21/02/2009: Submitted for publication via web Xog-waranka Abwaan Cabdilaahi Cawed Cige
by Mustafe Sh. Cumar Sidee qalinkaagu u Cabbiray dareenka Bisad cadhaysan?
-Quruxda dabiiciga ah ee dhul cagaaran oo barwaaqo ah, Buuro dhaadheer, taagag kala sareeya oo xareeradu ka galac-leynayso dhulka hoose meelaha godan, tamashleyn, daansho-daashood iyo hawl kale oo adduun mid doonaaba ha kuu geeyo'e, haddii ay kugu qabsato inaad subax hore dhex qaado, caddarka iyo udugga saxansaxada aad sanka la raaceyso ka sokow, waxaa laga yaabaa inaad ka maarmi weydo inaad xaydato oo rayska iyo dharabka kor uga hinjiso marada aad xidhan tahay, si aanu kaaga gaadhin dharabka iyo rayska uu hoosta ku haysto cosobka isku baxay ee aad cagta la dhacaysaa.
Marka aad ka soo noqoto dalxiiska ama socodkaa hawshu kuu geysay, waxa laga yaabaa inaad jeclaysato in lagula wadaago billicda muuqaalka aad indhaha kaga dheregtay ee maankaaga ku duuban oo aad sheeko ahaan ugu soo gudbiso cid kale.
Hadba qaabka aad humaagaa aanay kula ogeyn asxaabtaadu ee aad hadal ahaanta ugu tebinayso u dhigto ayayna ku xidhantahay cabirka ama nooca sawirka ay ka qaadanayaan dhulka aad soo martay.
Sidaasoo kale, Suugaan-yahanka, qoraaga iyo Hal-abuur kasta tayadiisa waxa ka turjuma hanaanka uu akhristayaasha ama dhageystayaashiisa ugu soo tebiyo dhacdooyinka ku hareeraysan iyo saamaynta dareenkooda uu kaga tago.
Waxa xusid mudan oo aan tusaale u soo qaadan karaa, Cabdilaahi Cawed Cige oo curinta sheekooyinka Mala-awaalka ah aad isugu hawla. Cige waxa uu ka mid yahay UDUB-dhexaadka taxane buugaag ah oo ku qoran Af-Soomaali, kuwaasoo loogu wanqalay ama magaca guud ee ay wadaagaan yahay Cirsan-ka-yeedh. Islamarkaana taxanahan waxa uu ku leeyahay laba buug oo kala ah 'ROGE iyo LADH'.
"Haash xabbad Sigaar ah oo la ganay oo dalaq tidhi Shaadh Katabaan sudhan jeebkiisa, silsilad dhacdooyin xidhiidhsan ah oo ka dhashay ayaa saldhig u ah sheekada" Hal-ku-dhegan ayaa ka mid ah curinta Cabdilaahi, waxaana aan ka soo dheegtay oo aan ka halacsaday Jeldiga sare ee buugga ROGE.
Cabdilaahi waxa uu qoray oo kale, sheekooyin iyo qoraalo hore Wargeyska Ogaal ugu soo baxay oo ay ka mid yihiin. 'Ma waxaan u dhintay jacaylkii Nagaad, Dukaankaygu sow nabada ma iibiyo iyo Waxaan u dhaxay nin Jin ah' kuwaasoo cabiraada humaaga dhacdooyinka ay tebinayaan aad loo jeclaystay, Islamarkaana dhamaantood ku salaysan hal-abuur mararka qaarkood gaadhsiisan in la sawiro dareenka iyo waxa ka guuxaya madaxyada noolaha aan ahayn Dadka.
Cabdilaahi Cawed Cige, waa Qurba-joog fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska, waxaanu fasax kooban ku yimi Somaliland. Waxaanu waraysi kala yeelanay faahfaahinta noocyada sheekooyinkiisa, hibo Alle ku galaday iyo aqoon uu ka kasbaday Kulliyado lagu barto farshaxanimada qoraalka iyo Saxaafadda midka uu salka ku hayo qalinkiisu iyo arrimo kale. Ugu horeyn, waxa uu ka waramayaa goorta iyo goobta uu ku dhashay iyo heerka Waxbarashadiisa. "Annigu waxaan ku dhashay meel ku beegan Hawdka Burco oo ilaa 80-km u jirta, waqti ku beegan sannadkii 1965-kii. Waxaan ku barbaaray oo aan malcaamadda Qur'aanka, dugsiga Hoose, Dhexe ilaa dugsiga sare aan ka galay magaalada Burco. Waxaan ka baxay dugsiga Farsamada gacanta ee Burco sanadkii 1984-kii. Wadanka waxaan ka dhoofay ilaa 1985-kii, muddadaa wixii ka dambeeyayna waxaan ku noolaa Qurbaha, haatana waxaan degenahay magaalada Liverpool ee wadanka Ingiriiska."
….la soco cadadka danbe
|