22/02/2008: Submitted for publication via web LIX IYO LABAATAN GUURADII DHAGAXTUURKA. QAYBTII AFRAAD.
by By Alpha
Waxaa hubaal ah ardayda maanta dugsiyada ku jirtaa inaanay dhagaxtuurkii waxba ka garanayn, xaqiiq weeye (maanta wax ka baro)
Fiiro gaar ah.
Shalayto ayay ahayd markii la lahaa taariikhdii S.N.M. ee dugsiyada lagu dhiganayey ayaa laga saaray, waxaa taa ka sii xun oo ka sii liidata taariikh dhan oo taa lamid ah marka si badheedh ah loo dhaxal wareejiyo.
Waxaa hubaal ah ardayda manta dugsiyada ku jirtaa inaanay dhagaxtuurkii waxba ka garanayn, xaqiiq weeye inaanu jiran inanka manta dugsiga sare dhigtaa. Inaanay jirin wakhtigaa inamada maanta ururada dhalinyarada madaxda ka ahi amma sanad iyo laba ay jireen oo aanay waxba ka garanayn dhagaxtuur iyo wixii la soo maray toona.
Waxaa taa kuu cadaynaaya ururka Sonyo ee soo abaabulay wuxuu gudoomiyahoodu yidhi waa maalintii kacdoonka dhalinyaradii uffo ammaba waxay website-yadu qoreen XUSKA MAALINTII DHAGAXTUURKA EE KACDOONKII DHALINYARADA UFFO. Waxaa wax lala yaabo ah sababta qolada uffo arinkaa ugu badheedhayso, ee ay taariikhda u majaro habaabinayaan.
Waxaa in badan dhacday marar badan oo qof layskaayo barayey lagu yidhi ninkan waxaa la yidhaa Cabdirisaaq Alpho, wuxuu ka mid ahaa ardaydii afar iyo sideetankii dilka lagu xukumay oo qofkii layskayo barayey uu yidhaa, haa waa qoladii uffo.
Waxaan idhaahaa maya ma ihi qoladii uffo, waxaanu anagu ahayn kuwaasi macalimiin iyo dhakhaatiir iyo injineero iyo shhaqaale dawladeed ayay ahaayeene ardaydii afar iyo sideetankii la xidh-xidhay oo iyaga waanu ka danbaynay. Aan qeexo waxaanu ku kala duwanayn uffo iyo anagu amma uffo iyo ururadii danbe ee ardaydu samaysatay.
Uffo wuxuu ahaa urur samafaleed oo dawladdu ogtahay, oo xubnaha ku jira la yaqaan, oo wasiiro dawladda ka tirsanaa la shireen.
Ururada ardaydu may ahayn kuwo samofal ee waxay ahaayeen kuwo qarsoodi ah oo dawladd ka soo hor jeeda loona aasaasay inay la dagaalamaan kamana uu dhaxayn iyaga iyo dawladda wax shirar ahi.
Waxaan leeyahay haddii ilmo aanad dhalin laguu keeno oo lagu yidhaa hoo ilmahan adaa dhaleye, dadnimada iyo islaannimaduba waxay ku faraysaa inaad tidhaa ma lihi, haddii waliba aad garanayso ciddii ilmahaa dhashayna aad sheegto ood tidhaa reerkaasaa dhalay ee u geeya.
Xaqiiq waxaa ah halka manta ay ka hadleen ilmaadeeraday Ax’d Mux’d Madar, Max’d Xaaji Max’uud iyo Max’d Baaruud Cige inay ka hadli lahaayeen Xasan Max’d aw cali iyo Ax’mad yaasiin Barre Dubad iyo qaar kale oo badan oo aydaan garanayn.
Waxaan reer Hargaysaw u malaynayaa inaad suuqa ku aragteen nin had iyo goor macawis gashan oo macawista dhexda haysta oo magaalada koone ilaa koone wareega oo aad u taqaanaan inuu waalanyahay iyo nin dheer oo xoog leh oo aan inta badan laga waayin aagaa idaacadda agteeda oo mararka qaar surwaal gaaban gashada oo isna aad u taqaanaan nin wax u dhimanyihiin.
Waa arggii aasaasay ururkan aan ka sheekaynaayo, waa raggii ka danbeeyey dhagaxtuurka, waa raggii xabsi daa’inka loogu xukumay, waa raggii markii la soo daayey S.N.M-ta u tallaabay ee wadanka aad xuska ku samaynaysaa xoriyaddeeda lahaa.
Haddii dhagaxtuutku uu sadexdii cisho ee horeba uu u socday si aan kala go’lahayn markii danbana aan iskuulada la tagin mudo wiigag ah, waftigii ina laxwas hogaaminayeyna uu noqday, ayaa waalidiinta lagu amray inay ardaydii dugsiyada ku soo celiyaan iyagoo loogu hanjabay in waalidka ilmihiisa keeni waaya iskuulku uu mutaysan doono xadhig, taasaana dhalisay in dugsiyadii dib loogu soo noqdo.
Waxaa magaalada ilaa wakhtigaa dhex daadsanaa ciidamo milatari ah iyo beebeeyadoodii iyagoo waliba iskuulada sare ciidamamaasi u joogay si xad dhaaf ah. Waxay bardaydu hadana bilaabeen inay gidaarada iskuulkalada ku qoraan Afweyne ha dhaco iyo ereyo lidi ku ah kacaankii Siyaad Barre.
Waxaa iskuulka lix iyo labaatanka juun maalmahaa laga bilaabo toos u iman jiray subaxii ninkii la odhan jiray Degmo laqas iyo ninam dharcad ah oo ka socda nabad sugidda.
Waxaan xasuustaa maalinmaalmaha ka mid ah ayaanu dameer iskuulka ag daaqayey ku qornay Afweyne ha dhaco, Dagmo laqas iyo baa yimi iskuulka isagoo dameerkii wali iskuulka gidaarkiisa f taagan waxaanay arkeen inay ku qorantahay Afweyne ha dhaco. Waxay damceen inay dameerkii qabtaan, wuu ka cararay waanay eryadeen illaa ay naga libdheen. Dameerkaa dib looma arag maalin danbe isagoo inta badan iskuulk subaxii dameerkaasi ag daaqi jiray markii hore.
LABA IYO TOBANKII APRIL EE KUN IYO SAGAAL BOQOL IYO LABA IYO SIDEETANKII.
Laba iyo tobanka abril waxay ahayd maalin loo dabaal dego wixii la odhan jiray xoogga dalka Soomaaliyeed. fiidkii maalintaasi ayay ciidamadii faqashtu hub rideen ay ku sheegayaan dabaal deg, kaasi oo ay magaalada hoos ugu soo dhigeen. Laba Madfac oo ka mid ah kuwii ay rideen ayaa magaalada ku soo dhacay kuna kala dhacay jeelka Hargaysa hortiisa iyo hudheelkii togdheer dushiisa kaasi oo inan’’ meesha maraysay ku dilay.
Wakhtigaa waxaanu joogay aniga, Yuusuf Max’d Ciise, Cabdiraxiim Max’d Baaruud, Xasan Max’d aw cali, Cali cabdi faarax, Faysal Ibraahim ( Faysal Tigaro ) iyo ardaykale oo badaniba hudheelkii la odhan jiray Bulsho ee garabka kaga soo jeeday union hotel-ka kaasi oo noo ahaa meesha aanu ku wakhti qaadanno fiidkii iyo galabtiiba. Raggaasi oo ahaa raggii ku jiray ururka Dhaq-dhaqaaqa ardayda Soomaaliyeed iyo qaar kale oo aan ururkayaga waxba kala soconiba waxaanu soo marnay goobihii wax ku dhaceen, intii aanu soconayna waxaanu falanqaynaynay sidii barri ardayda loo kicin lahaa.
Waxaanu ahayn arday ka kala socota Dugsiyada sare badankooda waxaanuna ku kala tagnay in barrito qolo waliba iskuulkooda soo abaabulaan oo dhagaxtuurkii la soo celiyo. Qoladayadii iskuulka lix iyo labaatanka Juun markaanu nimi subaxii iskuulka waxaanu la dhex gallay guubaabo iyo kicin, waxaa maalintaa muran na dhex maray ardaydii formthree –yadayada ahaa kuwaasi oonu isku qabanay manta yaan dhagax la tuurin ee aynu si nabad galyo ah ku tagno xarunta gobolka.
Anagu waxaanu lahayn waar afweyne iyo dawladdiisu banaanbax ma ogola oo ina dayn maysee aynu dhagaxtuur samaynno, markii aanu taa isku mari weynayna ee ay noqotay inaanu kala jabnana toodii ayaanu qaadanay. Arday badan ayaa isku soo baxday waxaanuna soo marnay wadada laamiga ah ee farasmagaalha ka soo baxda timaadana shacabka iyo xatunta gobolka soona hor marta gurigii uu ku jiray Gaani. Waxaa wadada noogu yimi nin la odhan jiray Tahar oo markaa booliska gobolka haystay wuxuuna na weydiiyey waxaanu doonayno. Waxaanu u sheegnay inaanu maanta doonayno inaanu si nabad galyo ah ku tagno xarunta gobolka lana kulannno gudoomiyaha gobolka waqooyi galbeed oo ahaa nin la odhan jiray Cabddalle. G. W. Ninkii wuxuu ciidan boolis ah oo baabuur madoobe dheera ahi agtayada ku daadiyey ku amray in ay dhinacyada naga socdaan wax dhib ahna naloo gaysayn isaguna wuxuu nagu hor galay baabuurkii yaraa ee la odhan jiray ototada.
Haddii aanu marayno gurigii uu ku jiray Gaani waxaa wadadii aanu maraynay hortayadaa qoryo sil-siladdo leh is la taagay ilaaladii aqalka gaani. Shafka ayaanu shafka isugu qabanay haddaanu nahay ardaydii iyo ciidankaasi waxaana la hadlay ninkii booliska haystay oo u sheegay inaanu doonayno inaanu si nabad galyo ah ula kulanno gudoomiyaha gobolka. Way diideen waxaanay nagu amreen inaanu dib u noqono.
Waxaa dhankaa iyo xaruntii gobolka u kacay ninkii booliska haystay oo anagana na sii faray inaanaan wax rabshad ah sii samayn inta uu fasax nooga soo qaadayo gobolka.
Waxaa halkaa maalintaa naloo sheegay inay ku shirayeen gudidii nabad galyada gobolka oo uu Gaani ku jiray waxaanay amar ku soo siiyeen ninkii booliska haystay in halkaa nalaga celiyo. Wuu nagu soo noqday waxaanu noo sheegay in gudidii nabadgalyada gobolku ay shir u fadhiyaan halkaana aanu ka noqono. Waanu diidnay inaanu noqono walina waxaa shafka isku haya ardaydii safka hore iyo ilaaladii duub casta ahayd ee Gaani.
La soco qaybta danbe.
Abdirisaaq sheekh ibraahim Kooshin (Alpho)
|