiisuba waa ay maaxeen.
Dhammayn kari maayo e’, bal aan mid iyo laba kasoo qaato Riwaayadahiisa
caan-baxay:
1. Nolol geeridu dhaanto,
2. Marti in aad Ilaahay u tahay,
3. Halgankii ummadda iyo hoog Isticmaar,
4. Ragow aarsi haween u adkaysta markiinna,
5. Waa la moodaye, ma aha,
Maansooyinkiisa halkan kuma wada tixi karayo e’, bal aan heesaha wax aan
badnayn kasoo garoocdo. Hoobalkii codkiisa malabku cawryay ee Maxamed
Mooge ayaa intaba ku luuqeeya. “Dadka ha iska weyneyn”, waa koow, “Maxaa
deyr-cad”, waa laba, “Waagoow dhakhsoo”, waa saddex. Miyaan sii wadaa. Mar
kale ayaan isku deyi in aan ku soo noqdo.
Ibraahin wuxu guursaday saddex haween ah oo kala ah:
1. Sahra jaamac oo leh 2 gabdhood iyo hal wiil,
2. Saado Ibraahin oo leh 5 gabdhood iyo 3 wiil,
3. Maryan Maxamed oo leh 2 gabdhood iyo 3 wiil,
Waa sagaal hablood iyo toddoba wiil iyo hooyooyinkood. Waxa kale oo uu
Ibraahin ifka kaga tegay Diiwaankii Maansooyinkiisa. Maa-shaa Allaa.
Ilaahay ha ka abaal-mariyo.
Ibraahin wuxu noolaa nolol hodan ah oo uu kaga soo qayb-qaatay halgankii
Jabuuti iyo kii dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Af iyo
addinba wuu ku dagallamay, waxaanu ahaa qof aragti cad oo muuqata ka lahaa
labadaa halganba. Ma ay ahayn aragti qarsoon oo isaga ku kooban, bal se
waxay ahayd mid ku dheehnayd suugaantiisii iyo curintiisaba oo si fudud
looga daalacan karo. Intiinna taqaannay mooyaane, waxaan jeclahay in aan
intiinna kale idin baro Ibraahin Sheekh Saleebaan aniga oo idiin kala dab
qaadaya. Run ahaantii Ibraahin ayaa is-kiin baraya, bal se doorka aan is-barashadan
ku leeyahay ayaa noqonaysa in aan idiin soo qabto hadba tuduc ka mid ah
maansooyinkiisa si aad u garataan aragtidii uu nolosha iyo halgannadii is-daba
joogayba ka lahaa.
Waxaan adeegsanayaa Maanso uu ugu wanqalay DIRSOOC oo uu ka tiriyay
Shirweynihii 6aad ee SNM, 2dii bishii Abriil 1990kii, kaas oo ku qabsoomay
meel woqooyi kaga beegnayd Balli-gubadle.
Aynu ku horreeyno aragtidii uu Ibraahin ka lahaa Maansada ama sidii uu
arkayay curinta, waxaanu yidhi:
“Maansooy nin kugu duul,
Ninna maalin kugu dood,
Ninna derejo kaa dhigay,
Ninna dhuuni kugu doon,
Ninna nabarka kugu damaq,
Ninna dakharka kugu dhayay,
Ninna doogta kugu kici,
Ninna waranka kugu demi,
Ninna nabadda kugu didi,
Ninna belada kugu deyr,
Ninna dookha caashaqa,
Kaa dhigay def looo tumo,
Oo ka doorkan joogiyo,
Dura gabayadii jiray,
Intuu heesta kugu daro,
Jaceyl kugu dalaandali,
Marna darayamuus iyo,
Dhaclihii dunta ahaa,
Aduu kuu direysy yahay,
Dumar kugu buraanbure,
Maansooy duciyo kheyr,
Ninka kugu dareershiyo,
Dabka ruuxa kugu shiday,
Ninba doorku kula rabay,
Dareenkiisa kugu mari,
Boodhari dabuubtuu,
Ku dardaarmayuu yidhi,
Waa dhaxal dadweynaha,
Diiwaanka ugu yaal,
Waana lagaga daydaa,
Anna kuma dayacayee,
Dunidaan ku barayaa,
Waxan dooday kugu shubi,
Dhegihii dalooloo,
Waxa lagugu daabici,
Dugsiyada tacliintoo,
Goobaha dalxiiskaa,
Lagaa daawan doonaa,
Maansooy dulqaad badan,
Maanta kii ku deyrshaa,
Berritoba ku doon-doon,”
La soco……………….
|