19/02/2006: Submitted for publication via web GPS: Burco Iyo Horumarku Maxay Ku Colloobeen?
by Cabdillaahi Cawed Cige Waxa aan dhowaan aniga oo mushaaxaya carro edeg ku war helay qoraal ka soo baxay aqoonyahanno reer Burco ah oo dadweynaha uga digaya halista uu soo wado mashruuc ay yidhaahdeen waxa hay’adda UN-Habitat ay ka hirgelinaysaa magaalada.
Qoraalka waxa daabacay baan war ku helay warsidaha madaxa bannaan ee Haatuf, waxa se aan anigu 10kii bisha labaad ee sannadka 2006 ka akhriyay bogga carro edeg ee sumaddiisu tahay www.halganews.com
Sheekada mashruucu mid aan hore ula socday ma ay ahayn, waxa se aan jeclaystay – illayn Carab shuuf yidhi wax buu arkaye- bal in aan hoos u eego waxa aqoonyahanka Burco ka diday.
Waxa jirta ‘carruur carruur aan lagu ciyaarin’, ee mar haddii erayga ‘Halis’ uu qoraalka waxgaradku soo gudbiyay ka dhex hillaacay aad ugu fiirso sunta qarsoon ee reer Burco loo aasayo ayaan ku goostay.
Waxa aan muraayado balballaadhan iyo laydh shan guluub leh u qaatay qoraalkii. Dib ayaan ula dingiigsaday, oo haddana hore ula soo kacay, waxa aan ka soo bilaabay halka ugu sarraysa oo erayga u dambeeya ka dhex mudhay. Waan ku noqday oo dhinaca midig kaga imi, bidix ka eeg baan is idhi.
Xerta aqoonyahanka reer Burco ee sharafta leh ee qoraalka soo gudbisay ma aha dar aan wada aqaan, waxa se iiga dhex muuqday magacyo caan ah oo aan garanayo.
Mar haddii meesha hebel iyo hebel marayaan oo digniin aan loo tudhin reer Burco ka siiyeen mashruucan halista ku dahaadhan arrin aad dhayalsan karto maaha ee bal burburi qoraalka oo inta aad tib iyo mooye u qaaddo daqiiqaha ka dhig, ka dhex baadh arrimaha dahsoon, ayaan talo ku goostay.
Mudh, meel halkan ah oo hoose ayaa waxa igaga soo booday wixii aqoonyahanka dhibayay, “GPS”.
‘Col kaa shax’, oo tolow ma xisbi cusub baa ‘GPS’ ayaan is weydiiyay? Oo aqoonyahanku tolow ma waxa ay ilaalo u yihiin dastuurka oo aan oggolayn saddex urur siyaasi wax ka badan? Haa, waa wax dhici kara in magalaadii Burco oo aad u qayishay ay murqaankii xisbi ‘GPS’ la yidhaahdo furatay.
Oo tolow Burco miyay waalatay? Maxay ‘P’ oo aan dadka af soomaaliga ku hadlaaba karin ka doontay? Haddii se ay kollayba sharciga jebinayso oo urur afraad oo Udub, KULMIYE iyo Ucid garbiya furanayso may ‘Koor’ ula baxdo, waa maxay ‘GPS’?
Waar Burco waallida intaas le’eg kuma aad ogayn inkasta oo Hargeysa farta ku soo fiiqdee, bal arrimaha dib ugu noqo oo ‘Halista’ baadh.
Miiroo cusub oo daray ah kama maarmayso ee lix minjood Abokor Yare ka soo qaado oo arrimaha ruugga u laabo ayaan talo ku goostay.
Qodhyaxero wax baa si ah, shan minjood iyo laba uurbeyto markii ay igu tageen, Abokorna aleenkii lagala xidhiidhi lahaa xidhay oo aanan meel loo eersado oo jaadka laga soo kordhistaa ii muuqan ayaan ‘Halistii’ suulkayga hore ku dhuftay, waxa aan ku turuturrooday ‘GPS’.
Meeshu waa daruuraha sare dushooda. Afar iyo labaatan wiil oo ba’an oo nin kibray oo Maraykan la yidhaahdaa samaystay, oo afar iyo labaatanka saacadood dunida ku wareega ayaannu isa soo hor fadhiisannay.
Waa in nala gar mariyaa, ayaan ku soo tuuray wiilashii ba’naa. Adiga oo ayo ah bay iigu jawaabeen? Aniga oo ah nin murqaansan oo jaadkii ku badh go’ay, oo Abokorna aleenkii ka xidhay, oo meel uu tuhunka kula noqdo aan garanayn ayaan ugu warceliyay.
Waxa aannu nahay beel ‘GPS’ la yidhaahdo bay iigu jawaabeen. Intaas waan ogaa ee maxaa idiin raaca ayaan idhi, halista aad u qariseen magaaladaydii Burco ee aad doonaysaan in aad aqoonyahankeedii gees kala dhaaftaan ii balballaadhiya, haddii kale geel inoo kale dareeri maayo ayaan ugu hanjebay.
Annagu sidiinna geel ma dhaqanno, adhigana isaga hadalkiisaba daa. Sida aad odayaal beri hore dhintay ugu abtirsataan ee reer Shiikh hebel iyo Ba heblaayo la idiin yidhaahdo, ayaannu annaguna aabbe weyn oo muruqiisa imika dunidu aad uga yaabto leenahay.
Waxa na dhalay oo aannu magac ahaan ku sheegannahay Maraykan oday la yidhaahdo, laakiin sidiinna annagu geela uma suntanin ee aqoonta ayaannu u suntannahay, sidaas aawadeed dhal bini aadam baannu nahay, ayay warbixin igu siiyeen.
Waxa aan xoqday dhafoorka, isha midig oo dirindiir yar oo cagaaran oo jaadka Kiiniya ka soo raacday xaarkeedii iga galay ayaan haraaq yar oo waxa ay ka samaysan tahay aanan garanayn, haddii ay doontana ‘Halis’ noqon karta kolba gees u mariyay.
Inkasta oo aannu aniga iyo reer GPS-ba hawada sare wada heehaabayno, iyagu way iga badan yihiin oo marba mid baa barbar igaga imanaya, waa iga tol bateen, aniga tolkay jaad bay ku fadhiyaan, aqoonyahankaygiina ‘Halis’ buu weyneyso ku doonayaa.
Ilmaadeerayaal haddaba jaadkuna waa igu suququl, hadalka badanna madaxa ayaa igu xanuunaya ee arrinta sangaabta iisoo qabta oo maxaa ‘Halis’ kala doonteen Burco.
Nin wakhtigiisii ka lumay baad tahay ee haddii uu maanta Caammir ku noolaan lahaa geyiga aad leedahay ‘Halis’ baa ku aasaysaan waxa xaqiiqo ah inuu bahdiinna ka soo guuri lahaa oo annaga na soo raaci lahaa. Isaga oo habeen mugdi ah, hawd cidla ah fadhiya ayuu arrimahan aannu samada u aadnay ee maalin iyo habeen aadamaha u soo lalinayno bartiisa ka hilaadin jiray, haddii uu maanta noolaan lahaa waxa uu odhan lahaa waar ‘GPS’ ii doona aan hasha heblaayo dhegteeda bidix ku xidhee.
Waxa isku dhammaaday murqaankaygii iyo dooddii aan la yeeshay ‘GPS’, markii aan qorigii ugu dambeeyay miiddiisii laastay ayaan bartii aan caawa dhan fadhiyay dib ugu soo laabtay.
Aniga oo labadii dhambal ee aan ka samaysnaa midba guriga derbi gaar ah kaga tiirsan yahay ayaan galabtii dambe sara kacay. Dirqi iyo si fool adag ayaan qalbacyadii aan ka samaysnaa isugu geeyay. Markii aan istaadhmay ayaa waxa la i hor keenay ‘GPS’ iyo halistii aqoonyahanka.
Waa dhab in dayaxgamceedka loo soo gaabiyay ‘GPS’ uu leeyahay waddanka Maraykanku, waana dhab in wasaaradda gaashaandhigga ee Maraykan samaysatay, isticimaasho islamarkaana maalgeliso.
Waxa se kale oo dhab ah in inta ay wasaaradda gaashaandhiggu ka isticimaasho in le’eg shicibweynaha adduunkuna ka isticimaalo. Ka soo qaad telefoonka gacanta ee aad sidato oo aan anigu u aqaan ‘aleen’, ka soo qaad qalabka hoggaanka u ah baabuurta ee dhulal badan oo horumaray lagu adeegsado kuna geynaya xaafadda aad doonayso.
Haddii habeen hore markii jaadku iga go’ay ee aan Abokor hore u waayay u baahan lahaa dhawr iyo toban minjood oo kale, oo jaad la iigu sheegi lahaa buurta, aniga oo aan aqoon badan u lahayn meesha buurtu Landhan kaga taal inta aan baabuurkayga daabbad istaadho ayuun baan ‘GPS’ u sheegilahaa 101 Dariiqa Buurta, Bariga Landhan, dabadeedna sida uu ii leeyahay waar xaggan u baydhay oo halkan ka leexo ayuun buu kadinka iga gelinlahaa. Bartaas baan murqaankayga qaybtiisa dambe mahad ugu celinlahaa ‘GPS’.
Badaha mushaaxooda, dayuuradaha lalaya, baadhitaanka saliidda iyo biyaha, dalagga beeraha, bacaadcelinta, ayaxa, faa’iidooyinka loo isticimaalo GPS waa badweyn, xitaa tagsiyada Dubay ee aqoonyahanka Burco marka ay imaaraadka u safraan raacaan waxa qaar badan ku rakiban sanduuq yar oo wiilashaas ‘GPS’ toos xidhiidh ula leh.
In aqoonyahanka Burco ay bulshada ka ilaaliyaan wixii khatar u leh waa arrin aad u muhiim ah, bil xaqiiqan waa xil waddaniyadeed oo saaran. Khataraha aan filayay in aqoonyahanka Burco qoraallo dhaadheer maalin walba ka soo saaraan waxa ka mid ah jaadkan aniga iyo GPS isu kaaya geeyay, xanuunka AIDS-ka ee maanta dalkeenna dhuumashada kula dhex jira, maamulxumada iyo dayaca ina haysta, horumar la’aanta joogtada ah.
Waxa se guuldarro iyo gamco madow ah marka aqoonyahanku noqdo cadowga aqoonta.
Waxa aan wax ku bartay dugsiga hoose/dhexe ee Shiikh Ibraahim, waxa aan murugoodaa marka aan xusuusto manhajka carruurta loo dhigi jiray. Waxa aan is idhaahdaa miyaanay aqoon yahankiinnu awel ogayn in dunida aalad la yidhaahdo heblaayo iyo heblaayo ka jirto? Haddii aanad haysan qalabka laga sheekaynayo dhibaato ma leh, waxbarashadu waa qalin iyo gacan ka qabasho, haddii aanad haysan dayaxgamceed aad ubadkaaga tusto, sawirkiisa tus, sida uu eg yahay, waxa uu qabto iyo meesha uu ka shaqeeyo u sheeg. Marka uu hadhow dayaxgamceed arko la yaabi maayo.
Adduunyada aynu guud saarannahay waxa ubadka loo dhigayaa xiddigaha durugsan ee qaarkiin nagu guubaabin jireen in aynu u guuri karno, idinkuna maanta ayaad tidhaahdeen aalad halkan dhow taagan oo aad waxa ay qabato Burco ka dhex heli kartaan ha inoo keenina.
Haddii damac siyaasadeed jiro oo la leeyahan wixii Maraykan leeyahay inaga eega, iska xidha farriimaha email-ka aad u taqaanniin, sabab? Waxa aabbe u ah oo aasaastay wasaaradda gaashaandhigga ee Maraykanka.
Waxa waddanka Ingiriiska magaalo ku taal oo Cheltenham la yidhaahdo ku yaalla saldhig la yidhaaho Governments’ Communications Head Quarters(GCHQ), xaruntaas waxa laga dhegaysan karaa wax kasta oo hadal ku baxa oo adduunka guudkiisa laga isticimaalo, reedyow, telefiishan, telefoon iwm. Idaacadda reedyow Hargeysa barnaamijyada ka baxa oo af soomaali ah baa laga dhegaystaa oo haddii loo baahdo la raadraacayaa.
Telefoonnada aqoonyahannadiinna dhulka sumadda loo samaynayo diiddani sidataan ayaa wixii cod ka baxa laga dhegaysan karaa oo la raadraaci karaa.
Hadal iyo murti waxa aynu ku jirnaa qarnigii 21naad, waxa aan filayaa in loo baahan yahay in ummadda loo hor kaco qarnigaas la qabsashadiisa, haddii taasi aanay u cuntamayn aqoonyahankii dalka waa ayaandarro aad u ballaadhan, waxana muuqanaysa meesha Burco iyo horumarku ku colloobeen in ay tahay aqoonyahankeeda.
“Shuush!! waxa aan aad uga baqayaa in xogtayda GPS xeraysto oo dabadeedna madaxweyne ku xigeenka Maraykan rayfalkiisa ugaadhsiga Liverpool igala soo tiigsado”
Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK edleh@hotmail.com
Qoladiisa: Beesha GPS
|