Bile M Hashi Deynabo, (Haasaawe qalafsan) The Bile Books, Gotebörg, 2003 ISBN: 91-631-4179-5
Deynabo waa inan da’yar oo jaariyad u noqonaysa reer qani ah, intay reerka la nooshahay waxay ku nooshahay cabsi iyo ciil ay ka qabto Sahro oo ah islaanta ay ushaqeeyso., waxaase marwalba ka difaacaya dhibka iyo xanuunka Cilmi oo ah odayga reerka, taa oo sabababeysa in Deynabo ay xiriir khaas ah la yeelato Cilmi, xiriir qalafsan iyo haasaawe heehaabya hawada labadooda dhexmareysa.
Dhacdada ka dhaceysa aqalka reer Cilmi gudihiisa markii suuqa looga sheekeeysto waxay soo gaareeysaa Macoow, wiilkii jeclaa jaariyada, iyo reerka ay jaariyadu ka dhalatay oo aanan labadooduba ku farxeynin warka la isla dhexmarayo. Taa oo keeneysa in qisadu ku dhamaato arbush iyo niyad kac.
|
|