|
Wisdom of the Day
|
...daily updates... |
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi suugaan |
|
|
|
Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran redsea-online.com |
|
|
Sayid Ahmed (Ahmed Jama) Socdaalki Dheeraa Författares Bokmaskin, Stockholm, 2007 ISBN: 978-91-631-7418-6 - Qiimaha: 21.00USD
Buuggan la magacbaxay "Socdaalkii dheeraa" waxa qoray Sayid M Yuusuf. Wuxuuna ku saabsanyahay wiil dhallinyaro ah, oo deggenaa magaalada Berbera. Sannadkii 1988, bishii mey ayuu dagaal ka bilaabmay magaalada Burco. Dagaalkaas oo dhexmaray ciidamadii taageersanaa maamulkii Maxamed Siyaad Barre iyo ciidankii SNM. Dagaalkaasi wuxuu saamayn weyn ku yeeshay Guuleed.
|
|
Sayid Ahmed (oo loo yaqaan Ahmed Jama "Sayid", laguna naanayso "Dhegay") waxaa lagala xidhiidhi karaa gacanlibaax2001@yahoo.se
Guuleed wuxuu dhuumasho kaga baxay magaaladii uu ku dhashay, ku barbaaray oo ahayd Berbera. Wuxuuna galay socdaal dheer oo aad u dhíb badnaa. Dagaalkaasi wuxuu socday muddo ku siman saddex sannadood. Balse markii dagaalkii dhammaaday 1991, sidaa kumay dhammaan dhibaatadii, ee Guuleed wuxuu gelayaa socdaal kale. Buuggani wuxuu ku egyahay "Geedigii koowaad iyo Guuleed".
|
Faalada martida
- Akhriste - 2008-03-30 13:19:16
ismaail - ciidanyare_2010@hotmail.com waxaan jecelahaya
inaad
inaad noo sii wado sheeda oo taxane a ah
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!Faallee buuggan / Comment this book |
|
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey. Mahad badan REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section |
|
|
|
Editor Pick
|
A brilliant work co-ordinated through many continents by Rhoda A. Rage. Read it more |
|
|
|