|
Wisdom of the Day
|
...daily updates... |
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi suugaan |
|
|
|
Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran redsea-online.com |
|
|
Abdibashir Ali (Maxamed Xirsi) Qisadii Al-itixaad iyo Cabdullaahi Yuusuf Qoraaga ayaa daabacay, Stockholm, 2007 ISBN: 91-631-8291-2 - Qiimaha: 10.00 Euro
Buuggan waxaa lagaga sheekaynayaa, dhacdo xus mudan oo soo martay qaybo ka mid ah bulshada soomaaliyeed. Waa dagaal qarxay 19 juun 1992kii oo dhexmaray ururkii la odhan jiray Al-itixaad Al-islaami iyo ururkii la odhan jiray SSDF oo uu hoggaaminayey Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Goobtu waa Boosaaso. Buuggu wuxu u qoranyahay hab sheeko ah oo lagu qurxiyey dareenkii qofka laga soo weriyey. Waxaa la soo bandhigayaa qof goobjooge ahaa wixii uu kala kulmay dagaalka iyo waayo aragnimadiisii.
Order it now |
|
Cabdibashiir Cali (Maxamed Xirsi) waxa uu qoray buugaag dhowr ah oo aad u muhiim ah.
Buugaagtaas waxaa ka mid ah buugga Dáyarta Sweden oo aad loo jeclaystay iyo buug runtii dad badan baskaxdooda ka shaqaysiiyey hurdadiina ka kiciyey oo la yidhaa Dumar talo ma laga dayey.
|
Faalada martida
- Akhriste - 2007-06-25 12:36:51
maxamed saleban cumar - balicalanle02@hotmail.com wallaahi faallo kamaq bixin karo waayo carradayada ma uu soo gaadhin inta ogaalkay ah,markaas waxaan ku talin lahaa in nala soo gaadhsiiyo
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!Faallee buuggan / Comment this book |
|
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey. Mahad badan REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section |
|
|
|
Editor Pick
|
A brilliant work co-ordinated through many continents by Rhoda A. Rage. Read it more |
|
|
|