|
Wisdom of the Day
|
...daily updates... |
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi suugaan |
|
|
|
Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran redsea-online.com |
|
|
Xasan Cabdi Madar iyo Axmed Aw Geeddi Riyaaq - Ciyaaraha iyo heesaha carruurta n.a., Nayroobi, Kenya, 2009 ISBN: 9966-7059-4-5 - Qiimaha: 10.00Euro
Dhiganahan oo lagu soo ururiyey tiro door ah, inkastoo aanay ku dhammayn, oo heesaha iyo ciyaaraha carruurta ah, ujeeddada laga leeyahay waxa weeye in dib loo soo
nooleeyo aqoontan oo la baro carruurta dhaqankii iyo noloshii
ummadooda u gaarka ahaa si aanay ugu libdhin dhaqan aanay
ab iyo isir u lahayn. Inkastoo heesahani ku salaysnaayeen
dhaqankii miyiga iyo reer guuraaga haddana in badan oo ka
mid ahi waa kuwo dib loo soo noolayn karo oo la jaanqaadi
kara nolosha magaalada.
Dhinaca kale buugga ama dhiganaha waxa barbar socda
cajalad maqal iyo muuqaal ah oo lagu daawan karo ama lagu
dhegaysan karo aaladaha kombuyuutarka iyo Fiidyowga.
Cajaladda waxa laga daawan karaa heesihii oo carruurtu
qaadayso ama ciyaarihii oo ay ciyaarayaan.
Order it now |
|
Xasan Cabdi Madar waa qoraa buugaagtiisu ay sannadahan danbe wehel u noqdeen bulshada noocyadeeda kala duwan, muhiimad gaar ahna siiya reerka (carruurta, guurka, wada noolaanshaha). Axmed Aw Geeddi waa suugaan yahan heesihiisu ay madadaaliyaan ummadda wacyigelin badanna siiyaan. Labada qoraaba waxay deggan yihiin Hargeysa, Somaliland. |
Faalada martida
- Akhriste - 2012-08-01 00:11:03
nimco - omin101@gmail.com walaal sidee baan u helayaa buugan ama sidee baad iigu soo dirikartaan anoo maraykan jooga.
- Akhriste - 2010-01-24 03:05:03
mahad - mahadrooble@hotmail.com waad ku mahad sathiin soo daabacitaan kiina sheekadaan
- Akhriste - 2009-08-23 08:24:30
cabdirixiim buuni - cbuuni5@gmail.com buugan oo ah run-ahaantii buug aad iyo aad u qiiimo badan ayaa waxaa uu isoo xusuusiyay ciyaarihii iyo sheekooyinkii barigii aanu yar-yarayn taas oo aad iyo aad ugu qiimo badan bulshadeena dhexdeeda iyadoo imika ay meesha ka baxday ciyaarihii iyo sheekooyinkii baryihii hore la samayn jiray,waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa labada qoraa ee buugan qoray kuna xusan xalka sare Ee uu buugu ku yaal ,
waxaanan soo jeedin lahaa,in dadkeenan kalena aynu sidaas iyo si leeg u uruurino sheekooyinkeenii hore
wslmc
buuni
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!Faallee buuggan / Comment this book |
|
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey. Mahad badan REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section |
|
|
|
Editor Pick
|
A brilliant work co-ordinated through many continents by Rhoda A. Rage. Read it more |
|
|
|