|
Wisdom of the Day
|
...daily updates... |
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi suugaan |
|
|
|
Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran redsea-online.com |
|
|
Yuusuf X Cabdillaahi Xasan Gurxan iyo Gabarey Iftiinka-Aqoonta, Stockholm, 2008 ISBN: n.a. -
Gurxan iyo Gabareymaanyo waa sheeko raad ku leh dhacdooyinka maldahan ee ay mararka qaarkood dadku la kulmaan ama ay arkaan. Dhanka kale qisada uu buuggani xambaarsan yahay, waa sheeko halabuur ah oo uu qoraagu curiyey, isla markaana ka hadlaysa is rogrogga badan ee waayaha adduunka iyo sida ay saamaynta ugu yeeshaan meertada nololeed ee aadanaha. Qof kasta oo aadami ah inta uu adduunka ku nool yahay waxa uu la kulmaa maalin walba wax cusub, ha noqoto wax farax geliya ama wax ka nixiya. Waxa intaa dheer isbeddellada dabeecadda ee marba nooca ah, sida: xilliyada ay qaarkoodna barwaaqada yihiin, kuwo kalena ay abaarta u noqdaan. Waxa ay sheekadani ku socotaa qoys reer miyi ahaa oo meel baadiye ah degganaa. Qoyskaas oo dhul barwaaqo ah ku caano maalay muddo aad u dheer, kuwaas oo aan dhibaato geyn magaalo iyo dhibteed una baahan. Aabbaha qoysku waxa uu ahaa sheekh caan ah oo deegaanka oo dhan laga yaqaannay. Waxa uu ku caan ahaa xeerarka iyo shareecada Islaamka oo uu ummadda ku kala hagi jiray haddii la kala bixi waayo.
|
|
Qoraagu wuxuu deggan yahay waddanka Sweden.
Waxaanu halkan soo galin doonaa taariikhda qoraha.
|
Faalada martida
- Akhriste - 2011-06-12 15:35:30
xamda - slash-715@hotmail.com buugani waan ka helay oo in badan oo nolasheyda ka mid ah ayay ka bedeshay hasahaatee buugani wuu wanaagsan yahay
- Akhriste - 2011-03-14 11:43:20
Muhannad Xaad Gele - Puntland@hotmail.co.uk aad ayaan ugu mahad celin dhaman areryada buuga wana muug mihiim ah
- Akhriste - 2009-02-17 01:16:01
ibrahim - fiidoow143@hotmail.com marka hore asc salan qaali ah kadib waxan mahad usugnaatay alle iyo rusuulkeenii suubanaa {scw} mahad kadib waxan ad uga mahad celinayaa webkan soo bandhigay buugan si an ugu faaideysano waxan kaloo aad ugu mahadcelinaya qoraha buuga
- Akhriste - 2008-06-22 06:33:41
liban - lmc322@hotmail.com runtii waa buug wacan oo xan barsan qisooyin run ah
- Akhriste - 2008-06-13 09:43:14
maxamed xaad geele - xaadyare8@hotmail.com waa buug wanagsan in tastoo aadan soo koo bi karin xaaldada oo aad taataabatay
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!Faallee buuggan / Comment this book |
|
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey. Mahad badan REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section |
|
|
|
Editor Pick
|
A brilliant work co-ordinated through many continents by Rhoda A. Rage. Read it more |
|
|
|