|
22/02/2008: Submitted for publication via web Dhagaxtuurkii 1982 iyo dugsiga sare ee Tima-cade ama Qalax (Gabiley)
by Cali Cumar Xasan Dadku wax badan kama oga oo lagama wada war hayo in deg, Gabiiley ay ahayd, halkii ugu horaysay ee si badheedh ah oo af iyo adinba leh uga hor timid, dawladii Siyaad Bare gadh-wadeenka u ahaa ee dalkii la odhan jiray Somaliya ka arimin jirtay, waxa dadka degan degaanka Gabiiley ay bilaabeen iska caabin hubaysan inay la galaan maamulkii talada dalka hayay iyo siyaasadiisiiba 1978-kii dhamaadkiisii, ka dib markii dhib gaar u ah degaanka gabiiley oo aad u baaxad wayni kaga timid askartii iyo jabhadihii la socday ee lagu soo jabiyay dagaalkii 1977-1978-kii Itoobiya lala galay, huwantaa askarta iyo jabhadaba ah oo la soo dejiyay meelo badan oo degaanka degmada Gabiiley ka mid ah, xiligaas oo ay ka dhabaqday maamulkaa siyaad bare taladu, oo qorshahii dalka lagu hagayay noqday mid uu jaho-wareer badan oo dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeedba ku yimid guul-daradii iyo jabkii ka soo gaadhay dagaalkaa 1977-78 ka dartii.
Laga soo bilaabo sanadkaa 1978-kii hadaba oo ahayd xiligii ay dadka degaanka Gabiiley sameeyeen Jabhadii magaca wayn lahayd ee Afraad, ee kaalinta muuqata ka qaadatay dagaalkii naftaa furashada ahaa ee dadku ay ku khasbanaayeen, waxa hadheeyay degaanka jawi colaadeed oo dil, dhac, xadhig, boob,iyo kufsiba lahaa oo ka soo gaadhayay dadka dhankii huwantii askarta iyo jabhadihii lagu magacaabi jiray xoraynta soomaali galbeed, waxa degaanka aad loo saaray cadaadis adag oo lagu naafaynayay iska caabintooda, kaasoo si ba'' an looga dareemayay degaanka, inkasta oo aanu wiiqin iska caabintii iyo hlgankii jabhada afraad waday iyo dhiidhigii dadkaba, oo aakhirataankiina ay iyaga guushu raacday.
Hadaba hordhacaa iyo baacsigaa yar ee taariikhda deg, Gabiiley ka dib, oo ah gundhiga iyo halka uu ka foofayo maqaaalkani, si aad bal u sawiran karto xaalada ay degmadu ku jirtay xiligaa, ayaa su aashu waxay tahay, sidee ayay Gabiiley uga qayb qaadatay dhaqdhaqaaqyadii iyo kacdoonadii kale ee Goboladii waqooyiga la isku odhan jiray, ka bilaabmay 1980-dii ??, Jawaabtu waa, Gabiiley kama duwanayn dalka intiisa kale oo gocashadii iyo tabashadii jirtayba way kala sinayd, hadaanay weliba iyadu wax sii dheerayn, waxa hadaba aan ku koobayaa qoraalkan yar intii aan ka ogaa ee aan hada ka xasuusto, iyo kacdoonkii dhagaxtuurka ardayda ee 1982-kii ka bilaabmaay Hargeysa kuna baahay magaalooyin badan oo kale oo ay Gabiileyna ka mid ahayd.
Sida dalka iyo dadkuba yahay hada lama ahayn, oo xogta helitaankeeda iyo warku waxa uu ahaa Gibin, xaqiiqda si fudud looma heli karayn, waxa badnaa mala awaalka, dhacdooyinka Hargaysa ka dhacayaa waxa ay nagu ahaayeen anaga oo Gabiiley oo agteeda ah joogna, wax ay adag tahay si aan ku ogaanaa, hadii war la helo waa laba shub iyo waa la yidhi baa la yidhi, ma jirin bahalkan hada meel kastaba biyo-yaa-shubanta ah ee la yidhaa Mobile-phone, ma jirin Telefoon lagu wada xidhiidhaa, ma jirin war fidiyayaal kale, sida joornaal, radio madaxbanaan, Tv iwm.
Waxanu ku jirnay oonu ku xeraysnayn dugsigii sare ee Tima-cade oo Hoy(boarding school) ahaa, waa dugsigii kali ah ee sare ee ka jiray degaanka Gabiiley, oo isna cidla ku yaal, oo aan xidhidh toos ah haba yaraatee la lahayn dalka intiisa kale, waxa ku jira digsiga arday meel badan ka kala timid oo waa ay ku yar yihiin kuwa magaalada gabiiley u dhashay, dadka se degaanka laga xukumo degmada gabiiley ka yimid waa ku badan yihiin.
Dhiidhigii iyo ka soo horjeedkii xadhigii macalimiinta ee Hargeysa waxa uu si fishaan-fishaan ah ugu soo faafay oo uu ku soo galay Gabiiley, si gaar ahna waxa uu ugu fiday dugsigii sare ee Timo-cade, xiligaa waxa maamulkii degmada Gabiiley xukumi jiray nin la odhan jiray Buule, isaga iyo taliyayaashii kale ee milatariga, sir-doonka, bilayska, ee degmada iyo degaanka odayaal u dhashayba waxa ay bilaabeen in ay gaalaa-baxaan dugsiga sare ee tima-cade si ay uga hortagaan una baajiyaan in ay ardaydu wax dhaqdhaqaaqa samayso, iyaga oo si toosa iyo si dadbaba noogu muujin jiray, oo mararka qaarkood caga-juglayn iyo gorayo-khaakh layn badan ku dari jiray, waxa marka uu sii kululaado kacdoonka Hargaysaba uu maamulkii degmadu bilaabay inuu isna carcarakiisa iyo dhaqdhaqaaiisaa badiyo, oo uu marmarka qaarkood soo dhoobo ciidamado ku hubaysan qalbka milatariga siiba Jiibab iyo Beebeeyo, inta u dhaxaysa magaalada Gabiilay iyo dugsiga sare ee tima-cade oo masaafo dheer u jira magaalada si loo cabsi galiyo ardayda, waxa kale oo la joojiyay bixitaankii ardaydu oo laga godoomiyay dunida inteeda kale, waxa kale oo hanjabaad iyo cabsi galin badan la kulmay maamulkii dugsiga, macalimiintii iyo odayaashii degmada oo lagu amaray inay ka hortagaan oo ay fashiliyaan banaabaxyada ardayda lagu tuhunsan yahay inay samayn doonaan.
Waxa lagu soo kordhiyay arday cusub iskuulkii oo u shaqysa dawlada siiba sirdoonka, wada hadalkii iska furnaa ee arday dhexdeedu wuu joogsaday, waxa bilaabmay qaybsanaan leh dareen la isku kala qoqobayo oo laba loo kala jabay, dad raacsan kacdoonka iyo dad ka soo horjeeda oo weliba garabna ka helayay xukuumada haday tahay maamuladii degmada iyo gobolka-ba ee dawladii Siyaad Bare, si aan ula socono hadaba waxa dhacayay waxa lagama maarmaan noqday in la helo cid, u gacan banaan una darban arimahan oo kale, waxa aanu helay gurmad nooga yimid Hargeysa, oo noo noqday miciin iyo isku xidhe qaybtayadii kacdonka raacsanayd iyo dhaqdhaqaaqii Hargeysa, ninka hawshaa dusha u ritay waxa uu ahaa, mudane Xirsi aw-cabdi sheekh, oo hada jooga Birmingham(uk).
Si dhuumasho iyo qarsoodi ah ayaa uu mudane Xirsi Cabdi Sh, gooraha cawayskii noogu iman jiray Dugsiga sare ee tima-cade, oo uu nooga waramay waxa ka taagan Hargeysa iyo sida xaal yahay.
La soco Qaybta labaad.
Somaliland ha jirto oo ha joogto.
|