|
Wisdom of the Day
|
...daily updates... |
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi suugaan |
|
|
|
Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran redsea-online.com |
|
|
Jama Musse Jama Sheeko iyo Shaahid - Kowaad: Geesi boqra Ponte Invisibile, Pisa, 2009 ISBN: 88-88934-08-1 - Sheeko Qiimaha: Dunida 14.00USD / Somaliland 7.00 USD
Buuggan oo macnaha ugu wayn ee soo saaristiisa laga leeyahay uu yahay in lagu dhiirrigeliyo dhallinyarada qiimaha uu leeyahay qoraalka iyo akhrisku, waxa lagu daabacay labadii sheeko ee kaalmaha kowaad iyo labaad kala galay tartanka. Waxa lagu sharfay in lagu magacdhabo buuggan kowaad “Geesi boqra” oo ah magaca sheekada uu qorey Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed ee gashay kaalinta labaad. Cabdiraxmaan waa 18 jir, ku dhashay Dulcad (Itoobbiya) xeradii qaxootiga ee ummadda Somaliland u barakacday markii la dumiyey magaalooyinka waawayn ee dalka, waxana wax lagu farxo ah in isaga iyo inta kale ee ka qaybgashay tartankii Sheeko iyo Shaahid ay iftiinka u sidaan jiil cusub oo ah farshaxanno, jiilkaas oo jiritaankiisu yididdiilo ku beerayo qof kasta oo daneeya fanka, dhaqanka iyo suugaanta.
Waxa iyana ku jira dhigaalkan sheekooyin ay qoreen qoraayo kale oo marti ku ah buugga, kuwaas oo u ah kaabid iyo dhiirrigelin qoraayada soo koraya. Dayib Cabdiraxmaan Askar wuxuu hore u qorey buugga la yidhaahdo “Dhalandhool” oo ku qoran afingiriisi iyo afsoomaaliba. Cabdillaahi Cawed Cige waa qoraagii buugaagta sheekada ah ee “Ladh” iyo “Roge”. Ibraahin Yuusuf Axmed waa qoraaga buuggii “Aanadii Negeeye”.
Marti-sharafeedka dhigaalkan kowaad ee “Sheeko iyo Shaahid”, waa “Jacayl dhiig ma lugu qorey!” iyo sidii ay kusoo baxday. Waxay ahayd horraantii toddobaatameeyadii markii uu tiriyey Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” heesta, waxana uu ka sheekeeyey siday ku timi 2007-dii isagoo ka qaybgalaya “Somali Week Festival, London”. Waa male-awaal aad iyo aad u layaab badan, kalkaaliyena u noqon kara maskaxda farshaxannada yaryar ee soo kacaya. Waxaannu u mahadcelinaynaa Somali Festival Week iyo Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraaw” inay noo oggolaadaan daabicidda sheekadan oo aannu ka diyaarinney cajalad DVD ah oo ay sameeyeen sannadkii 2007.
Order it now |
|
Born in Hargeisa and studied mathematics at the Universtà di Pisa, Jama Musse Jama now works as an IT Expert at NetIkos s.p.a, a Telecom Italia Information Technology, Telecom Italia Group Company. He is the author of
- A note on "My Teachers's Group": News report of an injustice
- Layli Goobalay: Variante Somala del "Gioco Nazionale Africano"
- Shax: the preferred game of our camel-herders and other traditional african entertainments
Qoraayada kale ee ka qaybqaatay:
Mustafa Aadan Nuur
“Ninkii reerka”, 11 – 14
Cabdiraxmaan Maxamuud Axmed
“Geesi boqra”, 15 – 25
Dayib Cabdiraxmaan Askar
“Qadow Waraabe”, 27 – 40
Cabdillaahi Cawed Cige
“Maxaan u dhintay ma jacaylkii Negaad?”, 41 – 59
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
“Xaalad aan caadi ahayn”, 61 – 70
Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”
“Jacayl dhiig ma lagu qoray!”, 71 – 7
|
Faalada martida
- Akhriste - 2011-03-04 02:07:11
zaynab - zaynabmahamood@yahoo.com waan idin salaamayaa. waxana idina leeya haybadsada, akhriska, buugta, ana, ogaano, oobadiya, aanuna kudadaalno, sidii,aan , dhaqankeena,uadkayno
- Akhriste - 2010-03-31 07:08:11
Ibraahin cabdi - Iicdhiif@hotmail.com Waxaan idirku salamayaa salaanta muslimka waad ku mahadsan tahiin ururinta aad ururiseen tariiqda iyo dhaqanka Waxad ku dartaan kitaabada turjuman ee diiniga ah kuma arko wax diini ah inkastoo aan ka soo galay webkan mobel aan ii sahalayn inaan wada daalacdo wahadsan tahiin
- Akhriste - 2009-03-23 02:21:38
axmed nasir - laalays04@hotmail.com marka hore salaan ,marka labaad waxaan umahad naqayaa ragga isxilqaamay ee maskaxdoodii tuujiyey dabadeed gartay in ay ufaa iideeyaan jiilka sookacaya ,marka sadexaad waxaan umahad naqayaa hogya xog ururinta bugaagta afsoomaliya ku qoran,waxaan leeyahay waad dadaasheen ilaahay haydinka jasaa isiiyo,waa nan ubaahnayn meel aan kabaadhano oo aan ka tixraacno afka yagayaga hooyo hadaanahay dhalinyarada,waanan soodhawaynaynaaa.wa bilaahi tawfiiq......
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!Faallee buuggan / Comment this book |
|
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey. Mahad badan REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section |
|
|
|
Editor Pick
|
A brilliant work co-ordinated through many continents by Rhoda A. Rage. Read it more |
|
|
|