|
09/02/2006: Submitted for publication via web XAQ-U-DIRIRKII AAN XUDUUDDA LAHAYN: Ibraahin Sheekh Saleebaan (1944kii – 2006da) Q. 4aad
by Boobe Yuusuf Ducaale (from www.haatuf.net)
“Awrka didibso baan idhi,
Nacaskana dud baan idhi,
Kelidii danaystaha,
Daribtii intuu cunay,
Naga raba durduurtee,
Waxba deeqi waayeen,
Is-na dhagax-dixeed iyo,
Deebaaq liq baan idhi,”
Ha dacwiyin Denbiiloow,
Ibraahin-gadhle, Jabuuti, 30/3/1980kii,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail,com
Curinta maansadu wax hawl yar ma aha. Curinta ka sokow, waxyaabaha kale ee
la qiimeeyo waxa ka mid ah sida uu halabuurku u taxo amaba u xidhiidhiyo
arrimaha kala duwan ee uu ka hadlayo. Bal hadda mar kale aynu dheehanno
aragtidii Ibraahin-Gadhle ee ku wajahnayd cududdii hubeysneyd ee SNM ama
Mujaahidiintiiba. Isaga oo Shirweynihii 6aad la hadlaya, Ibraahin-Gadhle
tuducyadan soo socda ayuu ku sifeeyay Mujaahidiinta iyo kaalinta
halbowlaha ah ee ay kaga jireen halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran
ee SNM horseedka ka ahayd. Bal u fiirsada sida farshaxannimada iyo
quruxdaba leh ee uu Mujaahidiinta u qiimeynayo. Wuxuu yidhi:
“Ka ku jira dagaalkuna,
Dantaad adigu leedahay,
Mid ka sii da’ weyn ma leh,
Haddaan aqallo kaa dumin,
Is-na daari kama dhicin,
Haddaan dahab lagaa guran,
Is-na dollar kama lumin,
Haddaan laydin dili jirin,
Is-na lama dagaalayn,
Hayeeshee xil baa diray,
Badda lagu dul-tuuruu,
Ka dabbaalo leeyahay,
Xaggu dalow xaggani duud,
Xagga kale dix iyo buur,
Bal doc uu u dhaqaaqiyo,
Degel lagu baqdaan jirin,
Diintaa ku tidhi dhimo,
Inuu samo ku daaqiyo,
Inuu daaddegaw siman,
Wedkaad adigu diidduu,
U diyaar-garoobee,
Ragga cadowga daafaca,
Wuxu daanka geliyiyo,
Hubka lagu dagaallamo,
Dhan kastaba u doonoo,
La dul jooga weeyaan,
Kuwii iil ku dubuq yidhi,
Denbi-dhaaf Allaa lehe,
Janno inay durduurtaan,
Daa’in inaan u barinoo,
U ducayno weeyaan,”
Ibraahin-Gadhle, sidee ayuu u arkayay nidaamkii lala dagaallamayay? Bal
aynu aragtidiisii tuducyadan DIRSOOC ku jiray ka dheehanno, waxaanu yidhi:
“Nin ku dagay markii hore,
Oo ku dilay markii xigay,
Ka-digtoonidiisay,
Dooddani ku faraysaa,
Shalay doonnideennii,
Wada koray dadweynuhu,
Hadduu dirawalkeedii,
Kelidaa deg kugu yidhi,
Waqtigaa is-doorshee,
Maalintaad u deni tahay,
Isagana daruurtiyo,
Dusha sare ka soo tuur,
Ninkii dabinka kuu dhigay,
God dheer kuu dallaalimay,
Dalluun kuugu talo-galay,
Isagana dab nooloo,
Danbas lagu hagoogiyo,
Digo in aad u qarisay,
Dooddani ku leedahay,
Deebaaq qadhaadh iyo,
Dalqadaba waxaan gelin,
Nin durduuro kugu yidhi,
Dacar inaad u qooshtay,
Dooddani ku faraysaa,
Daandaansi-badanaa,
Duhur kuu badheedhee,
Dibirooti kuu dhigay,
Libta looma daayee,
Dacatiga dhirbaaxada,
Inaad kaga danbeysey,
Dooddani ku leedahay,
Haro daafta joogtiyo,
Isagoo ku jira daad,
Kii harraadka kugu dilay,
Waqtigaa is-doorshee,
Marka roobku kuu da’o,
Durdurkiyo xareedaha,
Docda adiga kuu yaal,
Is-na kalaxa haw darin,
Gurigaad dalaysiyo,
Daartaada kii riday,
Inaad kiisa dumisay,
Dooddani ku faraysaa,
Wuxuu ruuxba kugu deyay,
Adiguna ku daw-mari,
Dubbe lagugu jiidiyo,
Damqashada ogeysii,”
Ibraahin aragtidiisu gurgur qaanso kuma ay dabranayn ee daaqsin geel iyo
tahan ayay ka shisheysay. Halgankii hubeysnaa ee uu ku jiray mid rixin-goys
ah oo aarsi dibaaq oo keliya ku qotoma ma ahayn. Wuxu ku jiray halgan
naxariis iyo dadnimoba ku dheehan tahay oo Diin iyo dhaqanba aan ka
arradnayn. Bal aynu eegno dibuheshiisiinta iyo isa-saamaxa aragtidii uu ka
lahaa. Intaas oo keliya ma aha e’, bal waxaad aragtidaa Ibraahin ku
cabbirtaan dawgii aynu dibudhiskeenna, hubdhigistii iyo horumarkeennaba u
soo marnay. Ibraahin isaga oo mowduucaa ka hadlaya wuxuu yidhi:
“Hayeeshee dulqaadkiyo,
Saamaxaadda Diinkuna,
Waa dariiqo kuu furan,
Sharciguna ma diiddana,
Kaadida dameerkiyo,
Hadduu daamur kaa kale,
Dusha uu iskaga shubay,
Adiguna tu doofaar,
Isku daadi kuma odhan,
Xumo xumo ku daahiri,
Yaan doodda laga dhigin,
Doqon iyo nin liitiyo,
Yaan jaahil lagu dayan,
Dab munaafaq uu shiday,
Ayaan daacad lagu gubin,
Dugsi ma leh qabiilkuye,
Yaan dallaayad laga dhigan,
Dabuubtii marxuumkii,
Ku dardaarmay weeyaan,
Ama Deelley nagu tidhi,
Dacar dhiilka lagu shubay,
Malab uga danbaysii,
Denbigana ninkii galay,
Keligii dusha u saar,”
La soco………….
|