|
Wisdom of the Day
|
...daily updates... |
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi suugaan |
|
|
|
Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran redsea-online.com |
|
|
Axmed-Keyse Cali Rooble Hal kaga dayo Tallinna Raamatutrükikoda, Tallinn, 2009 ISBN: 91-976661-4-9 -
Waa buug-aqooneed loo baahanyahay in si qoto dheer loo fahmo. Da’yarta soo koraysa waxa uu buuggani u yahay wehel ay dugsadaan, wax ka bartaan, isku dhereriyaan tusaalooyinka dhex ceegaaga buugga. Axmed-Keyse Cali Rooble, waxa uu hormood u noqday buugaagtii loo baahnaa in laga faa’iidaysto oo wax ku kordhin kara noloshaada iyo himilooyinka aad higsanayso. Waxa uu buuggani kor u qaadayaa niyaddaada, oo uu ku leeyahay ha ka caajisin hawlaha wanaagsan ee aad bilawday ama aad muddoba ku dhexjirtay. Bilawgaba waxa aad buugga kula kulmaysaa weedhahan: “Qofkasta oo bulshada ka mid ah waxa looga baahanyahay in uu dedaal sameeyo oo uu ku aado waajibka saaran, gartana waxa uu ku wanaagsanyahay, waddadeedana maro si uu wanaag adduun iyo mid aakhiroba u gaadho”.
|
|
Dadkii akhriyey waxay ka yidhaahdeen:
"Hal kaga dayo" waa hage aad u qiime badan oo ay tahay in uu qofkasta oo dhallinyaro ahi akhriyaa!
- Jaamac Muuse Jaamac
Buuggan "Hal kaga dayo" waa buug ka duwan kuwii aan hore uga bartay qoraayada Soomaaliyeed. Wuxuu marka horeba soo bandhigayaa tiirarka horumarka ee haddii uu qofku cuskado uu ku fanan karo meelo sare oo nolosha ka mid ah. Waa hal ku dhigyo xikmadeed oo uu ku xagga danbe ku xusayo tusaaleyaal u marag furaya xaqiiqnimadooda.
Maxamed Xirsi Guuleed (Abdibashir)
Da’yarta soo koraysa waxa uu buuggani u yahay wehel ay dugsadaan, wax ka bartaan, isku dhereriyaan tusaalooyinka dhex ceegaaga buugga.
Sayid M Yuusuf.
|
Faalada martida
- Akhriste - 2012-02-09 03:42:19
xayaat - xayaatii123@hotmail.com waxaan salaamaya dhamaan bahda redsea buuga aad buu uwanaag san yahay waxaan si gaar ah ugu mahadd celinayaa qoraayga buugan waxaan doonaya buug raashiin karis ah inaad kusoo biirisaan siaan uguy faaideesano dhamaan teen waad mahad san tihiin dhaman shaqaalaha bahdan iyo maamulahaba waxaan idin ku dhaafayaa asalamu caleeykum warax matu laahi wabarakaatuhu
- Akhriste - 2011-03-15 14:40:43
ZAHRA - MAAMO55@HOTMAIL.COM WALAAL WAXAAN IDIN KA CODSANAA IN AAD II TIX GALISAAN COD SIGAYGA WAXAANA RABAA BUUGA RAAXADA GUURKA IYO BARAARAHA QOOYSKA WAADNA MAHAD SAN TIHIIN QORAALADIINA WACAN WALAALAHA THANKS
- Akhriste - 2010-11-15 12:52:53
cabdinuur - cabdinuur2020@hotmail.com waxan umahad celinyaa dhamman dadkii ka qayb qatay buugan waxan ka cod sanayaa la iga siyo infromation buxa
- Akhriste - 2010-11-15 12:51:49
cabdinuur - cabdinuur2020@hotmail.com waxan umahad celinyaa dhamman dadkii ka qayb qatay buugan waxan ka cod sanayaa la iga siyo infromation buxa
- Akhriste - 2010-10-10 13:18:53
hada anigaw - shafka_571@hotmail.com waxaan marka hore salaan aad u qiimo iyo qaayo badan hawada u marinayaa qorayaasha buuga halkagadayo iyo dhamanba qorayaasha soomaaliyeed buugani waa buug ku hagaya hadaad is tiraahdo raac buugan aad baanan ugu mahad naqaya qorayaasha buuga
- Akhriste - 2009-10-24 03:55:23
Abdihakim Ahmed Abdalla - ileye705@hotmail.com anigu fikrad ahaan hal mid ayaan buugan ka odhanyaa kadib markii aan akhriyey buuga ayaan hadana waxaan isku eegay buugan iyo bulshad (
- Akhriste - 2009-10-19 10:24:00
mohiyadin - uity031@hotmail.com dhamaantii aad iyo aad baan u salaamayaa salaan qaali ah
Buugan waa buug u mihiim ad dhamaan dhalinta soomaliyeed hadaba waxaan ku Rajoweyn yahay in meelkast o magaca somalia kamuuqdo loo diro
aad iyo aad baad u mahadsan tihin waxaan aad iyo aad ugu mahdcalinayaa
qoraaga buug aad baad u mahadsan tahay walaal
- Akhriste - 2009-10-17 15:57:00
Musa - haji_musa@hotmail.com Qalinkaa wax suureeya kugu sima xagaad doontid .
Hal kaga dayo waa buugii u horeeyay ee noociisa ah ee uu qoro qore Soomaaliyeed . waana buug qiima weyn ugu fadhiya bulshada afka Soomaaliga ku hadasha siiba dhalinta maanta ee aan anigu ka midka ahay .
waxaan u hambalyaynayaa qoraagan da'a yar ee Ahmed Keyse waxaanan leeyahay ahmed hawsha xagaas ka sii wad Illaahayna ha kugu garab galo .'
Musa Dalmar
- Akhriste - 2009-10-11 11:49:39
Nimo Ismail Ibrahim - nimcoibrahim5552@hotmail.com Run ahaantii Waxaan Hambalyo Balaadhan u soo jeedinayaa Ahmed Keyse Ali, isaga oo maanta hormood u ah Dhalin badan oo somaliyeed, maanta waxaan odhan karaa Halk kaga Dayda Ahmed Kayese Ali Rooble
Nimo
- Akhriste - 2009-10-09 13:42:45
Aydurus - adruus@hotmail.com muugan waa buug aad iyo aad u fican aniga waan ka helay
- Akhriste - 2009-08-29 08:11:48
Bile Hashi/ Qoraa soomaaliyeed - bile@bile.se ninki baa yiri; hadaan shalay ogaan lahaa waxaan maanta ogahay, maanta meel kalaan joogi lahaa! Buugan waa buug waxtar weyn uleh dhalinta soomaliyeed, wuxuu xambaarsan yahay talo, digniin, wacdi, tusaale. Khibrad aad bilaash ku heli doontid
- Akhriste - 2009-07-26 10:49:31
abdiqadir dahir mahamed - abdiqadirlive@hotmail.com Anigoo ka mid ah dhalinyarada ku noo magaalada Hargeysa Caasimada Somaliland waxan aad u xiiseeya buugta iyo sheekooynka wax laga faa'iidikaro sida buugan 'HAL KAGA DAYO' waa buug caja'ib ah oo runtii aad ii dhiiri galiyay waana buugta an ilaa imka arkay ka ugu wanaagsan wuxu ku tusayaa in aad dadaal badan oo aad samaysa aad ku gaadhi kartid horumar laakiin sida dadka qaar aanad odhan maxaan samayna dalku waa bilaa shaqo,
weedhaha sida aadka ah aan ula yaabay waxa ka mida
"Ma aha in aad waxa walba haysato si aad meel saro u gaadho.Laakin waa inaad meel sare gaadhaa si aad wax walba u heshid.
by.Abdiqadir Dahir Mahamed
abdiqadirlive@hotmail.com
Hargeisa Somaliland.
- Akhriste - 2009-07-05 07:39:02
Ahmed-Keyse - ahmed.roble@gmail.com Waad mahadsantihiin saxiibayaal, faaladiinan qiimaha lehna waan idinka gudoomay. Waxaan dhamaan bulshada u rajeynaynaa wanaag waara.
- Akhriste - 2009-07-02 09:23:35
Ahmed Ali Kahin - awcalir@hotmail.com scwr salaan qaaliya kabacdi aad iyo aad baan ugu farxay buugan gaar ahaan magaca iyo Qoraaga oo aan sifiican u garanayo Ahmed kayse runtii waan ka filaayay buugaas iyo Qaar ka sii qiimo badanba NB: maan akhriyin buuga balse sxbkay ayaan jeclaystay in aan farxada la qaybsado mahadsanidiin WSCWR
- Akhriste - 2009-06-29 13:13:49
Maxamed Aadan Tarabbi - tarabi07@hotmail.com Waxaan Aaad Ugu faraxsanahay inaan akhriyo buug uu qoray shaqsiyad aan aqoon fiican u leeyahay runtiina igu abuuray dhiiri galin iyo niyad wanaag Axmed Ali Rooble ka hore akhrinnaye ka labdd noo soo dadaji!
- Akhriste - 2009-06-21 01:46:35
Muktar Bashir Mudey Artist & Graphicdesigner - mbmudey8@yahoo.com WAXAAN AAD U JECLAADAY HALKA AAD HAWSHA SOOMAALIDA WAQTIGAN LOO HAYO AAD KA ABAARTEEN,.. WAANA WAX JIILKA HADDA JIRA AY BAAHI U QABAAN WADA WAX QORISTA, TV Ayaan iminka idinka soo daawaday, NINWALIBA WAXA UU KU SIFOOOBO TAARIIQDA AYAA XUSI DOONTA, MAHADSANIN
- Akhriste - 2009-06-21 01:29:59
Muktar Bashir Mudey Artist & Graphicdesigner - mbmudey8@yahoo.com WAXAAN AAD U JECLAADAY HALKA AAD HAWSHA SOOMAALIDA WAQTIGAN LOO HAYO AAD KA ABAARTEEN,.. WAANA WAX JIILKA HADDA JIRA AY BAAHI U QABAAN WADA WAX QORISTA, TV Ayaan iminka idinka soo daawaday, NINWALIBA WAXA UU KU SIFOOOBO TAARIIQDA AYAA XUSI DOONTA, MAHADSANIN
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!Faallee buuggan / Comment this book |
|
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey. Mahad badan REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section |
|
|
|
Editor Pick
|
A brilliant work co-ordinated through many continents by Rhoda A. Rage. Read it more |
|
|
|