|
Wisdom of the Day
|
...daily updates... |
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi suugaan |
|
|
|
Yuusuf X Cabdillaahi Xasan Ugaadh iyo habardugaag Forfatters Bokmaskin, Stockholm, 2005 ISBN: 91-9710-698-8
Ugaadh iyo habar dugaag waa buug ka hadlaya xayawaanka duurka, gaar ahaan ugaadha iyo dugaagga. Haddaba inta aynaan ugaadha iyo dugaagga u guda galin waa in aan wax yar ka hadalnaa meertada nololeed iyo habka Ilaahay iskugu talo galay noolaha iyo deegaanka. Dhulka quruxdiisu waa
nolosha iyo noolaha oo isku xiran, deegaanka nool (dhulka aan weli nabaad guurin ee noolaha kala duwani ku nool yahay) waxa ku nool noolayaal kala duwan oo noocyo badan iskugu jira. Ugaadha iyo dugaaggu waxa ay qayb ka yihiin meertadaa nololeed ee Eebbeheen iskugu talo galay, waana tan quruxda u yeelaysa deegaanka iyo dhulka. Ugaadha oo la odhan karo waa xoolaha kaydka ahi waa qaniimad iyo qurux Ilaahay ugu deeqay dadka.
|
|
|
|
|
Social Community
Join us today |
There are currently, 424 guest(s) and 0 member(s) that are online. Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!
|
Editor Pick
|
A brilliant work co-ordinated through many continents by Rhoda A. Rage. Read it more |
|
|
|