header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


HIBO HIIL WAYDAY (1)
GABAYADII DHIRTA IYO XAYAWAANKA EE CALI MOOGE GEEDDI

Waa qoraallo taxane ah oo uu Maxamed Xirsi Guuleed (Cabdibashir) ka diyaariyey suugaantii Cali Mooge.


Gogoldhig


CALI MOOGE GEEDDI waa hal-abuure aan isaga oo kale la arag lana maqal, haddeerna inaga hooseeya. Suugaantiisa oo sida la ii sheegay ah badweyn aan qoorri lahayn, waxan ka arkay shan maanso oo afar ka mid ahi gabayo yihiin ka shanaadna Jiifto. Waxay kala yihiin shantaas maanso:


1- Gole joog (gabayga xayawaanka)

2- Qalin ma koobaan (gabayga dhirta)

3- Tiknolooji bay dhibay (maansada Soogurka)

4- Maqaarsaar (gabayga shinnida)

5- Gabayga Waraabaha (Riwaayad ayaa laga metelay)


Shantaas gabay oo keli ah qofka akhrista ama dhegaysta, waxay ku ridayaan amakaag ay kaga ashqaraaraan Maskaxda Cali Mooge Geeddi. Haddii aanay igu soo horrayn lahayn aqoonta diinta iyo fahanka caqiidada saxda ah, waxan moodi lahaa in abwaankan la weheliyo. Waan hubaa in dad badan oo suugaanta Cali Mooge dhuuxay ay sidaas isku qanciyeen. Isaga qudhiisa ayaad mooddaa in uu dareen noocaas ah qabo, sida ka muuqata bar-bilawga gabayga Gole-joog. Bal u fiirso marka uu leeyahay:


GARAB-DAAR abwaan lagu boqroo, Guul sitaan ahaye

Inta gabaygu shaydaan u yahay, Gaax dhan baa maqane

Weligay iskuul iyo ma gelin, Gole talaamiide

Ama gacanta weedh aan ku qoray, Aadmi ma hor geyne

Gu`gayguna ma weynee Allaa, Gaadhka ii diraye.

Jirrid waxaan ka soo go’ay intuu, Waalid ii galaye.

Ninka tayda gaasira ayaan, Tiisa gudhiyaaye

Taariikh la gawdh-gawdhaybaan, Guudka ka ka cadh´ayne.

Geyigayga maan soo bandhigo, Haba gabnoobaane



Aniga iyo Cali Mooge Geedi

Cali Mooge Geeddi lama aan kulmin weligay. Xiitaa ma aqoon inuu jiro, ilaa aan ka daawaday cajal video ah. Cajalkaas waxa ku jiray barnaamijyo kala duwan oo dalkii hooyo ka sheekaynaya. Sidii aan u daawanayey ayaa waxa ka soo baxay cajalka dhalinyaro soo bandhigaysa ciyaaro u badan qalaama-rogad, is dul-korkorid, biiti iyo bardoodan kale. Waxa dhalinyaradaas magacooda la iigu sheegay HACAYOCO. Goobtuna waxay ahayd fagaaraha bannaan ee khayriyadda Hargeysa. Sidii aan ugu dhaygagsanaa wacdaraha dhalinyaradaas, ayaa waxa ka soo dhex muuqday nin isaguba dhalinyaro ah oo dadka meesha jooga oo dhan waydiinaya inay sheegaan magaca xawayaan ay yaqaanniin. Isaguna wuxu ballan-qaadayey in uu gabay ku tilmaamayo xayawaankaas. Dadkii ayuu qofba magac xayawaan sheegaa, markaas ayuu Cali Mooge ku tilmaamaa xawaaankaas gabay ku socda xarafka ”G”, isaga oo weliba raacinaya dabeecad ama sifo uu xayawaankaasi leeyahay.


Af kala qaadkii ay ku ridday dadkii uu dhextaagnaa, mid ka daran ayey igu ridday anigaygii daawanayey cajaladda Video-ga ah. Bal hadda ila yara fiiri waxan aan ka hadlaayo si aad dareenkayga iila wadaagto.


1- Eeg marka uu ka hadlayo xawayaanka waaweyn ee ku socda afarta lugood:


Shanta guunyo loo agabaree, galab la soo hooyo

Maroodiga gondaha weynleh iyo gacanka foolkiisa

Wiyil ganafka taagtiyo Halgeri, gob iyo caartiifle

Gisi waalif kaymaha Gardool loogu geli waayey

Faraw gaadda-naaxiyo Gunburi, gar iyo xiisaan leh

Saryan gooni daaqiyo Biciid, geesku hadhinaayo,

Garanuug Maraa daaq ah iyo, Goodirkiyo Siigga………………….
halkaas kas ii wad



2- Haddana akhriso marka uu ka hadlayo, xawaanka bogga ku socda:


Afaryo-addinley geedka lulan gebiga jiilaalka

Dabagaalle goojada metela geela rimaydiisa

Iyo Soogur geedaha dhammaan guulle fahansiiyey

Jirjirroole gabangaabsi iyo midab la guurguura

Jilbis daba gamuuriyo Abguri gaatir jidhifoobay…………….
Halkaas ka sii wad



3- Bal qoonkan kalena ka fikir waxa ay yihiin:


Oday geeli-waa iyo intii guud ku jidhifley ah

Ciirlula guhaankiyo wakhtiga guga tilmaamaysa

Ursatiyo, Dameer-geesaliyo, Buurya-jabis gaara

Macooyada sidii biri-magey ubadku gaar yeelay

Iyo goobxun-joog kaba-biroo godob la rooraysa……………
halkaas ka sii wad



4- Haddana shimbirihii iyo baallaydii ayuu u gelayaa:


Xuur golongol dheer oo lafaha gudub u siibaysa

Geel-toosiyaha guuxa iyo Gibil raqdii jooga

Garbajebiye Qoormuruxa iyo Gudur kulaanbey ah

Baqayaha xiniin geesinimo gaar isaga sheegtay

Galaydhkiyo shimbiralaayahoo galangal shaywaalleh

Yili gaaf-wareeg iyo dakano goor walba u taagan ………………….
Haba joojin



Sida aan gadaal ka ogaaday, marka uu abwaanku dhammaystiro xayawaanka qaybtii isku bah ahba, wuxu dhextaal ka dhiganayaa ereyadan qiimaha badan:


Afartaa wax layskuma guntee, gooni ma u joojay,

Wax garaadku soo ururshay iyo dad i gargaaraaya

Intaan garab maraayaa ka badan, gool yartaan sugaye,

Gurgurrada illaahay cayimay, tiro ma gaadhsiine (allahu- akbar)

Inta waajib ruux gudan karaan, giriftamayaaye,

Ma goblamo dhaqaaluhu intaan, geeri moogahaye,

Tu kaloo geyigu leeyahaan, soo gudbinayaaye,

Ma gefine waxaan garanayaan, kuu godlinayaaye,

Gaawaha u sii cula murtidu, yaanay gaagixine.





Intaasi waa deecaamin uune, wuxu Cali Mooge meeshii (fagaarihii khayriyada) ku soo bandhigay wacdaro. Aniga oo aan daawashadii Video-ga ka kicin ayaan doonay in aan ninkan helo xogtiisa oo faahfaahsan. Wakhtigu waa sanadkii 2002 ama ka horba. Isla sanadkiiba waxa magaaladii aan degenaa noogu yimid nin waddankii ka soo haajiray oo noo sheegay in uu ka tirsanaa aasaasayaashii hay´adda HAVAYOCO ee Cali Mooge Geeddi la socday markuu gabaygan tirinayey. Dabadeena waxan ka waraystay ninkan gabayga xayawaanka tiriyey in uu yaqaanno iyo in kale. Wuxu ninkii ii sheegay inuu si fiican u yaqaanno, welibana ay saaxiibo yihiin. Magaciisa iyo xogo kale oo dheeraad ahba wuu iga siiyey. Ninkan aan ka hadlayaa waa nin lagu magcaabo Maxamed-xabiib oo beri dambe noqday badhi-saabka gobolka mustaqbalka soo socda, ee Gabiley.



Wakhtigaas laga bilaabo wuxu cali Mooge Geeddi noqday shakhsi aan badh-aqaanno, isla markaana aan daneeyo warkiisa. Ilaahay wuxu ii qaddaray in aan Hargeysa tago december 2002. Markaa waxan isku dayey in aan la kulmo shakhsiyaddan mucjisada ah. Laakiin nasiib darro waxa la ii sheegay war ka dhignaa in aanan weligay ifka kula kulmi doonin. Cali Mooge Geeddi wuxu dhintay dhawr bilood ka hor wakhtigaas aan raadinayey. Alle ha u raxariisto. Aamiin.



Ha iskeen baro Cali Mooge Geeddi
Sida la ii sheegay Cali Mooge Geeddi wuxu ahaa nin reer magaal ah oo ku koray dalka Jabuuti. Waxa laga soo wariyey in uu yidhi, weligay baadiye kumaan nagaan wax ka badan 6 bilood. Sidaas waxa iiga soo wariyey wadaad abwaan ah oo lagu magacaabo Cabdicasiis Ibraahin-jabane Cali-jabe oo ku magac dheer ”Garaad-maal”. Sidaas oo ay tahay xaqiiqadu, haddana waxad moodda qof weligii kaymaha ku dhex noolaa. Wakhtiga uu geeriyooday wuxu u eegaa nin ku jira da´da u dhaxaysa 30-40.
Dhinaca kale wuxu abwaanku inoo sheegayaa in aanu soo dhigan wax iskuul ah. Taas oo aanu qaadan karin caqliga qofka suugaantiisa dhuuxa. Ma idinla tahay in aanu ninka sidan u hadlayaa iskuulba dhigan:

Adduunyada gariirkii ka dhacay, Ged aan la koobaynin.

Geyiga Ustareeliya intii, Gacan khaliijaada.
Gasiirado Malgaash iyo markay, Ciiddu kala guurtay.

Gurxankii badweyntay Hindiya, Bari u goosmeene

Gurmad iyo mahiigaan gudgude, Gaabshe ololkiiye.



Abwaanka aragtida noocaas ah sharraxayaa wuxu ina leeyahay:

Weligay iskuul iyo ma gelin, Gole talaamiide

Ama gacanta weedh aan ku qoray, Aadmi ma hor geyne




Hadalku yaanu ila taraarine, maad i joojisaan. Dhega! Oo sawnigan idin daalshayba. Waxan rabay uun in aan idinla wadaago labada gabay ee midna uu kaga hadlayo Xayawaanka midna Dhirta. Labadaas gabay oo keli ah ayaa inaga dhargin kara qofka uu ahaa Cali Mooge Geeddi. Marka aad intaas ila aragtaan ayaad ila qiri doontaan inay hibadii Cali Mooge ahayd, ”hibo hiil wayday”. HADDII UU KA DHALAN LAHAA UMAD AAN SOOMAALI AHAYN, QURUUNTA UU KA DHASHAY OO DHAN AYAA KU FAANI LAHAYD. DHAXALKIISANA WAXA LAGU DARAASAYN LAHAA GOOBAHA WAXBARASHADA.



Sug qaybaha danbe……………………….



Maxamed Xirsi Guuleed (abdibashir)

abdibashir@hotmail.com

www.somalibooks.org

Contents published on: 2011-10-20 (4455 reads)
Copyright © by redsea-online.com. All Right Reserved.