|
Wisdom of the Day
|
...daily updates... |
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi suugaan |
|
|
|
HIBO HIIL WAYDAY (2) GABAYADII DHIRTA IYO XAYAWAANKA EE CALI MOOGE GEEDDI
|
|
Waa qoraallo taxane ah oo uu Maxamed Xirsi Guuleed (Cabdibashir) ka diyaariyey suugaantii Cali Mooge.
Marka hore sixitaan yar
Waxan qormadii koowaad ku sheegay in Cali Mooge Geeddi uu dhintay sanadkii 2002. Weliba markii aan anigu Hargeysa tegay bishii december 2002-dii in la ii sheegay in uu dhawr bilood ka hor dhintay. Laakiin warkaas, waa laga daba tegay. Waa hubaal in aan Hargeysa ka raadiyey dhammaadkii 2002 iyo bilawgii 2003 oo aan waayey. Laakiin waxa la ii saxay in aanan waagaas maqal geeridiisa ee ay waxoogaa ka yara dambaysay. Dabcan gadaal ayeynu ka hubin doonaa taariikhdii uu xijaabtay abwaan Cali Mooge Geeddi.
Aragtida Cali Mooge ee qaayo-weynida dhaqanka Soomaalida
Abwaanku wuxu u qabaa dhaqanka Soomaalida ka ugu filka roon adduunka. Haddiiba ay jiraan ummado kale oo la ina barbar dhigi karo dhaqankoodana, waxay noqonayaan umadahaasi faro ku tiris. Wuxu gabay ahaan ku tusaalaynayaa ; sida dumarka loo qiimeeyo, dhaqanka biri-ma-geydada iyo dhaqanka garsoorka iyo caddaaladda. Bal ila dhuux baydadkan aan ka soo xulay tixda xayawaanka (Gole joog) ee aan iyadoo dhan soo gudbin doono mar kale:
Qiimaynta dumarka
Ma gudboona aadmigu runtii, Guusha dhaqameede.
Niman baa gabdhaha aasi jiray, Gu’ iyo jiilaale.
Guudlayda oydaba tan waa, Laysku go’ayaaye.
Gamboolaydu hayb malaha buu, Geedku farayaaye.
Dhaqanka birimageydada
Gebegebe colaadeed haddii, Weerarku is gaadho.
Gurdan-waalihii dhacay midbuu, Gawsku jabayaaye.
Kollay labada geesood cidbaa, Geeridaw badane.
Inkastoo gudmaha laysla dhaco, Gulufna caalwaayo.
Ma gembiyo suldaannada ninkii, Gacan sarreeyaaye.
Dhaqanka garsoorka iyo caddaaladda
Inkastoy gob laandheere iyo, Qaar gurracan sheegto.
Garta dimuqoraaddiga waxay, Gaadhay waa hore’e.
Guddigii Nagaashaa ka mida,Gabannadaydiiye.
Geesoolayaal iyo anaa, Guud qarnayn dhalaye.
Waxaan geel Qureesh ugula baxay, Garanba maysaane.
Aragtida Cali Mooge ee hodantinimada dhulka Soomaalida
Cali Mooge Geeddi wuxu aaminsanyahay in ilaahay u sed-buriyey Soomaalida, marka la eego nimcada dabiiciga ah ee Alle ku mannaystay. Umadda haysata khayraadka dabiiciga ah ee uu kaga sheekeeyey labada gabay ee xayawaanka iyo dhirta, waa ku ceeb in ay deeq ka tuugto umado kale oo ka yaraystay qaybinta Alle. Marka uu dhammeeyo tirinta xayawaanka ku dhaqan ama ku dhaqnaan jiray geyiga Soomaaliyeed, ayuu ku gabagebaynayaa:
Ilaahay wuxuu igu galladay waan garwaaqsadaye
Waxa lay-gargaaraaba waa ii garaad-xumo eh
Sidaas oo kale ayuu gabayga dhirtana ugu soo gunaanadayaa ereyadan:
Intaas oo qaniimada adoo qaarad ugu faana
Waxa qarafo loo door-bidaa waa qalfoofnimo´e
Quruumaa shan geedloon haddana gaajo qabanayne
Mar kale waxa uu ku leeyahay isla gabayga dhirta:
Qaaradaha adduunyada kolkii dhiraha loo qaybshay
Qoryo-tuurro dheeraad ahbaa teena loo qoraye
Khayraadkaas iyo nimcooyinkaas rabbaaniga ah ee iska ceegaaga dhulkeenna, haddana aan lagu baraarugsanayn, ayaa ahaa waxa Cali Mooge jiif iyo joogba u diiday ee gabayga ku kellifay. Waxa laga arkayaa taas gabaygiisa Gole Joog ee xayawaanka tira-koobayey. Wuxu yidhi:
Inta waajib ruux gudan karaan, giriftamayaaye,
Ma goblamo dhaqaaluhu intaan, geeri moogahaye,
Aragtida Cali Mooge ee fac-weynaanta taariikhda Soomaalida
Cali Mooge Geeddi wuxu aaminsanyahay in aanay cidiba ka taariikh weynayn dadka Soomaaliyeed . Wuxu dhaliilayaa dadka hoos u dhiga meeqaanka iyo soo jireenka Soomaalida. Wuxu leeyahay:
Dhulba igama guunsana intay, Gaa´dho weligeede.
Gadaal dhalad ninka i moodayow, Gaabis baad tahaye.
Daliilo badan ayuu u cuskanayaa facweynaanta Soomaalida. Waa hubaal in aad qaar badan ku khilaafi doonto ama isweydiin doonto xagga uu ka keenay xogta noocan ah. Dabcan fagaaruhu wuu kuu furanyahay haddii aad heli karayso daliil shareeco oo sugan ama raad-taariikheed cad oo aad sheegashooyinka Cali Mooge ku beeninayso. Isagu wuxu qaba ;
( 1). In ay Doontii Nebi Nuux (CS) aakhirkii ku xidhatay buuraha Sanaag oo halkaas dad iyo duunyaba laga soo farcamay. Xiitaa xayawaankan uu tirinayaa waa kuwii lagu raray doontii Nebi Nuux si ay uga badbaadaan duufaankii (2). In gabadhii Haajira ee ahayd xaaskii Nebi Ibraahiin ( cs) ay ahayd Soomaaliyad (3). In wankii lagu furtay gawricii Nebi Ismaaciil (cs) Ilaahay ka soo qaaday dhulka Soomaalida oo uu ahaa mid madax madow (4). Inuu Nebi Khadar (cs) ahaa Soomaali (5). Dulqarnayn oo ahaa boqorkii khayrka badnaa ee lagaga sheekeeyey suuratul-kahaf inuu ahaa Soomaali (6). In dhulka Soomaalida uu soo maray Nebi Saleebaan (cs), gaar ahaan meesha loo yaqaan Harawo ee Soomaali-galbeed, kuna beegan gobola Awdal (7). In Nebi Ayuub( cs) meeshii uu ku xanuusaday ahayd dhulka Soomaaligalbeed gaar ahaan, duleedka Baabuli. (8). Buuraha Golis inay ku aasanyihiin xog iyo siro waaweyn (9). Guddigii ama la taliyeyaashii Najaashi in ay awow-yaasheen ahaayeen (10). In Sayidunaa Bilaal (RC) ahaa in xaggeena ka soo jeeda.
Laga yaabee in ay isu kaa qaban waayaan , aqoonta intaas le´eg ee uu abwaanku ku cartamayo iyo warkii uu hore inoo siiyey ee ahaa:
Weligay iskuul iyo ma gelin, Gole talaamiide
Weli gacanta weedh aan ku qoray, Aadmi ma hor geyne
Aragtiyahaas uu qabo abwaan Cali Mooge wuxu ku xusay hordhaca gabaygiisa la yaabka leh ee Gole-joog (gabayga xayawaanka). Wuxu leeyahay:
Gadhwadeen Rasuuliyo markuu, Nuux galgalanaayey.
Gobollada Sanaag buu ku furay, Gaankii soo hadhaye.
Wixii gurada doonta ugu jiray, Gooshkanaan tirine.
Dhulba igama guunsana intay, Gaa´dho weligeede.
Gadaal dhalad ninka i moodayow, Gaabis baad tahaye.
Kuwii gaafkii Haajira dhisee, Guuriyaan nahaye.
Gawracii ismaaciil Allaa, Gaaxiyoo mudane
Illaahay wankuu geeyey bay, Goobayaan weliye
Gaaroodi kaa daaqayey, Gorod wadaagaane
Saalimo guddoon baa dhashiyo, Daylo gabarreye.
Garba-saarradaydaa xashkaba, Lagu guddoomaaye.
Ninka laba go’ qaataa dhib yari, Gelaya sheekhoowe.
Dhaaxuu ku gaamuray cilmigu, Geeskan bariyeede.
Nebi Muuse (CS) waatuu gedmaday, Guulihii Khadare.
Waxa Golis ku hoos jira sir aan, Cidiba gaadhayne.
Sidaasaa galbeed loogu raray, Geeddi habaqlaaye.
Wuxu gelin Saleebaan (cs) hadh galay, Geedka Harawaade.
Gumaadigu Ayuub(cs) wuxu ku helay, Guudka Baabuliye.
Gobanimo Bilaal baw addimay, Goobtii Nebigiiye (CSW).
Aragtida Cali Mooge iyo dhaliilaha bulsho ee u muuqanayey
Sawirkaas quruxda badan ee Cali Mooge ka aaminsanaa Soomaalida, ma ahayn mid dhinac walba taabanaya. Waxa jirta waxyaalo door ah oo uu ku dhaliisanyahay umadda Soomaaliyeed badankeeda. Waxa ka mid ah sida ay uga indha la´yihiin khayraadka dhulkooda yaalla. Waxa ka mid ah sida hadalku ugu badanyahay, ficilkuna ugu yaryahay. Waxa ka mid ah deegaankan la xaalufinayo. Waxa ka mid ah waxyaalo kale oo dhaqanka la xidhiidha. Bal labadan gabay ee aynu dersaynno aan ka soo qaato dhawr tusaale.
Qalin-jabin mise qalin-ful
Abwaan Cali Mooge Geeddi wuxu dhaliisanyahay erey bixinta ah “qalin-jabin”. Wuxu u arkaa saadaal xun oo qalin jabay ma jeclaysato ishii aragtaa, dhegta maqashaana kuma faraxdo. Ereybixinta saxda ah wuxu u arkaa Qalin-ful. Wuxu yidhi:
Jaamicadda qalin-jabiyahaan qalad u haystaaye
Qaab kale hadduu magacu yahay qaran ma liiceene
Waxan weedh la qoonsado Cabdow qaaddiga u saaray
Murti qaabishaa roon halkay qoofal ku ahayde
Nin qawadana ugumaan horrayn shay la quudhsado´e
Qalin-jabay ishaan qaban karayn dhegina waa qaaqe
Qalin-leef hadduu maro, ha´dhow qalin-ful weeyaane
Aragtida Cali Mooge iyo xaalufinta dhirta
Bilawga gabayga dhirta ee “Qalin ma koobaan”, wuxu ku soo bandhigayaa araar ay ka muuqato sida uu uga qiiraysan yahay deegaankan lagu wado xaalufinta axmaq-nimada ah. Wuxu yidhi:
Inta qaafil baylaha arlada qaawisaa badane
Fasahaad dhulkeenii qarribay kama qulbaysaane
Qoor-taagga reer hebelba waad qiran taqaanniine
Qiirada degaankaan warbixin kaaga qorayaaye
Gole-joog wixii iga qabsaday kama qandhootaane
Kanna qabo qiyaamaha arligu qaar ma saamixine
Isla gabaygaas marka uu Cali Mooge ka faraxasho tirinta dhirta aan xaddiga lahayn ee Alle ku mannaystay dhulkeenna, ayuu ku soo gabagebaynayaa ereyadan:
Inta Daalo loo qaybiyeen cidi qiyaasaynin
Qalamaayo dhuuntiyo intaan qaafka ka illaaway
Ama kuman qasaaroo ku lumay tii qarnigu laabay
Intaasoo wejiga qaabbishaan qaali ku ahaaye
Mannaxaanadii qaawiyaan qaan ku leeyahaye
Waxba kama quseeyaan haddaan Qaadku soo dhicine
Qarfo Kelidii-nooliyo arlada Tiin ma qariyeen
Garan-waa qallaylka ugu baxa qurux ha moodeene
Aragtida Cali Mooge iyo caawimo-tuugga
Abwaanku wuxu ceeb u arkaa in umad Ilaahay u sedburiyey ay cid kale gacmaha u hoorsato. Labada gabay ee Gole joog iyo Qalin ma koobaan, wuxu labadaba gabagabadooda ku xusayaa dareen noocaas ah. Wuxu leeyahay:
Gole joog (gabayga xayawaanka)
Wax gamaagurdoodiyo wexeer jiif-galgalanaaya
Gondo raaf ku yaac iyo intii garab ku duulaysa
Ilaahay wuxuu igu galladay waan garwaaqsadaye
Waxa lay-gargaaraaba waa ii garaad-xumo eh
Qalin ma koobaan (Gabayga dhirta):
Qudrad lagu sharaabiyo intaan dheri u qaadayno
Dawo laga qadhiidhiyo intaan gaws ku qabanayno
Intaas oo qaniimada adoo qaarad ugu faana
Waxa qarafo loo door-bidaa waa qalfoofnimo´e
Quruumaa shan geedloon haddana gaajo qabanayne
Hadalku yaanu ila taraarine, maad i joojisaan. Alla! Oo sawnigan idin daaliyeba. Waxan rabay uun in aan idinla wadaago labada gabay ee midna uu kaga hadlayo Xayawaanka midna Dhirta oo kala ah Gole joog iyo Qalin ma koobaan. Labadaas gabay oo keli ah ayaa inaga dhargin doona qofka uu ahaa Cali Mooge Geeddi. Marka aad intaas ila aragtaan ayaad ila qiri doontaan inay hibadii Cali Mooge ahayd, ”hibo hiil wayday”. HADDII UU KA DHALAN LAHAA UMAD AAN SOOMAALI AHAYN, QURUUNTA UU KA DHASHAY OO DHAN AYAA KU FAANI LAHAYD. DHAXALKIISANA WAXA LAGU DARAASAYN LAHAA GOOBAHA WAXBARASHADA.
Sug qaybta 3aad……………………….
Maxamed Xirsi Guuleed (abdibashir)
abdibashir@hotmail.com
www.somalibooks.org
Contents published on: 2011-10-20 (10596 reads) Copyright © by redsea-online.com. All Right Reserved.
|
|