|
Wisdom of the Day
|
...daily updates... |
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi suugaan |
|
|
|
Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran redsea-online.com |
|
|
Abdirahman Ahmed Mohamed Naxwaha af-ka swidhish-ka oo ku qoran af-soomaali Författares bokmaskin, , 1997 ISBN: 91-7910-090-2 - Naxwe
Buuggani wuxuu xambaarsan-yahay naxwaha swedish-ka oo ku qoran af-soomaali. Buugani waxa uu soo koobayaa qaybaha ugu muhiimsan ee dhismaha afka Swedish-ka, isla markaa wuxuu faahfaahin kaa siinayaa habka ugu fudud ee aad u fahmi karto naxwaha swedishka. Wuxuu buuggani faa'iido weyn u yahay qofka doonaya inuu barto afka Swedhiska.
|
|
|
Faalada martida
- Akhriste - 2010-10-03 04:10:41
abdikader - abdikader_happy@hotmail.com waxa aan u mahad naqayaa qoraaga buuga, buugaan waa buug aad iyo aad u qiimo badan, fadlan ila soo xiriir oo ii sheeg habka aan u heli karo buugaan tack så mycket.
- Qoraaga - 2010-10-01 06:12:05
taaji - dulli@hotmail.com Buugaan Aniga qoray af soomaali naxwihisa waxba igama gelin oo dhalasho sweden ah baan haystaa
- Akhriste - 2010-04-29 16:58:49
yusraa - gril_good2010@hotmail.com salaamucalaykum dhamaan tiin waxaan doonayaa inaan barto afka iswiidhish ka fadlan ebara
- Akhriste - 2009-04-17 15:31:50
CABDULHAAI MOHAMUD - garday_11hotmail.com walal waxaan idinka codsanayaa in aad ila soo socod siisaan meesha aan ka iibsan karo buugan idinka oo mahdsan
Waxaad kala xidhiidhaa qoraaga ahashi60@hotmail.com
- Akhriste - 2008-10-19 07:37:06
abubakar ahmed abdilahi - abou3109@hotmail.com run ahaantii buuganai waa buug aad iyo aad u qiimo badan waxaanan umahadnaqayaa qoraaga u huray wakhtigiisa si uu ugu faa,iideeyo bulshada soomaaliyeed
- Akhriste - 2007-10-28 16:53:08
hassan - qaxooti@hotmail.com waxa aan u mahad naqayaa qoraaga buugaa isku hawlay in uu qoro afka swdedishka garamatic giisa
- Akhriste - 2007-02-13 04:53:48
hassan barisa - barisagazeti01@yahoo.com send me books andkeep in touch. my name Hassan Barisa of Garissa- kenya.
Walaal waxaa kula soo xidhiidhi doona qoraaga buugga. RSOL.
- Akhriste - 2003-03-23 10:55:56
Sayid M Yusuf - dhegey2000@yahoo.se Buugani waa buug aad u qiimo badan, marka laga eegayo dhinaca naxwaha swedishka oo lagu qoro af-soomaali. Waxaynu ognahay dhibta ay leedahay qoriin la'aanta naxwaha afsoomaaliga, balse qoraagani wuxuu dhabarka u ritey inuu naxwaha afka swedishka ku qoro afsoomaali. buuggan waan akhriyey waana buug si fudud loo fahmi karo, si faahfaahsanna u qoran.
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!Faallee buuggan / Comment this book |
|
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey. Mahad badan REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section |
|
|
|
Editor Pick
|
A brilliant work co-ordinated through many continents by Rhoda A. Rage. Read it more |
|
|
|