10/06/2006: Submitted for publication via web Jabintii Jeelka Madheera Qaybtii 3-aad: Afduubkii Diyaaraddii Somali Airline Ee Afar Iyo Labaatankii
by Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin (Alpha) (from somaliland.org)
Isbadalkii labada gaadh, waa gadhkii xalay iyo kii saaka soo galaye iyo tirsashadii gaadhkii subaxaasi uu na tirsaday ka dib, ayaa waxaa soo galay mid ka mid ah laba maxbuus oo ka shaqeeya qabta uuna daba socdo mid ka mid ah askartii subaxaasi gaadhka ahayd oo la odhan jiray Ceelaabe. Qabta oo sideedaba ahayd meel qaab dhismeedkeeda iyo qaab nololeedkeeduba aad u adkaa waxaa sida caadada ah albaabada nalaga furi jiray laba xilli oo kala ahaa subaxa hore iyo galabtii. Labadaa xilli kaliya waxaa naloo saari jiray kaadi tag iyadoo marba qol la kaadi gayn jiray, wixii ka danbeeya furitaanka galabtii iyo tirinta uu na tiriyo ninka maalintaa gaadhka haystana muu jiran furitaan danbe oo layska furaayey ilaa subaxnimada danbe. Waxaa albaabka qolalka noo horyaalay daasado ah kuwa lagu keeno caanaha budada waa caano beedhe'e kuwaasi oo uu ku kaadshi jiray habeenkii hadba qofka ay kaadiyi qabataa, halka aanu saxaradana u isticmaali jirnay baco haddiiba ay dhacdo in qof habeenkii saxaro qabataa. Waxaa markaa qabta ka shaqayn jiray laba maxbuus oo laga keeni jiray xerada weyn, had iyo jeerna waxaa naloo soo xulijiray laba maxbuud oo u dhashay gobolada lagaga hadlo afka loo yaqaan May-mayga si uu u yarado is fahankayagu. labadaa nin mid ka mid ah oo afka soomaaligiisu waxooga dhaamay ka kale ayaa markaa subaxii kolba noo sheegi jiray wixii warar ah, wararkaasi oo qolada jeelka ku jirtaa ee asxaabtayada ahayd noogu soo dhiibi jireen, halka maalmaha qaarna wararka naloogu soo qori jiray warqad buuri ku jiro hoosteeda, in karta oo taa inamada shaqaalaha noo ahi ka biqi jireen in lagu qabto. Jeedsashadii uu Ceelaabe ku jeestay makhsin looga yeedhay, ayaanu anaguna ninkaa maxbuuska ahaa oo markaa naga qaadayey daasadkii kaadidu ku jirtay aanu ku nidhi waar Ibraahim maxaa cusub. Intuu hareeraha iska eegay afkana soo saaray albaabkii garaa'idka ahaa ayuu si xanshashaq ah noo yidhi " waar iska aamusa diyaarad ayaa laydiin afduubaye " intaa ka dibna wuu naga dhaqaaqay isagoo hareeraha eegaya kana baqaya in askarigu arko isagoo wax noo sheegaya. Farxad, fajac iyo amakaag ayay nagu noqotay warkaa kala dhiman ee uu ninkaasi noo sheegay, anagoo aan fursad danbe u helin inaanu ninkaa wax ka sii weydiino siday wax u dhaceen iyo cidda Diyaaradda af duubtay, habeenkaana waxaanu seexanay anagoo waran nagu taagan yahay. Mid ka mid ah sideeda qol ee qabtu ka kooban tahay ayaa waxaa xiligaa ku jiray nin la odhan jiray Dabo geel oon isagu dil ahayn ee ciqaab ahaan uu u keenay ninkii jeelka haystay, waxaana subaxii danbe ee maalintaa diyaaradda la fa duubay lagu soo lamaaneeyey ninkaa Dabo geel Cali Xasan Aadan ( Cali Banfas ) . Subaxnimadaa waxaa jeelka soo gaadhay liisklii ay codsadeen nimankii diyaaradda afduubay oo ay kaw ka ahaayeen kooxdayadii madheera ku jirtay, waxaana Cali Banfas markii uu magaciisa liiskaa ku arkay yidhi qabta geeya taliyihii xabsiga madheera Saalax oo loo sheegay inuu ninkani yahay ninka gabayaaga ah ee Afweyne qaaq kaga siiyey. Wakhtigaasi wuxuu ahaa wakhti jeelka weyn loo ogolaa dhagaysiga idaacadaha waxaanay dad badani haysteen Radio yo halka maalintaa wixii ka danbeeyey laga mabnuucay. Waxaa noo yimid Cali Xasan ( Banfas ) oo soo dhagaystay wixii idaacad Af soomaali, English iyo Carabiba ku hadlaysay, waxaanu Cali naga dhargiyey wixii war ahaa ee diyaaraddaa ku saabsanaa iyo halka xaal markaa marayey. Todoba cisho oo diyaaraddaasi maqnay, lix casho oo ka mid ahaa waxay ahaayeey lixdii casho ee noloshayada kolayba ugu farxadda badnaa, jawigayaguna hadba wuxuu la jaan qaadayey marxaladaha kala duwan ee hadba wararka diyaaraddu marayeen. Itoobiya ayaa layna gaynayaa, maaha waxaa la yidhi Masar ayaa dhex-dhexaadinaysa oo Qaahira ayaa laynoo qaadayaa, maahee talyaaniga ayaa ku dhex jira oo waxaa layna gaynayaa Rome, waxaanu hadba caasimad wadan leeyahay ka dagnaba waxaa maalin jimce ah oo naloo yimid naloo sheegay inuu afweyne Alla uma naxariistaan uu diiday wax alla wixii shuruud lagu xidhay diyaaraddaa, haday noqoto sii dayntayada iyo hadday noqoto inuu dilka naga jabiyaba, diyaaraddiina barri sabtida ku soo noqonayso soomaaliya oo la soo dayn doono. Waxa kale oo wakhtigaa qabta naloogu keenay xaaji Cabdi cawad ( indho deero ) iyo koofiyad dheere, isagoo wkhtigii diyaaradda la afduubay indho deero joogay dalka yaman waxaanu nooga waramay sidii ay wax u dhaceen. Xaaji Cabdi iyo koofiyad dheere waxay ka soo hadheen afartan qof oo lagu toogtay magaalada Burco sanadkii afar iyo sideetankii, kuwaasi oo lagu soo oogay inay ka mid yihiin S.N.M. Dilka afartankaa qofi wuxuu meesha ka saaray sheeko aanu isku maaweelin jirnay oo ahay " waar afweyne ma wuxuu ku dhacaa inuu todoba nin oo Isaaqa oo arday ah uu mar qudhaata wada toogto, iyo waliba walaahi inaanu inaga danbaynayn haddii uu ina toogto, labadaa arimood oo ay soo gunaanadeen arintaa foosha xumayd ee ka dhacday Burco oo aanay jirin wax gadood ah oo shicibku ka muujiyay. Shan iyo labaatankii November ee sanadkaa afar iyo sideetankii ayuu ahaa wakhtiga uu noo qornaa dilkayagu kaasi oo uu Afweyne hore arjigayagii cafiska ahaa uu kaga soo jawaabay iimaansada, Sida uu ii sheegay Aabihii afduubka diyaaraddaa somali airline Alleh naxariistii janno ha ka waraabiyee Cawil cadami oo markaa ka shaqaynaayey xafiiska Ismaaciil Axmed Ismaaciil taliyihii ciidanka asluubta soomaaliyeed. ( Cawil cadami waxaanu ku kulanay Tuulada Aadan waraabe jabintii jeelka ka dib ), waxa kale oo jirtay maalintaa afduubka diyaaradda maalin ka hor oo uu gaadhka lahaa ninkii la odhan jiray Xasan Cabdi ee aan qaybtii hore ee sheekada ku xusay, ayaanu Xasan Cabdi soo galin gudaha qabta, waxaanay gaadhkiisii baxeen anagoon arag Xasan Cabdi baxdo iyo dhacdo. Maalin sadexaaddii oo uu gaadhkii xasan Cabdi soo noqday ayaa markii subaxnimadii naloo furayey kaadi gaynta, ayaan aanigoo aan wali musqusha galin cadayanayana aan askarigii markaa albaabka naga furay oo la odhan jiray Muuse ku idhi " waar Muuse ilaa dorraad Xasan Cabdi maanaan arage maxaa ku dhacay. Muuse: doraad ayuu yara wis-wisay. isagoo Muuse madaxa hoos u dhigaya. Alpho: oo maxuu ka wis-wisay ee ku dhacay. anigoo aad u shakiyey. Muuse: maalintaa gaadhkayagii hore ayaa ciidan duub cas ah la keenay jeelka markaasaa nalagu yidhi ardayda ayaa la tooganayaa, markaa wuu idiin soo gali kari waayey. isagoo isaga laftiisu yara naxsan. Alpho: oo imika meeyey ciidankii ? anigoo isuba qaatay in lay toogtay aadna u naxsan. Muuse: subaxnimadii danbe ayaa la qaaday. isagoo iga sii dhaqaaqaya. Wakhtigaasi wuxuu ahaa wakhti ay buuraha gacanlibaax ka socdaan dagaaladii kun iyo sagaal boqol iyo afar iyo sideetankii, waxaanu Cali Banfas noo sheegay in taliyaha xabsigu uu maalin walba la hadli jiray xamar isagoo leh waxaa lala baxayaa ardaydii dilka ahayde sida ugu dhakhsaha badan dilka ha loogu fuliyo. Keenistii Cali Banfas na loogu keenay qaybta dilka isaga yeelkadiiye waxaanu anagu ka hellay warar faro badan iyo waliba maaweelo isuga jirta gabayo iyo sheekooyin, isagoo intuu qabta nagula jirayna tiriyey laba gabay iyo masafo. Fiidkii galabnimo jimco ah oo dadkii noo yimid noo sheegeen dagaalkii Burco duuray iyo geeridii Alla ha u naxariistee mujaahidkii weynaa ee Max'd Xaashi lixle, ayaa Banfas isasoo taagay albaabka qolkii uu ku jiray oo qolkii aanu ku jirnay ugu toosan xag shan iyo afartan digrii ah. Cali Banfas: Cabdirisaq ma haysaa wax waraaqo ah ( isagoo yara guuxaya ) Alpho: Waxaan hayaa dhawr kartoon oo caleentii shaahu ku jirto. Waxaa wakhtigaa naloo keeni jiray caleen shaah oo ku jirta kartoono yaryar oo huruud ah illaa kiilloona qaada, warqad cadina kartoonka iyo shaaha u dhaxayso kaasoo lagu soo sameeyey dalka kiiniya. Haddii aan caleentii ku jirtay karaatoonta isugu geeyey daasad caano niidoo ka dhamaaday daasaddiina aan ku soo fadhiistay albaabka hortiisa, Calina soo taaganyahay albaabka qolkiisa walina uu guuxayo aanan u sheegay inaan diyaar ahayna wuxuu guuxiisii isku badalay masafada dheer uu uu yidhaa " HADAANAN HADAANAN, HADAANAN GADOODKA LIXLOW GU' GA MAANTA LA SOO HADHIN GUUSHA".
Cali Banfas ayaa wuxuu iga codsaday gabay aan tiriyey kun iyo sagaal boqol iyo laba iyo sideetankii maalmihii dhagax tuurka, kaasi oon Cali hore ugu tiriyay maalmo aanu ku jirnay jeelka Hargaysa oo ahayd maalmihii dacwadayadu socotay. Haddii maalintaasi ay ahayd maalin dagaal ba' ani ka dhacayo nawaaxiga cadaadlay iyo buuraha gacan libaax, gariirkuna aanu maalintaasi oo dhan ka la go'in anna aan ku soo gunaanaday tixdii Cali i weydiiyey tuducyadii ugu danbeeyey oo ahaa : Dirirtaan gingimay maalintii, dhagaxu guuxaayey, Juun iyo maalintii gacab libaax, gaadhka lagu meershay, Oomaar dharaartuu gurdamay, gumaca jiidhaayay, Maxamuud dharaartuu ganbiyey, weerar iyo gaadmo, <\s><\s>Wacdaraha dharaartaan gaystayey gubatay waanwaani, Gumadaay dharaartaan lahaa, dhalinay guushiiye, dharaartuu xaqaygii gudhnaa, giijay ibihiisa, Duqaydii nac-naca loo gadaa gooni joogsadaye, Waxse nala gudboonaa inaan gaydh, u dirirnaaye, Kolhaddii waxaan uga gollaa, layla garan waayey, Gam'i maayo jeeroon hantiyo, gacaladaydiiye, gulufyada laheenseeyey iyo, gaasaska aan dhawro. wuxuu Cali Banfas hore ka bilaabay gabay dhawr boqol oo bayd ah aanu ku bilaabay "Cabdow gaasaskaad dhawrraysaa, maanta soo galaye. Waxa kale oo uu Cali intii uu qabta nagula jiray uu dhamays tiray tix gabay ahayd oo uu unkay maalintii markii dilka nalagu qaaday, saati oo uu markii geelle uu xukunkayaga dhameeyey uu Cali yidhi " haw baqab Bidhiidhaw wakhtigi ways badalayaaye " Bidhiidh waa Ilaahay ha u naxariistee Cabdiraxiim Max'd Baaruud oo ka mid ahaa todobadayadii dilka ahaa. Dilkii cadeeye, dhucda iyo Max'd faroole. Maalinta Arbacadu waxay maalmihii danbe isugu soo biyo shubaray maalinta la qaado dadka dilka ah, waxaana la joojiyay booqashadii dadku ay soo booqan jireen dadkooda xidhan. Cida kali ah ee inay Arbaca tahay noo sheegi jirtay nana xusuusin jirtay wuxuu ahaa sheekh ismaaciil Carab oo iasgu ahaa qofka kaliya ee loo ogolaaday in saacad loo keeno. Sheekhu isaga ayaa maalintaa odhan jiray" waar waa Arbaca eey" manay jirin wax sheeko ah amma hadal ah amaba ciyaaro ah ( turub iyo dubnadtoona ) oo maalintaa aad ka maqlaysay amma lagu ciyaarayay qabtu, maxaabiistuna waxay ahaayeen kuwo qaadis u joog ah. Xataa waxaa maxaabiista ku yaraa dhaqdhaqaaqa, waxa qudhaata oo aad arkaysayna waxay ahayd quraan akhris iyo wardiga oo tusbaxo dhagtaa hayo. arbacooyinku sii kala darane haddii sheekhu uu yidhaa " waar waa Arbaca bil u danbaysana " maxaabiistu waxay wada lahaayeen il geeriyaad. Waxa kale oo jirtay laba cisho ka hore maalintaasi ayaa mid ka mid ah inamadii noo shaqayn jiray uu noo sheegay in xabashida jeelka ku jirtaa ay sheegeen inay jeelka meel u dhaw ka soo qodeen shan xabaalood, waxaana labadaa cishaba farta wadnaha ku wayey isku kiis ahaa oo ka koobnayd shan qof iyagu ahaa kuwa kaliaya ee maalintaa isasiiyey in la qaadi doono, waxaanuse aad uga yaabanayn xabaalaha jeelka agtiisa laga qoday iyadoo qofka lagu toogan jiray magaaladii laga soo xukumay. Waxay saacaddu dhagta haysaba wakhtiguna uu yahay mid aad moodo inuu maalmaha kale ka gaabinayaba waxaa na dhaafay wakhtigii dadka la qaadi jiray oo u dhaxaysa salaadda duhur ilaa salaadda casar.Mar qudhaata ayay dadka afkooda ka soo wada booday naqas weyn oo goorahanba ku taagnaa markaasaa makhsin walba ay dabadda uga soo baxday Alxamdulillaahi Rabil caalamiinta ay maxaabiistu Ilaahay ugu shukri naqayaani. Layska sheekaysay, lawada hadal, sigaarkii buftaa lagu hayay saaka oo dhanna lagu badal raashin iyo qofba wuxuu cuni karo oo anigoo dhabarka ku haya gidaarka makhsinka aanu ki jirno ayaa Cabdi Ismaaciil oo albaabka kanbadhuudhay dub u soo baxay kuna soo tiirsaday gidaarkii aan dhabarka ku hayey. Cabdi Ismaaciil: caawa waxbaa la qaadayaa. Cabdi Ismaaciil wuxuu takhasus ku noqday dhaqdhaqaaqa askarta maalmaha wax la qaadayo wuxuuna markii danbe noqday inuu sii sheeko marka wax la qaadayo. Alpho: Waar Cabdi imikaynu nafisnaye inagadaa yabaal danbe taag uma hayno'e. Cabdi ismaaciil: Wallaahi wax baa la qaadayaa. Alpho: maxaad aragtay eed ka shakiday Cabdi Ismaaciil. Daahir Xasan ( waa ninkii haystay askarta maalintaa gaadhka haysay ) wuxuu guntanaa go cad mid kalana wuu hagoognaa, wuu iska bixiyey oo wuxuu soo xidhay dirayskiisii, dab uu halkaa goori dhoorka ku shitayna wuu bakhtiiyey, hebel iyo henbelna halkaasay isa soo taageen. Haddii Cabdi intaa yidhi anna aan aad u dhagaysanayo ayaa waxaa sanqadahy silsiladda dheer ee dadka marka la qaadayo lagu xidh-xidho oo ku duubnayd albaabka hore ee qabta laga soo galo.Shaki kuma jiro in wixii Cabdi sheegayay ay dhab tahaye habeebkaa waxaanu is nidhi kuwa la qaadayaa waa idinka oo laga baqay in maalin cad laydin qaado. Waxaa soo galay Daahir Xasan oo wata ilaa labaatan askari. Badnidaa askarta iyo Daahir Xasan oo siduu u soo socday isasoo hortaagay makhsinkii aanu ku jirnay anagoo afar ah iyo waliba ka dhaqaaqiddii uu naga dhaqaaqay isna hortaagay makhsinkii kale ee sadexdayadii kale ku jireena( todobadayadu waxaanu ku kala jirnay laba makhsin oo afarna ay mid ku jirtay sadexda kalana mid kale ) waxaanu isasii dhacsiinay in aan shaki ku jiran cidda la qaadayaa inay anaga tahay. Daahir xasan intuu ka dhaqaaqay makhsinkaa kale oo Max'd Baashe iyo ay ku jirraan ayuu is hortaagay makhsin ka soo hor jeeday waxaanu yidhi mee caddeeye iyo way kan. Dharkaaga cad gasho iyo waaban gashanahay haddii lays dhaafsadayna wuxuu u dhaqaaqay makhsin kare oo uu ku jiray nin lo odhan jiray Max'd farroole da' ahaana aad u weynaa. Mee Max'd Farroole iyo waykan iyo dharka cad gasho haddii lays waydaarsadayna wuxuu Daahir xasan u sii dhaafay makhsin kale oo uu ku jiray nin maskaxda ay wax uga dhinnaayeen oo la odhan jiray Dhucda. Mee Dhucdii iyo waa kan dharka cad gasho dhaha iyo waabu gashanyahay haddii ay isdhaafsadeen Daahir Xasan iyo Maxaabiistii Dhucda makhsinka kula xidhnaydna wuxuu Daahir xasan bilaabay furista makhsinadii sadexda ninku kala jireen. Abdirisaq sheekh Ibraahim Kooshin Abdirisaqa lpho. Bristol. U.K.
|