|  | 
 
 
 
 
Wisdom of the Day 
	
		|  |  
		|  | ...daily updates... |   | 
Qalinkaa wax suureeya,Kugu sima halkaad doonto,
 Saaxiib kal furan weeye,
 Sunto fara ku hayntiisa,
 Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi
 suugaan | 
 |  
 
 |  | | | Ogaysiis: Naadiga Timacadde - Gebilay Bandhigga Buugga Labaad ee Naadiga Akhriska Timacadde-Gabiley.
 
 | 
 | 
 Naadiga Akhriska Timacadde (Timacadde Readers Club - TRC) waxa uu ku wargalinayaa Dhammaan Bahwaynta akhriska jecel in uu naadigu kuu soo Bandhigi Doono Buuggii Labaad habeenka uu Jimcuhu soo galayo ee ay taariikhdu tahay  03/12/2009. Buugga la soo bandhigi doono ayaa ah buugga uu qoray  Xasan Cabdi Madar oo magaciisu la yidhaahdo "Nabaadiino". Buuggaasi oo si qoto dheer uga hadlaya tacadiyada inta badan lagu kaco dadka iyo duunyada.
 
  Magaca buuggu waa: Nabaadiino.
 
 Waxa soo bandhigi doona: Mahdi Sheekh Cabdi.
 
 Taariikhda: 03/12/09
 
 Wakhtiga: 7:00 PM
 
 Goobta: Hoolka Dawlada Hoose ee Gabiley
 
 Qoraaga Buuga: Xasan Cabdi Madar
 
 Timacadde Readers Clup (TRC) waxa uu dhiiri galinayaa cid kasta oo jecel inay Wax akhrido, buug Soo bandhigto, kana qayb qaadato wacyi galinta Dhallinyarada iyo Dhaqanka Suuban.
 
 
 Ka soo Qayb galkaagu waa muhiim, dhawrida waqtiguna waa astaan ilbaxnimo oo adiga kuu gaar ah.
 
 
 Siciid Khadar Cabdillaahi
 
 Timacadde Readers Club
 
 timacaddereaders@hotmail.com
 Timacadde readers club Contents published on: 2009-12-02 (30490 reads)Copyright © by redsea-online.com. All Right Reserved.
 
 
 |   |