|
Wisdom of the Day
|
...daily updates... |
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi suugaan |
|
|
|
Xasan Cabdi Madar Barbaarsame: Barbaarinta iyo toosinta Ubadka n.a., Nairobi, 2008 ISBN: 9966-7059-8-8
Buuggan waxa loogu talo galay in uu wehel u noqdo waalidka iyadoo lagusoo ururiyey waayo aragnimo iyo aqoon salka ku haysa habka barbaarinta suubban ee carruurta.
Waxa kale oo loogu talo galay barayaasha, dugsiyada waxbarashada iyo dhallinyarada isu diyaarinaysa dhismaha qoys ee noqonaya waalidkii berri.
Buuggu wuxuu dhinacyo badan ka eegayaa dhibaatooyinka hortaagan habsami u barbaarinta ubadka waxanu soo gudbinayaa talooyin ku saabsan barbaarinta iyo toosinta ubadka xilli dunidu isu sii furmayso oo soomaalidu ku baahday meel kasta oo caalamka ka mid ah oo dhibkeeda iyo dhaqankeeda leh.
Bulshadu halka ay ka hagaagto ama ka xumaataa waa barbaarinta ubadka soo kacaya, wanaag oo dhammina wuxuu ka bilaabmaa qofka iyo qoyska, marka qoysku hagaago ayaa qarankuna hagaagaa. Buuggu wuxuu ku qoran yahay hab fudud oo akhristaha u sahlaya inuu la soo baxo kolba qaybta uu si guur ah u xiisaynayo.
BARBAARSAME waa buug loogu talo galay in uu wax wayn kusoo biiriyo guriga iyo maktabadda kutubta ku qoran afsoomaaliga.
|
|
|
|
|
Social Community
Join us today |
There are currently, 449 guest(s) and 0 member(s) that are online. Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!
|
Editor Pick
|
A brilliant work co-ordinated through many continents by Rhoda A. Rage. Read it more |
|
|
|