|
18/02/2008: Submitted for publication via web LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAX TUURKA, Qaybtii labaad
by By Alpha DIRIRTAAN GINGIMAY MAALINTII DHAGUXU GUUXAAYEY,
JUUN IYO MAALINTII GACAN LIBAAX, GAADHKA LAGU MRRSHAY,
OOMAAR DAHRAARTUU GURMADAY, GUMUCA JIIDHAAYEY,
MAXAMUUD DHARAARTUU GANBIYEY, WEERAR IYO GAADMO,
WACDARAHA DHARAARTAAN GAYSAYEY, GUBATAU WAANWAANI.
CABDIRISAAQ ALPHO.
AASAASKII URURKII DHAQ_DHAQ-DHAQAAQA ARDAYDA SOOMAALIYEE.
Dilkii dharkayngeeye ee Alla ha u naxariistee colonel Cabdillaahi Xaaji Siciid wuxuu magaciisa kor u soo saaray ninkii la odhan jiray Max''d Xaashi Gaani, oo wakhtiyadaa loo soo badalay qaybta lix iyo labaatanaad ee ciidamadii Siyaad Barre, kaa soo lagu badalay ninkii la odhan jiray Salxaan. Waxaan wakhtiyadaa iyana dadka maskaxdooda ka madhnay diyaaraddii shabeelayda ahayd ee ay la socdeen general Max''d Cali Baranbaro iyo general Canjeex oo bishii rabadaan ee sanadkii sideetankii hawada ku bur-burtay, taasi oo loo badinayey inay ahayd mu''aamaraad lagu khaarajinaayey labadaa sarkaal oo dhalasho ahaan ka soo jeeday goboladii waqooyi.
Iskuulka lix iyo labaatanka juun waxaa sanadkaa kaw iyo sideetankii soo galay shan kalaas oo midkiiba ka kooban yahay min lixdan arday, halka ay markii hore ku sii jireen afar kalaas oo sanadkaa noqday form two-yo. Iskuulka lix iyo labaatanka juun waxaa dib loo furay sanadkii todobaatan iyo sagaalkii, isagoo iskuulkaasi mudo sadex sanaddood ah xafiisyo iyo hoy u ahaa dadkii ka soo qaxay dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya dhex maray todoba iyo todobaatankii. Wuxuu mar qudhaata iskuulkaasi isku badalay goob lagaga hadlo siyaasadda foosha xun ee taliskii afweyne kula dhaqmaayey dadka degan gobolada waqooyi,
waxaanad arkaysay ardayda oo maalin walba iska waraysanaaya ururkii S.N.M iyo idaacaddii Radio Kulmis. Bishii November ee sanadkaasi, waa sideetan iyo kowdiiye ayaa waxaanu isugu nimi aqal ay lahaayeen Alla ha u naxariistee Cabdiraxiim Max''d Baaruud ( Bidhiidh ) oo ka mid ahaa ardaydaa lix iyo labaatanka juun, aqalkaasi oo ku yaalay National cinemahii Hargaysa dushiisa ammaba ka danbeeyey dukaan uu lahaa nin lo odhan jiray Ax''d yuusuf (Ax''d Dameer) iyada oo aan tiradayadu markaa hore badnayn, waxaanuna kaga wada hadallay sidii loo aasaasi lahaa urur ay ardaydu leedahay, kaasi oo si qarsoodi ah ula dagaalama dawladdii Kalidii taliyihii Siyaad Barre. (wakhrigaa waxaa socday qab-qabashadii ururkii aqoonyahanka ee uffo, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen macalimiin wax ka dhigta dugsiyada sare halka qaar kalena ay wakhtigaa baxsadeen intii aan la qaban). Dhawr shir oo aanu ku yeelanay aqalkaasi kadibna waxaanu isla qaadanay inaanu samayno urur ay ardaydu leeyihiin kaasi oo aanu markaa ku magacawnay URURKA DHAQ-DHAQAAQA ARDAYDA SOOMAALIYEED loona soo Gaabin jiray S.S.M. Waxaanu bilawnay inaanu soo casuuno arday kale oo ka mid ahayd ardayda iskuulada kale iyo qaar iskuulkayaga ahaaba si ay noogala qayb qaataan dhismaha ururka iyo hawlihiisaba, waxaanay ardaydaanu soo Casuunay noqdeen qaar na yeelay oo nala qaatay ka qayb qaadashada ururkaa iyo qaar nagu diidayba.
Haddii mudo laba bilood ah aanu ku jirnay dhismaha ururka iyo golayaashiisii ururkuna uu markaa lahaa gudi fulineed, gudoomiye, kuxigeen iyo xoghaye, inkastoo ay markaa nagu yarayd aqoonta aanu u lahayn dhismaha ururadu, ayaa waxaa bishii February ee sideetan iyo labadii suuqaqa magaalada Hargaysa soo galay warar sheegaya in maxkamad la hor keenayo ururkii aqoonyahanka ee Uffo. Waxaa loo mudeeyey maalintii maxkamadda la hor keeni lahaa xubnahaa ururka uffo oo markaa loo soo wareejiyey jeelka Hargaysa halka markii hore ay kaga xidhnaayeen DHABAR JABINTA iyo NABAD SUGIDDA taasi oo ku mudaysnayd labaatanka February ee sanadkaa laba iyo sideetankii.
Markii nimankaa aqoonyahanka ah la keenay jeelka Hargaysa, waxaa loo qaybiyey waraaqo ay ku qornaayeen waxyaabaha lagu eedaynaayo si ay ugu gudbiyaan waalidiintood, waalidiintooduna ay ugu sii gudbiyaan nimanka lawyer-rada u ahaa. Nasiib wanaag waxaa gacantayada soo gashay mid ka mid ah waraaqahaa xanbaarsanaa eedaha loo haysto ururka uffo, kuwaasi oo markiiba aanu ardayda gaadhsiinay anagoo ugu dhignay in nimankii uffo ahaa la xukumay laguna xukumay dil, maalinta bisha February ay labaatanka tahayna la maqashiin doono xulunkaa laakiin laga soo xukumay Magaalada Xamar. Mar qudhaata yaa waxaad arkaysay warkii oo afarta bayni jaho ka dhacay, iyadoo qof waliba qofka kale u sheegayo in inamadii xidhnaa xamar laga soo xukumay bisha labaatan keedana maxkamadu xukunkaa u sheegi doonto.
Sagaal iyo tobankii february . ( 19-2-82 ).
Waxaanu isugu nimi fadhi aan caadi ahay sagaal iyo tobankii February aqal uu lahaa Cabdiraxiim Max''d Baaruud Walaalkii Ax''d Max''d Baaruud, oo markaa ahaa madaxa qolka kaydka ee Radio Hargaysa, aqalkaasi oo ka mid ahaa aqaladii uu dhisay ingiriisku ee ku ag yaalay Statehouse -ka. Fadhigaasi waxaanu kaga wada hadallay sidii maalintaa barritoole ah ee maxkamadda la hor keenayo ururkii uffo, ururkayagu uu uga faa''iidaysan lahaa, loona abaabuli lahaa banaanbax lidi ku ah guud ahaanba taliska Afweyne gaar ahaana xukunka iyo xadhiga nimankaa dhalinyarada ah ee uffo. Waxaanu isku qaybinay laba kooxood, koox uu ka mid ahaa Yuusuf Max''d Ciise oo markaa ahaa Gudoomiyihii ururka oo loo qaybiyey inay tagaan maxkamadda halka aniga Cabdirisaq skeekh Ibraahim Kooshin (Apho) oo ahaa xoghayihii ururka iyo Alla ha u naxariistee Cabdiraxiim Max''d Baaruud oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii ururku aanu ahayn koox loo diray inay iskuulka tagaan, ardaydana ku soo hogaamiyaan goobtaa maxdakamddu ka dhacaysay oo ahayd
maxkamaddii badbaadada dalka ee Hargaysa.
La soco qaybta sadexaad iyo Labaatankii February 1982.
FIIRO GAAR AH.
Maalinta dhagaxtuurku maaha maalin ay leeyihii abaabulkeeda iyo ka qayb qaadashadeediiba ururkii aqoolyahanka ee uffo. Waa maalin ay leedahay ardayda Somaliland, kuwaasi oo maalintaa dhagax kala hor hagay beebeeyadii iyo kaarayaashii ciidamadii Afweyne. Dadku waxay u haystaan in maalintan ururka uffo uu soo abaabulay amma uffo dhagaxtuurkii lagu xidh-xidhay, uffo maalintan way xidhnaayeen, waxaanu ka mid ahaa xadhigoodu waxyaabihii ay ardaydu ka kacday iyo cadaadiskii saarnaa guud ahaanba ummadda goboladii waqooyi. Waxaan ku guubaabin lahaa xubnihii ururkii uffo oo iyagu lix iyo tobankii sanadood ee aynu xorta ahaynba, ka hadlayey munaasabadda loo sameeyo maalintaasi inay dadka u sheegaan taariikhta dhagaxtuurka, halka aanay wali ka soo hadal qaadin intaa la xusayey.
Cabdirisaq Sheekh Ibraahin Kooshin (ALPHO).
Abdirisakalpho@yahoo.com
|