|
Wisdom of the Day
|
...daily updates... |
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi suugaan |
|
|
|
Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran redsea-online.com |
|
|
Maxamed Yusuf Abdi Jidka Nabadda Qoraaga ayaa daabacay, The Hugue, 2006 ISBN: -
Buugga Jidka Nabadda wuxuu qoraagu si qoto dheer oo cilmiyeysan ugaga faallooday farqiga u dhexeeya qabiilka iyo qabyaaladda, waxaan odhan karaa wuxuu qoraagu daaha ka qaaday xaqiiq dhab ah oo aan hore loo fahmin. Wuxuu si geesinimo leh ugu badheedhay inuu ku dhiirrado kala soocidda qabiilka iyo qabyaaladda oo dadka badankiisa iskaga murugsan. Wuxu ku dadaalay inuu soo bandhigo aragti cusub oo dadka ku hagaysa dariiqa dhabta ah. Waxa kale oo uu si garasho ku dheehan tahay u sharxay qaybaha qabyaaladda iyo waxa qabyaaladi tahay, isagoo ku dadaalay inuu geed ku xidho isla markaana fanteeyo waxa qabyaaladda loo yaqaan. Wuxu qoraagu qabyaaladda ku tilmaamay cudur aanay keenin deris-ku-noolka bukaan keentada ahi.
|
|
Maxamed-kayse wuxu ku dhashay abbaaro 1965 tuulada
Dabagorayaale oo dhinaca koonfureed kaga beegan Hargeysa.
Tacliinta hoose-dhexe wuxu ku qaatay magaalada Burco,
tacliinta sarena Xamar. Maxamed 1986kii wuxu ka mid ahaa
arday tiro badnayd oo dugsiyada sare ka soo baxday oo imtixaan
u gashay waxbarasho ay iska kaashadeen Akadeemiyaddii
Cilmiga Iyo Fanka Soomaaliyeed iyo Jaamacad Talyaani ah.
Wuxuu qoray
dhawr buug sida buugga Jidka Nabadda, buuggan Caado Iyo
Carruur iyo dhawr buug oo kale oo aan weli dadweynaha hor iman
sida buugga Rubuc Qarni, Xil Iyo Xaawaley iyo qaar kale oo uu
weli gacanta ku hayo.
Maxamed-kayse wuxuu hadda degan yahay oo uu wax ka bartaa
dalka Holland. |
Faalada martida
- Akhriste - 2007-01-09 02:54:18
ahmed caato - ahmedyuusuf1@hotmail.com waxaan rabaa innaan ka qayb qaato buugga
- Akhriste - 2006-12-16 00:29:06
idiris Muuse - cutemmaner@yahoo.com buugani waa buug qiimo wayn leh wax weyna u tari doona bulshada.
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!Faallee buuggan / Comment this book |
|
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey. Mahad badan REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section |
|
|
|
Editor Pick
|
A brilliant work co-ordinated through many continents by Rhoda A. Rage. Read it more |
|
|
|