11/11/2007: Submitted for publication via web Gorfaynta Buugga “People on the Move” ee uu qoray Dayib Cabdi Askar.
by Prof. Jaamac Aadan Cali
Waxa gorfeeyay Prof. Jaamac Aadan Cali, waxaana gorfayntan turjumay isuduwaha HRC, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil “Musaabaqo”
Kadib markii aan si qoto dheer u akhriyay, waxa aan ogaaday in buuggu yahay mid xiiso badan oo ku soo jiidanaya. Waxa uu ku bilaabanayaa muuqaal roobban iyo jacayl. Kulankiisii ugu horreeya ee uu Samiir la kulmo inanta, muran yar oo ka bilowday wasakh uu maryaha kaga saydhay kadib markii uu shaagga baabuurku ku dhacay hog ay biyo ka buuxaan, ayaa uu si reer magaalnimo leh u shukaansanayaa isaga oo u sii qaadaya ilaa gurigoodii. Dhacdadan waxa raacay jacayl wadaag ah oo dhex maray kaas oo qun yar u koray ilaa uu gaadhay heerkii ugu sarreeyay. Sidoo kale waxa gunta wadnihiisa ku magoolayey jacayl kale – jacayl uu u hayo waddankiisa. Samiir waxa uu jacaylkiisa kula lagdemayey deegaankii uu ku dhashay.
Halkaas marka ay marayso ayuu qoruhu sheekada duwayaa. Waxaanay xurgufi ka dhex bilaabanaysaa jilaha sheekada, Samiir, oo dhinac ah, iyo xoogag debadda kaga imanaya oo dhinac kale ah. Samiir waxa uu si fiican ugu naaloonayaa nolosha uu ku jiro, balse taasi ma waarayso. Arrimihii ayaa mar kaliya soo fadhi xumaanaya. Sabrin ayaa nacaysa iyada oo ka dibaaqtamaysa hinaase iyo shaki ay dhex dhigtay inan kale, jacaylkii uu waddankiisa u hayeyna mar keliya ayay wiiqaysa saamaynta Geedi ee ah in ay u tahriibaan waddamo badda ka shisheeya.
Haddaba labada xaaladood ta hore, Samir waxa uu muujinayaa caabbi yar si uu u xejisto amase uu u soo ceshado Sabrin. “Halka aan ka garan la’ahay inantan aan la sheekaystaa waxa weeye waxa ay la socotaa nin kale, waxaanan doonayaa in aan is halleeyo.” Si hawl yari ah ayuu u niyad jabayaa. Hayeeshee dooddii uu la galay Geedi waxa ay ahayd mid xooggan oo lagu qanci karo, in kasta oo dhammaadka doodda uu is-dhiibayo. Waxa uu si joogto ah ugu celcelinayey in “aanay jirin meel waddankaaga oo kale ah oo lagu noolaadaa.” “Haddii aan runta kuu sheego, waan jecelahay waddankan waanan jeclaan doonaa.” Waxa uu sheegay sababta uu u doonayo in uu waddanka u joogo halkii uu ka tahriibi lahaa: “……..Waxaan u jeedaa, aynu joogno oo aynu aaminno waddankeenna. Waxa aan aaminsanahay haddii aynu si fiican wax u baranno oo aynu si wacan u shaqaysanno inta aynu duulno ayaynu cirka soo taaban karnaa; innaga oo u dhisayna mustaqbal wanaagsan dhammaan dadkeenna. Waan ku baryayaaye, fadlan dib isugu noqo oo aynu iska joogno….”
Intaas ka dib, isaga oo aan hubin isla markaana aan garan karin sida ay ku gaadhi karaan halka ay u socdaan amase waxa ku dhici kara inta ay ku jiraan is-miidaamintooda, ayuu Samiir iska raacayaa saddex wiil oo da’diisa ah kuwaas oo ay qaadatay xanuun dhallinyarnimo oo Yurub jacayl ahi. Waxa ay wiilashu ka baxayaan Hargeysa iyaga oo kaxaystay baabuur Surf ah kaas oo si sharci darro ah u geliyay Itoobiya. Safarkan waxa markiiba raacay mid kale oo ay ku tageen Suudaan. Halkaas marka ay sheekadu marayso ayaa ay shiiqaysaa adaygnimadii, tamartii iyo codkarnimadii Samiir. Wuu aamusnaa ilaa intii ay Hargeysa ka baxeen, marka laga reebo mararka qaar uu qayb ka noqonayey sheekooyinka ay wadaagayeen intii ay safarka ku jireen. Ma ay jirin wacdaro iyo khataro ama carimo, taas oo looga baahan lahaa in uu ka jawaab celiyo si uu Samiir ugu muuqdo in uu yahay geesiga sheekada.
Hal tilmaan oo muhiim ah ama la dareemi karo inta ay dhacdooyinka sheekadu is gurayaan ayaa ah dhakhsaha ama degdega socdaaladooda ay kaga tagayaan meel ilaa meel kale; socdaalkoodu waa dhixitaanno kaliya.
Qaybta saddexaad ee ismiidaamintooda, waxa ay wiilashu, kadib marka ay habeen ama laba ku hakadaan Khartuum, guda gelayaan safar kale oo ay Liibiya ku tegayaan iyaga oo sii maraya Saxaraha Weyn, balse nasiib darro Tayotihii ay wateen ayaa kaga jabaya badhtanka saxaraha. Intii darawalka iyo kaaliyihiisu ay mashquulka ku ahaayeen hagaajinta baabuurka, ayaa wiilashuna iyaga oo degdegsanaya ay geed baabuurka u dhaw ku hoos sugayeen bal waxa ka soo baxa hawsha hagaajinta baabuurka. Mugdi ayay soo noqonaysay, cabsi iyo khatar ayaana isku gedaamey aagga oo idil. Dabayl ayaa ka soo dhacaysay tuuro ciid ah oo ishu ku baaba’ayso taas oo samaynaysay sanqadh cabsi leh, waxana waxaas oo dhan ka sii darnaa in aan summad nololeed laga arkayn lagana maqlayn agagaarka. Waxa uu qoruhu sawirayaa xaalad cabsi leh iyo jawi werwer iyo shaki leh. Akhristuhu waxa uu la soo boodi karaa su’aal ah: “Talow ma waxa ay ku lee’an doonaan dhulkaas baaxadda leh ee lama degaanka ah mise inta ay bedbaadaan ayay nabadgelyo ugu gudbi doonaan halka xigta ee ay u socdaan oo ah Liibiya?” Intii ay xaaladdaas ku jireen, waxa uu ahaa Geedi ee muu ahayn jilaha ay sheekadu ku socoto ee Samiir ka wiilasha uga sheekaynaya daruuraha cabsida iyo werwerka wata ee ku geddaannaa isaga oo soo werinaya ismiidaamino uu hore u soo maray.
Nabadgelyo ayay ku gaadhayaan Liibiya, balse si kasta oo ay tahay, joogitaankoodu ma noqonayo mid dheer. Maalmo yar gudahood wiilashu waxa iyaga iyo koox kale oo tahriibayaal ahi ay raacayaan laba doonyood oo u baqoolaya Yurub. Doonyaha waxa buux dhaafiyey rakaab in kasta oo aanay ahayn nooc loo sameeyey in ay badda ku fogaadaan ama ay dadka meel ka qaadaan oo meel kale geeyaan. Waxa ay ahaayeen doonyo yar yar oo loogu talo galay kaliya madadaallo. Jawigii ayaa is beddelay, dabayl xoog badan ayaana ku dhufatay doonyihii taas oo dejisay mid ka mid ah iyada oo rakaabkiina ay dul sabbaynayaan ama ku dhimanayaan badda dhexdeeda.
Sheekada qaybteedan, taxanaha dhacdooyinku waa qaar ku taabanaya oo dareen wata. Waa halis iyo rogmad. Waxa uu qoruhu adeegsanayaa hab aad u heer sarreeya si uu akhristaha sheekada cagta ugu soo geliyo. Waxa qaybtan ka buuxa wacdaro iyo carimo. Balse sidaas oo ay tahay, maaha Samiir ee waa saaxiibkii Geedi, ka samato bixinaya raqda doonta hafatay isla markaana si xanuun leh u dabbaalanaya si uu u haab haabto gacanta Samiir una bedbaadiyo naftiisa.
Gebagabada sheekada, gaadhitaanka wiilasha ee Landhan, waxa ay dhacdooyinku iftiiminayaan aragtida ay socdaalayaashu ka haystaan Yurub, guud ahaan, iyo weliba saamaynta dhaqanka dadka caddaanka ahi ku reebeen Soomaalida ku nool Yurub, ha ahaadaan dad dalka ku dhashay ama qaar qoxootinnimo ku tegay e. Doorkii Samiir ee ahaa in uu yahay jilaha sheekadu ku socoto ayaa dib u soo noolaanaya. Isaga iyo saaxiibkii Geedi waxa ay isla markiiba u falceliyeen deegaankii cusbaa, kaas oo ka duwan kii ay Hargeysa ku yaqaanneen. Yurub aad ayay u horumartay, balse noloshu aad ayay u adag tahay mana sahlana in uu qof shisheeye ahi la qabsadaa.
Markii ay Samiir iyo saaxiibkii wax yar joogeen, ayay codsi shaqo u qorteen shirkad balse waa la diiday, maxaa yeelay may garanayn afka manay haysan liisanka baabuur wadista haddiiba la siin lahaa shaqooyinka. Sidoo kale jawigu wuu xumaa, badi dadka ay guriwadaagta ahaayeen ama saaxiibadoodba way ka caajiseen in ay shaqo tagaan ama dugsi tagaan si ay tacliin u bartaan. Guryaha ayay iska joogeen iyaga oo daawanaya filimaan ama ciyaaraya ciyaar-gacmeedyo si ay wakhtiga isu dhaafiyaa, iyaga oo ku nool guryo ku yaalla goobo la liido oo magaalada ka mid ah. Waxaas oo dhanna waxa ka sii daran, dadkani waxa ay halleeyeen dhaqankoodii soo jireeenka ahaa waxaanay indha li’i ku qaateen hab nololeedkii dadka cadcad.
Kasokow dhibaatooyinka uu la kulmayo, Samiir wax buu baranayaa, waxaanu ku soo noqonayaa waddanka. Sabrin ayuu guursanayaa waxaanu si raaxo leh ugu noolaanayaa dalkiisa.
Waxaad se mooddaa in qoraagu isku dayayo in uu is barbar dhigo ama muujiyo kala-duwanaanshaha dhaqan ee u dhaxeeya Yurub iyo Somaliland. Waa Samiir ka fuliyay yoolkaasi arkayna kala duwanaanshaha u dhaxeeye labada dhaqan. Waa isla Samiir ka saluugay nugaylka Soomaalidu u nugushahay dhaqanka dadka cadcad. Sidaas awgeed, waxa halkan ka muuqata in qoraagu markii hore uu wax ka qorayey Tahriibka, balse hooriska sheekada ayuu qoraagu la lagdamey mawduuc kale oo mug leh kaas oo laga yaabo in uu ku qarsoonaa, laakiin si lama filaan ah uga soo ifbaxay sheekada si la yaab lehna u maroorsaday kaas oo wiiqay saamayntii uu yeelan lahaa cinwaanka – (People on the move) ama (Tahriib).
Ugu danbayn, waxa aan aad ula dhacay luqadda iyo qaabka uu adeegsaday qoraagu iyo wax-ku-oolnimada kartidiisa si uu ugu soo bandhigo farriintiisa akhristayaashiisa.
|