|
22/02/2008: Submitted for publication via web Dhagaxtuurkii 1982-kii ee dugsiga sare ee Timacade(qalax) ee Gabiiley, qaybtii 2-aad
by Cali Cumar Xasan Hadii aad akhriday qaybtii 1-aad ee sheekadan,waxay maraysay oo inoo taagnayd,-
Si dhuumasho iyo qarsoodi ah ayaa uu mudane Xirsi aw Cabdi Sh, gooraha cawayskii noogu iman jiray Dugsiga sare ee tima-cade, oo uu nooga warami jiray waxa ka taagan Hargeysa iyo sida xaal yahay, Xirsi waxa uu xiligaa isna arday ka ahaa dugsigii sare ee farsamada gacanta ee Hargeysa, waxa uu Xirsi ku dadaaly inuu naga haqabtiro wararkii aanu u oomanayn,waxa kale oo uu weliba ka qayb qaatay dhiirigalinta ardayda dugsiga sare ee Hooy-ga Tima-cade, isla dugsigan waxa kale oo wax ka baran jirtay arday badan oo magaalad Gabiiley ku noolayd oo aroortii ka soo kalahi jirtay magaaalada, casharada ka dibna ku noqon jirtay magaalada oo aan iyagu ku deganayn dugsigii hoyga ahaa, kalase mid ahaa dareenka iyo kacsanaanta kuwa ku xeraysan Tima-cade, oo isabaabulka iyo tiritirsiga dhankooda ka waday.
Sakati baa dadka ku taagnayd, kacdoonka ay ardaydu xaga danbe ka riixaysaa wuu ku cusbaa dadka oo hore looma arag, ninba sibayse ugu muuqanaysay, tusaale ahaan macalimiintii noo dhigi jirtay ayaa marka aanu sheekaysanayno, iyaga oo nala wadaagaya dhibta aanu diidanayn hadana ku kala duwanaa aragti ahaan sida la yeelayo, oo qaar raacsanaayeen in aanu falal sameeyo dhankay doonto ha u dhacdee, halka qaar kalena ka
calool-waydsanaayeen hadii deganaansho la' aan la sameeyo, dhibta ardayda kaga iman karta maamulkii macangaga ahaa oo aan xal u arakyn in sidaa wax lagu doono.
Dhanka kale waxa sii adkaaday ku wada noolaanshihii dusiga sare ee Timo-cade, oo ardaydu aad ugu kala qaybsantay arinta xadhigii macalimiinta (uffo), inkastoonu wax dagaal ah oo muuqdaa ka dhicin hadana is necbaansho iyo kala fogaan xoog leh ayaa abuurmay, dugsiga waxa ku noolaa sidaan hore u soo sheegay arday badan oo meelo kala duwan ka kala timid cid kastana lahayd, waxa la yaab iyo cawo-daro ahayd in dhalintii walaalaha ahayd ee meel ku wada noolayd, ee iska xigtay dadka kale uu maamulkii Siyaad Bare ku dhex tuuro dab oo kala fogeeyo, oo qaarna soo dhawaysto oo uu weliba fikrado kale ka dhaadhiciyo, qaarna ku shaabadeeyo qabiil, dib-u-socod iyo waxay ugu yeedhi jireen kacaan diid !!.
Waxa gabagabadii la soo gaadhay maalmihii la keenayay maxkamada Hargeysa Macalimiintii, aad baa dadku u kacsan yahay, in la muujiyo diidmo ka dhan ah xukun ku dhaca macalimiinta oo wax la sameeyaa waxa uu noqday ka maaran-waa, waxa aanu tashiyo hoose oo gaargaara ku gaadhnay inaan samayno banaanbax aan rabshado wadan, lase tusayo maamulkii talada hayay sidaanaan raali uga ahayn xadhigaa xaqdarada ahaa ee aqoonyahanada iyo macalimiinta (uffo), ma ahayn wax fudud sidaan taa ku suurta galin lahayn, duruufaha nagu gadaanaa awgood, ha ugu daraato dhaqdhaqaaqa arday oo isha lagu hayay, oon la ogolayn inay magaalada u baxaan, iyo weliba anaga oo kala jaban oo taasina wiiqisteeda lahayd, oo kaad wax ku qarsan lahayd aad ka qarsanayso.
Markii la ogaaday in Maxkamad la saarayo macalimiintii berito, ayaanu habeenkii go' aansanay inaanu siday doontaba ha ahaatee tagno magaalada, oo aanu ka banaanbaxno arintaa, si taasi noogu suurta gasho oon lanooga baajina waxanu ku tashanay, inaanu magalada oo naga yar fog, si aan urursanayn ku tagno, oo ninba meel ka soo galo, la iskuguna yimaado meel aanu ku balanay, halkaana markaa laga bilaabo socod lagu marayo magaalada dhexdaada, nasiib wanaag waa ay noo suurta gashay arintii oo inkastoo aanaan tiro ahaan badnayn, hadana gudanay xilkii markaa na saarnaa anaga oo aan wax rabshado ah samayn, markii aanu fulinay qorshahayagii xaalado kadis oo nala soo darsay awgood, waxanu ku kala baahnay magaalada oo aanu kala galnay, si aanu hadana anaga oo baahsan u hoyano, waxase dhacday in dhexda arday badan loo galo oo markay ku noqonayeen iskuulka la qabqabto, qaar kalena magaalada laga dhex ugaadhsado oo la xidho.
Tiro doora ayaa ay noqotay ardaydii lanaga qabqabtay , kuwaas oo ku jiray jeelka mudo ku dhaw sidaan filayo Bil, inkasta oo aan wax xukun ahi ku dhicin hadana hanjabaada iyo cabsi galintu kuma yarayn, waxa jiif iyo joog diiday oo ka hawlgalay in la sii daayo odayaashii iyo wax-garadkii magaalada, ugu danbayntiina waxa lagu qanciyaay maamulkii Siyaad Bare in la isku sii daayo dhalinyada oo sidaasi ay roon tahay.
Waxase ma ilowdo ahayd in xadhigii xaqdarada ahaa ee macalimita (uffo) iyo aragtiyihii ay ardaydu ka kala qabtay, uu wada noolaanshihii iyo xidhiidhkii ku sameeyo boogo buqbuqa, oo dhalintii da' da yarayd ee ku jirtay dugsiga sare ee timo-cade ku kala damqato oo aan bogsan, xeeladaha uu taliskii Maxamed Siyaad bare adeegsan jiray bay ka mid ahayd kala qaybintu dadku, taasaan kow ka ahayd kala waji-dadabka iyo xumaanta na dhex timid.
Gabo gabadan maqaalakan yar, waxan xasuusin lahaa dadka in aanu u yaraysan oo aanu waxba dib u dhigan intii tamartiisa ahayd, maamulkii milatariga ahaa ee Siyaad Bare hogaamin jiray, siduu guud ahaan dadka reer Somaliland u kala qoqobi lahaa ee uu isaga hor keeni lahaa, sidaa darteed waxan odhan lahaa, ha inoo noqoto cashar aan ka barano inaan ka hor tagno, inaynaan mar kale ku dhicin Godkii la inaga qaniinay mar hore!!!.
Waa iga intaa iyo intay xasuustu i siisay.
Somaliland ha jirto oo ha joogto
Cali Cumar Xasan
|