|
Wisdom of the Day
|
...daily updates... |
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi suugaan |
|
|
|
Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran redsea-online.com |
|
|
Maxamed Yusuf Abdi Caado iyo Carruur Qoraaga ayaa daabacay, The Hugue, 2006 ISBN: -
Waxa jirta carruur badan oo wadankooda hooyo debedda kaga nool, afkooda hooyana aan wax badan ka aqoonnin, una baahan inay helaan waxyaabo ka caawiya dhibaatada dhinaca afka hooyo iyo dhaqanka ka haysata. Waxa kale oo jira dhibaato haysata hooyooyinka jiilka cusub, kuwaas oo ay ka maqan tahay sida ilmaha yar loola sheekaysto ee loogu abuuro kalgacalka iyo jacaylka waalidnimo. Haddaba buuggani wuxuu gacan ka geysan doonaa sidii looga bixi lahaa ama loo khafiifin lahaa dhibaatooyinkaa qoyska maanta hor yaal, siiba ka qurbaha ku nool.
Dad badan oo ka mid ah aqoonyahanka dunida ayaa xaqiiqsaday in ilmaha aqoonta u leh dhaqankiisa iyo afkiisa uu dhaqan ahaan iyo waxbarasho ahaanba kaga fiicnaado ilmaha aan waxba ka ogeyn dhaqankiisa iyo afkiisa.
|
|
Maxamed-kayse wuxu ku dhashay abbaaro 1965 tuulada
Dabagorayaale oo dhinaca koonfureed kaga beegan Hargeysa.
Tacliinta hoose-dhexe wuxu ku qaatay magaalada Burco,
tacliinta sarena Xamar. Maxamed 1986kii wuxu ka mid ahaa
arday tiro badnayd oo dugsiyada sare ka soo baxday oo imtixaan
u gashay waxbarasho ay iska kaashadeen Akadeemiyaddii
Cilmiga Iyo Fanka Soomaaliyeed iyo Jaamacad Talyaani ah.
Wuxuu qoray
dhawr buug sida buugga Jidka Nabadda, buuggan Caado Iyo
Carruur iyo dhawr buug oo kale oo aan weli dadweynaha hor iman
sida buugga Rubuc Qarni, Xil Iyo Xaawaley iyo qaar kale oo uu
weli gacanta ku hayo.
Maxamed-kayse wuxuu hadda degan yahay oo uu wax ka bartaa
dalka Holland.
Buuggani casharka uu bixinayaa waa mid qofka yar ee carruurta ah u gudbinaya xog liilan oo dhadhan leh, qalbiga qofkana ku hoggaaminaysa inuu wax ka sawirto raadad ka mid ah nolosha bulshadiisa.Waxa kale oo buugga laga dareemayaa sida Soomaalidu qaniga ugu tahay maaweelooyinka iyo murtida carruurta.
Waxyaabaha buuggan ku qorani waa qaar salka ku haya caadada iyo sooyaalka soo jireenka ah ee ku wajahan barbaarinta carruurta iyo aqoonta facaweyn ee Soomaalidii hore u lahayd korinta iyo horumarinta garaadka ubadka.
Waa hubaal in hooyadii iyo aabbihii hore uga aqoon badnaayeen waalidiinta cusub ee maanta habsami u korinta carruurta. Waxa hooyadu u sheegto ilmaha aabbuhu wuu garab joogsan jiray, hooyaduna sidoo kale kama hor iman jirin talada iyo waanada aabbaha. Sidaa darteed figradda midaysan ee waalidku waxay udub dhexaad u tahay hagista dhabta ah ee mustaqbalka ilmaha.
Caado Iyo Carruur waxa loo diyaariyey in waalidiintu adeegsato, kana dhigato saaxiib isku soo dhaweeya ilmaha iyo waalidka. |
Faalada martida
- Akhriste - 2010-04-12 03:56:11
Amran - amran52@hotmail.com Hello, Amran u r so sweet baby
- Akhriste - 2008-04-08 07:48:29
nuuney - amran52@hotmail.com waan kahaley buugaan wuxuuna leeyahay waxyaabo muhiimah i love it it rocks ma world .
- Akhriste - 2007-02-08 05:33:49
sahro ali ismaan - sajlii@hotmail.com run ahaan tii buugaan waa buug aad u, xiiso badan hadana laga faa iidaysan karo waxyaalo badan wayo sida aniga oo ah hooyo cusub misna aan waxba ka aqoon ilmaha xuquuq dooda ayaa hada waxaan bartay sida ilmaha xaquuqda eey leeyihiin marka waxaa mahad leh dadkii isku soo duba riday & qoraaga buugaan mahadsanidiin !!!!!
- Qoraaga - 2006-08-05 16:18:49
sharmaka hussain - cartan_13@hotmail.com waan akhriyay buugan waana buug qoraalkiisa aan aad ula dhacay waxa ku jira wax badan oo loo baahana in laga hadlo
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!Faallee buuggan / Comment this book |
|
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey. Mahad badan REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section |
|
|
|
Editor Pick
|
A brilliant work co-ordinated through many continents by Rhoda A. Rage. Read it more |
|
|
|