|
Wisdom of the Day
|
...daily updates... |
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi suugaan |
|
|
|
Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran redsea-online.com |
|
|
Xasan Cabdi Madar Hiil - Waayaha dadka la hayb-sooco Ponte Invisibile, Pisa, 2010 ISBN: 88-88934-15-4 - Qiimaha: 12,80Euro
Waa buuggii saddexaad ee taxanaha Curisyo. Waxa uu Xasan Cabdi Madar kaga hadlayaa waayaha, dhibaatada iyo jiritaanka ummadda la haybsooco ee qabiil lagu haybsooco ee ku dhex nool bulshadeenna.
Order it now |
|
Buugaagta kale ee uu qoraagu hore u qoray waxay yihiin:
- Cadaabtii Ifka
- Qalbu lula
- Jacaylkii shanta qaaradood
- Ninkii helaa nasiib leh
- Maad barane ha u bogin
- Nabaadiino
- Barbaarsame: barbaarinta iyo toosinta ubadka
Xasan Madar wuxuu deggan yahay Hargeysa, halkaas oo laga soo bilaabo 1996 kii waqti ku qaadan jiray dhinaca qoraallada sheekooyinka gaagaaban iyo qormooyin taxane ah oo kuu soo bixi jiray wargeysyada Xorriya, Jamhuuriya, Codka Hargeysa, Dhambaal iyo Maandeeq. |
Faalada martida
- Akhriste - 2012-02-08 01:08:55
Khalid - khaalid_45@hotmail.com s/c?
salaan kabacdi dhamantiin wad mahadsantiin idinka iyo qoraayaduba
waxan yaro xiisan laha in lay tilmaamo meel an ka heli karo qoraa :xasan madar buugag tiisa ayaan rabi lahaa
mahad sanidiin
- Akhriste - 2011-05-23 01:53:42
cabdixakiin maxamed cabdi - inagujis_5@hotmail.com runtii aad ayaan u akhriyay buuga. waxaanan aadu mahad celinaya qoraaga qoray buugan oo aan odhan karo wax ay umadeenu xumaan u aragto ayuu dhabarka u ritay.
waxa uu buugani igu dhaliyay in aan dadkan la xidido si kasta oo ay ahaato. lkn waxaan qoraaga doonayaa in aan waydiiyo hadii inan lagaa siiyo beeshan sharafta leh sideed u aragtaa?
- Akhriste - 2011-04-17 12:48:39
Jamal - Jamalyare21@hotmail.com Waad mahadsantihiin walaale inta kadib waan sodaweyna
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!Faallee buuggan / Comment this book |
|
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey. Mahad badan REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section |
|
|
|
Editor Pick
|
A brilliant work co-ordinated through many continents by Rhoda A. Rage. Read it more |
|
|
|