|
Wisdom of the Day
|
...daily updates... |
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi suugaan |
|
|
|
Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran redsea-online.com |
|
|
Xasan Cabdi Madar Nabaadiino n.a., , 2007 ISBN: -
Nabaadiino, waa buug lagu soo ururiyey ‘Suugaanta Soomaalida ee Xuquuqda Aadamaha’ ka hadleysa. Waxaana qorey Xasan C. Madar (qoraagii buugga Sirta Guurka). Waa buug 207 baalood ah, maansooyin 42 ahna la isugu keenay. Abwaanada tixahooda lagu soo bandhigeyna waxaa ka mid ah Saahid Qamaan, Cali J. Haabiil, Cali Dhuux, Dhoodaan, Hadraawi, Gaariye iyo abwaanno kale. Qoraagu, wuxuu si hufan isu raaciyey hadba tixaha uu isku ujeeddo u maleeyey, isagoo u kala diirey:
1. Ku tumashada xuquuqda aadamaha
2. Xuquuqda dumarka
3. Xuquuqda dhallaanka
4. Dadka la heyb sooco
5. Nabadda
6. Caddaaladda
7. Nolosha
8. Aqoonta
9. Xorriyadda
10. Dadka xiskoodu dhimanyahay
11. Naafada
12. Deegaanka
|
|
Buugaagta kale ee uu qoraagu hore u qoray waxay yihiin:
- Cadaabtii Ifka
- Qalbu lula
- Jacaylkii shanta qaaradood
- Ninkii helaa nasiib leh
- Maad barane ha u bogin
- Nabaadiino
- Barbaarsame: barbaarinta iyo toosinta ubadka
Xasan Madar wuxuu deggan yahay Hargeysa, halkaas oo laga soo bilaabo 1996 kii waqti ku qaadan jiray dhinaca qoraallada sheekooyinka gaagaaban iyo qormooyin taxane ah oo kuu soo bixi jiray wargeysyada Xorriya, Jamhuuriya, Codka Hargeysa, Dhambaal iyo Maandeeq. |
Faalada martida
- Akhriste - 2011-12-30 16:12:19
carabey - carabey111@hotmail.com waxan salamaya somalida melkastoo jogta calmka waxanleyahay sanad wannagsan
- Akhriste - 2011-08-08 12:29:25
iid cumar cali - eidomer4@hotmail.com waxaan a akhariyey buuga jacaylkii shanta qaradood kaas oo si dhaba u taabanaya arimaahs.
aniga shaqsi ahaana si gaara ii soo jiitay sxb xasan cabdi madar guul baan kuu rajaynayaa.
- Akhriste - 2009-10-26 05:59:56
khadar - khadarmx@hotmail.com khadar waa ay ku dhacday qisadan waxuu jeclaaday qof u ka shukan san jiray telka iyo netka waxayna ahayd naag indhoole ah khadar waxuu hada ku sugan ayahay dalka ethiopia taarkhtuna tahay 26/10/2009 marka waxad ogaan kartaa faalo ka badan tan hada oo ku sabsan khadar hadi adrabto gal webka mustaqbalonline
- Akhriste - 2009-05-22 18:33:40
hibo - haajira05@live.com asc wr wb walaal xasan cabdi madar waxan aad uga helay book gaagii barbarsame ee ka hadlaya caruurta iyo tarbiyadooda mash aalah ilahaya ha kula qabto noolay walaalo s/c
- Akhriste - 2009-04-22 08:33:31
maxamed cabdiraxmaan gaataa - mohamed_ugaas47@hotmail.com sxb marka hore waan kusalaamayaa salaan kadib aad iyo aad ayaan oola dhacay buugan aad qortay ee nabaadiino adiga oo ah xasan cabdi madar marka runtii aniga waan kahaley sheekooyinka uu xambaarsanyahay waxaan aad ujeclahay inaad buugaas ii soo dirto maadaama aan aad oogu baahnahay sidaas ayaan kaa codsanayaa.
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!Faallee buuggan / Comment this book |
|
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey. Mahad badan REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section |
|
|
|
Editor Pick
|
A brilliant work co-ordinated through many continents by Rhoda A. Rage. Read it more |
|
|
|