header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Bandhig: Halkaraan - Burco
Halkaraan Readers Club iyo Bandhigga buugga Carraale

Waxa qortey Nuura Maxamed Cali (Nuura Happy)
Munaasibad qiimo iyo qaayo badani ku dheehnaayeen ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacday Hutel Barwaaqo ee magaalada Burco. Munaasibaddan oo ahayd mid ay soo qaban qaabiyeen abwaaniin, dhalinyarada naadiga akhriska Halkaraan Readers Club iyo jaamacadda Burco University, ayaa ay kasoo qayb galeen Qoraayo, Abwaaniin, Macallimiin, Waalidiin iyo Dhallinyaro aad u tiro badan oo masaafado kala duwan uga yimi bandhigga buugga MIISAANKA MAANSADA ee uu qoray Cabdillaahi Diiriye Guuleed "Carraale". Waxa ka soo qaybgalay abwaanka Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi.




Madashan ayaa ku bilaabantay dagganaansho, xasilooni iyo sanqadh la'aan, intaasoo dhammina waxay huwanaayeen ixtiraam, kaladanbayn iyo waliba dhugasho hoose oo uu ruux kastaaba dhagta u dhigaayay masuuliyiinta qiimaha badan ee isugu timid madasha hadalkooda ama khudbadooda.


Munasibadan qiimaha lahayd habeenkii xalay ahaa waxaa xidhiidhinaysay Farduus Siciid Dirir oo kamid ah hablaha heeganka ugu jira siduu dalkoodu horumar u gaadhi lahaa, Abwaanadoodana xigmadooda loogala hadhilaa si ay u kayd sanaadaan dhallinta maanta ee ah Masuuliyiintii berrito.


Farduus waxay intaa raacisay taariikh nololeedkii abwaanka oo kooban waxaanay ku bilawday sidan.
Cabdillaahi Diiriye Guuleed "Caraale" waxaa uu ku dhashay Somaliland gaar ahaan Gobolka Togdheer 1945 waxa uu wax barashadisa Dugsiga sare iyo ka hooseba ku qaatay magalada Burco, Jamacadiisii ugu horraysay waxa uu ku dhamaystay Lafoole (Soomaaliya), waxa uu Mastar digriigiisii ku diyaariyay Los Angles oo kamid ah gobolka California (USA).
Waxa uu qoraagu sameeyay tixraacii ugu horeeyaay xaga gabayada 1974-1975.



Ugu horrayntii waxa hadalqiimo, qaayo, guubaabo, dhirigalin, kudayasho iyo guntashoba leh kufuray Munaasibadii Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (HADRAAWI) oo ah abwaankeenna caanka ah ee aqoontiisa iyo cilmigiisaba la taabankaro ee tix iyo tiraaba wax inoogu soo gudbiyaa haddaynu nahay ummadda reer Somaliland, runtii aniga agtayda waxaa uu ka mudanyay qiimo aanaan naftayda u qorshayn iyo ammaan aan buug iyo qalin soo koobayn taasna qalbigaygaan ugu kaydinayaa kolay qalbigaan buuxsamine waxa kaloo dhami way buuxsamaane. Sidoo kale idinkana waxaan filayaa inuu sidaa iyo sikadaran agtiina uga mudan yay Alle danbigiisa iyo kii waalidkiiba hadhaafo abwaan Hadraawi.


Wuxuu Hadraawi tusaale usoo qatay maahmaahdan,
Ninwayni inuu iska waynaado maahee waa inuu wax la waynyahay. Waxa uu uga jeeday inuu qofka wayni aqoon lawayn yay si cida kadanbaysa ee ka yar yari wax ugala hadho oo uu tusaale fiican unoqdo laguna hirankaro, abwaan ku waxaa uu ku dheeraaday kadalka buugga Carraale ee MIISAANKA MAANSADA waxaa uu sheegay inay inuu muddo dheer ku hawlanaa soo saaristiisa oo ay ka qaadatay wakhti aan haddii laysu tago looga abaalgudi karin qoraaga buugga kadib waxaa uu sheegay inuu buuggu qiimo u leeyahay mujtamaca ku hadla afka soomaliga meel kastoo ay joogaan gaar ahaa abwaanada, qoraayda, iyo cidkasta oo jecel inay bartaan kala haadinta, kala shaandhaynta, iyo kala hufida Afkooda Hooyo meel kastoo ay joogaanba.


Abwaanku waxaa uu u hanbal yeeyay dhammaan marti sharafta munaasibadan bilicda ujeeshay run ahaantii waxa uu sheegay in dhallintu meelkata waayadan danbe kudadaalayaan inay wax kabartaan dhaqankooda suuban isagoo ka arkay wajiyada farxadaleh ee soo wada eegayaa una diyaarka ah inay xigmad kala hadhaan abwaanka.


Waxaa uu hadalkiisii kusoo gaba gabeeyay abwaanku in dhallintu ku dadasho daydayga suuganta iyo barashada afkooda hooyo, waxa uu intaa kudaray inay kafaa iidaystaan qoraaga Cabdillaahi Diiriye Guuleed "Caraale" iyo buuggiisa MIISAANKA MAANSADA .


Waxa aad sugtaanba waa Cabdillaahi Diriye Guuleed (Carraale) iyo soo tabintii buuggiisii MIISAANKA MAANSADA.


Waxaa uu mahad naq balaadhan usoo jeediyaay dhammaan bulshadii isugu timid munaasibada intaa kadib waxaa uu guda galay ujeeddadisi ahayd inuu buugga miisaanka maansada usoo gudbiyo mujtamaca kaladuwan ee isugu yimid goobtan waxa uu sheegay inuu buuggani ka qaatay muddo badan oo uu ilaa 1977-2003 uu ku jiray ururinta, daabacada buugga balsee uu kuguulaystay in la daabaco 2003 waxaa uu sheegay inuu wakhti uhelay 1974 isagoo arday ahaa intii ka horraysay, dhammaadkii 1975 ayuu isugu geeyaay gabayadii oo dhan buugga la yidhaahdo Gorfaynta Gabayga.


Carraale ayaa guda galay buuggii MIISAANKA MAANSADA kadib waxaa uu kabixiyay sharraxaad kooban oo macno wayn xanbaarsan run ahaantii qofkasta oo goobtaa kusugnaa waxa uu siiyay ama amaanaysiiyay dhagihiisa,waxay dadku markaliya wada joojiyeen sanqadhii waxaa uu kafikiraayay inuu ruuxkastaaba ka guntado wax uu kasheegi karo miisaanka maansada.


Qoraagu waxaa uu ku nuuxnuuxsaday awooddana saaray si xilkasnimo iyo aqoon badanina kudheehantay usoo tabiyay buuggi qiimaha lahaa ee miisaanka maansada. Qoraagu waxa uu kula dardaarmay dhalinta inay la arkaan waxa buugan dhexdiisa ku jira waxii dhaliilana ay ugu soo gudbiyaan xidhidhkiisa gaarka ah.




Gabagabdii Munasibadan waxaa uu qoraaga Cabdilaahi Diiriye Guuleed "Carraale" guddoon siiyay buugaag Jaamacada Burco, Naadiga akhriska HALKARAAN READER CLUB iyo Abwaan Cabdillaahi Caradhuub. Buugaaagtu iskuma jiraane waa buuggii MIISAANKA MAANSADA.


Nuura Maxamed Cali (Nura Happy)
halkaraanreadersclub@gmail.com

Nuura Maxamed Cali

Contents published on: 2009-08-21 (1370 reads)
Copyright © by redsea-online.com. All Right Reserved.