header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Isha Qarsoon(IQ): Ku eeg Hargeysa, baabuurta, jidadka iyo dadka.

Indhacadde(maaha Janaraalkii aan walaayada ahayn) waa baabuur buuxdhaafshay Somaliland. Waa Toyoote loo abuuray xarragada iyo raaxada qof in yar ladan taajir is nacay se aan ahayn. Waa iswade aan kilaysh lagu hawshoodo lahayn, shukaantu waa mululukh aad mooddo in aanay meel na ba ku xidhnayn. Muraayad kasta oo baabuurku leeyahay waxa dallacaya, fadhiisinaya, riixaya ama maroorinaya maayad dab(laydh) oo caag yar oo aad riixdaa kaa xigo.

Indhacadde(maaha Janaraalkii aan walaayada ahayn) waa baabuur buuxdhaafshay Somaliland. Waa Toyoote loo abuuray xarragada iyo raaxada qof in yar ladan taajir is nacay se aan ahayn. Waa iswade aan kilaysh lagu hawshoodo lahayn, shukaantu waa mululukh aad mooddo in aanay meel na ba ku xidhnayn. Muraayad kasta oo baabuurku leeyahay waxa dallacaya, fadhiisinaya, riixaya ama maroorinaya maayad dab(laydh) oo caag yar oo aad riixdaa kaa xigo.


Baabuurka sidaas u xarragada iyo taxtaxaashiska badani wuxuu haystaa jidadka boodhka, godadka, iyo iftiinxumada badan ee Hargeysa. Boqornimadii sharikadda Jabbaaniisku u hibaysay asalkiisii hore aad buu hadda uga arag iyo itaal xun yahay. Waa jab finiin ka hadhay uun ee baabuur kale waa hore ayuu tarraq wadhi lahaa, isagu se waa iska tugtug leeyahay. Masaafadda ciiddaas iyo camaarkaas ka badan ee uu gooyay kolka laga tago waxa hafiyay oo shooladdiisa iyo ib kasta ba aabudhay boodh.


Kaas baa $25 doollar oo maalin walba ah lagu kiraystaa, inta iibsatay na isla maroorisaa. Waxa waxaas oo dhan ka sii daran bac nacdali kortay oo mugdi ka dhigaysa arraggii baabuurka ayaa muraayad walba laga dhejinayaa, xitaa ta hore iyo ta dambe. Dhanka hore kala badh ayaa muraayadda qarsoon, dhinaca dambe se waa agaraa dam.


Jidadku waa abbahood goblan, Ingiriiskii Juun, 1960kii ka hulleelay waxa uga dambeeyay oo kabkabay Bile Rafle Guuleed, cid kale oo wax la taaban karo ku biirisay ma jirto. Waa wada god iyo haadaan qodan. Waxa sii dheer xashiishka dhex tuulan ee aad buuraha mooddo, kaas oo aad habeen walba arkayso dad fadhaya, kala haadinaya, marar na kolba gees u raraya. Markii iigu horraysay waxa aan u qaatay inay xashiishka guraan oo fogeeyaan, waxa se kol dambe danni iga galay in ay dar ku nool qashinka fadhashadiisa yihiin.


Dadku laami canjilahaas aynu soo tilmaannay ayuu isagu na lugeeyaa, temeshleeyaa, had ba gees u taxtaxaashiyaa. Lo', riyo is dhalay oo waxarihii ka daba jalaadayaan, ido naylahoodii wata, ey qaarkood cudurro cadho u eg qabaan, daayeero dabadoodu si aan caadi ahayn u weynaatay oo aan danniyay in cudur wehesho, intaas iyo kollay in kale oo ili ma qabatay ah oo wehelisa ayaa jidadkaas adiga iyo Toyootahaagii qonnoshta ahaa kugu wehelinaaya.


Kol haddii baabuurkii indhasaab iyo candhasaab loo geliyay, adiga na lagu dhexdhigay jidkii na kaas aan soo tilmaamay yahay waa tab iyo xeeshaa sida aad uga dabbaalataa.


Dabbaashay mooyee waan ku talaxtegay, si yar iyo si weyn tan iyo 12kii Julaay waxa aan suuqyada Hargeysa iyo xaafadaheeda ba dhex toocinayay Toyootahaas indhashareeran.


Mucjisooyinka aad arkayso waxa ka mid ah cidhbo iyo gondo dad oo baabuurta ogaan loogu dhigayo. Waxa maalin dhowayd si ula kac ah, oo aan u qaatay car i taabo ii hormaray nin da'diisa aan ku qiyaasay ilaa lix iyo konton. Wuxuu si dheeldheelli ah ugu tukubayay bakoorad raasbaraas ah. Kaasi inuu xaq iska doonayo shaki kaaga ma jiro ayay naftaydii i fartay. Daqiiqado yar ka dib waxa sidii oo kale isu kay hor gudubtay gabadh aan ku qiyaasay 20 jir, bilic iyo muuq loo dhammeeyay, sida ay u lebisan tahay aad ashqaraarayso. Tafta dirica intay si istusnimo leh uga buuxsatay, googarad casuus leh na raacisay, oo kubab cuddoon muujisay ayay sidii daa'uuska baabuurkii isu hor leexleexisay. Bal haddii uu baabuurku jiidho, luguhu burburaan, curyaan ay noqoto xaq na baabuurka wadihiisa looga soo qaado maxaa faa'iido ugu jirta ayaan isweydiiyay. Ma aha mawduuc Hargeysa lagaga hadlo, in baabuurta la isu dhigaa waa hiwaayad u gashay magaalada halkii kubbaddii kolayga ee ay Burco ka badin jireen ugu jiri jirtay. Waad arkaysaa, dareemaysaa, kuu muuqanaysaa in is hor lulka baabuurtu tahay xirfad la barto, loo soo hiloobo, wakhti iyo dedaal badanna la geliyo.


Jidadku iftiin hagaagsan ma leh, waana muush cammiran oo dhengedda kor loo tuuraa qof madaxa kaga dhacayso. Marka baabuur ciiddaas ka badan lagu soo dhexdaayo dadkaas faraha badan ee soo adeegsi, jimicsi, dewersi iyo boob tegay ee laydhkii indhacadde iyo laambado diciif ahi isku dhacaan waxa kuu soo baxaya hadhadh farabadan oo is hor iyo daba weydaaranaya. Kolka aad muraayad bac madow lagu dhejiyay ka soo dhex eegta na kala garanmaysid lugihii dadka ee dhabta ahaa iyo kuwii hadhka ahaa. Wade xariif ah oo aan arrintaas ismoodsiiska ah kala tashaday ayaa igu yidhi iskaga yara guji oo haddii waxa higtu ka yeedhay qofkii dhabta ahaa noqdo waxaad ku tidhaahdaa “hadhkaagii ayaan ku moodayay”

Cabdillaahi Cawed Cige, Hargeysa Somaliland edleh@hotmail.com

Isha Qarsoon

Contents published on: 2011-08-27 (800 reads)
Copyright © by redsea-online.com. All Right Reserved.