|
Wisdom of the Day
|
...daily updates... |
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi suugaan |
|
|
|
Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran redsea-online.com |
|
|
Bile M Hashi Sidey noqonba mooyee! swesom, Stockholm, 2005 ISBN: 91-974986-1-0 -
Heesti baa aheyd; Afka lagama sheegtoo, Adigoon jaceyl arag, Looma uurxumaadee! Ruqiyo waxay Rooble jecleyd ilaa berigey yaryaraayeen. Xitaa haduu calafku labadooda isku diiday oo uu ka guursaday saaxiibteed waxay u sheegeysaa; Hadii jaceyl uur lagu yeesho Rooblow maanta caruurtaan kuu hayo tiro ma ogi balse da’doodu waa qaangaaro.
Markii gurigiisa lagu dilo Erik Malmberg oo xaakin ka ah maxkamada degmada Göteborg waxaa la soo xirayaa Cismaan (31 jir) iyo Askar (29 jir), oo ay jinsiyadoodu soomaali tahay oo dembigaas lagu tuhmayo. Rooble wuu u turjumayaa.
Ruqiyo, gabar soomaliyeed oo u dhaxda wiil ajnabi ah wuxuu ka afduubanayaa labadii caruur oo ay u dhashay. Markuu wadankiisa ula baxsado caruurti waxay Ruqiyo liideysaa caawinaada ay ugu jiraan booliiska iswiidhen si ay ugu soo celiyaan caruurteeda, waxeyna maciin weydiisaneysaa yaakale; Rooble.
|
|
Bile M Hashi wuxuu ku dhashay Soomaaliya sanadkii 1971, wuxuu ku nool yahay laga soo bilaabo sanadki 1987 wadanka Sweden. Waxuu kala turjumayay afafka swedhishka iyo soomaaliga tobankii sanee ugu dambeeyey. Wuxuu ka qalin jabiyey jaamicada ingineeriya sanadkii 1998, wuxuuna markiiba ka shaqo galay shirkada Volvo. Wuxuu kaluu arday maanta ka yahay Jaamicada Göteborg University qeybta culuunta siyaasada. |
Faalada martida
- Akhriste - 2008-12-18 16:53:52
shukri - shankaroon_05@hotmail.com hestaa waa xaaram iska dhaaf nin yahow
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!Faallee buuggan / Comment this book |
|
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey. Mahad badan REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section |
|
|
|
Editor Pick
|
A brilliant work co-ordinated through many continents by Rhoda A. Rage. Read it more |
|
|
|