|
Wisdom of the Day
|
...daily updates... |
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi suugaan |
|
|
|
Cabdirahman C. Faarax "Barwaqo" Magac Bilaash Uma Baxo: ujeeddooyinka magacyada iyo naanaysaha Soomaaliyeed Hal-aqoon, Ottawa, 1998 ISBN: 0-9699009-1-0
Magac bilaash uma baxo: ujeedooyinka magacyada iyo naanaysaha Soomaaliyeed" waa buug si qoto dheeri ah looga shaqeeyey loogana baaraandegey. Waxaanu ku saabsanyahay hababkii iyo ujeedooyinkii aynu ula bixijirrey magacyada iyo naanaysaha. Hadaba ujeedada magaca ka sokow waxa uu si habsami ah u lafagurayaa isirka iyo dulucda magac kasta ka dambeysa.
|
|
Qoraaga:
...hayeeshee waxa wax ka qoray buugga aqoonyahanno farabadan oo shisheeye iyo sokeeyaba leh. Waxa aqoonyahannadaa ka mid ah Prof. Guush Andrzejewski, oo aad wada taqaanniin waxa uu ahaa, waxaanu buugga ku tilmaamay inuu xanbaarsanyahay aragti ku cusub cilmibaadhista Soomaaliyeed. Prof. Maxamed Cabdi Maxamed "Gaandi" oo wax ka tirsan Jaamacadda Besancon ee dalka Faransiiska, Dr. Saleebaan C. Faarax oo dhakhtar Soomaaliyeed oo suugaanta iyo dhaqankana aad ugu xeel dheer, oo uu hadda fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa, Xarunta S/land, iyo Jaamac Nuux Cabdillaahi "Carro-edeg"oo isna ah hal-abuur iyo qoraa weyn fadhigiisuna hadda yahay dalka Sucuudiga iyo qaar kale. Waxa faalladii u danbaysey buugga ka qoray Dr. Georgi Kapchits. Faalladaasi waxa lagu soo daabacay wargeyska Jamhuuriya, tirsigii diisambar, 2002da kana soobaxay Hargeysa. |
|
|
Social Community
Join us today |
There are currently, 438 guest(s) and 0 member(s) that are online. Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!
|
Editor Pick
|
A brilliant work co-ordinated through many continents by Rhoda A. Rage. Read it more |
|
|
|