header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Bandhig: Anfac - Ceerigaabo
Naadiga Anfac Readers Club oo soo bandhigay buuggoodii saddexaad

Naadiga Akhristeyaasha Anfac Readers Club ee magaalada Ceerigaabo ayaa 10/09/2009 hoolka shirarka ee dugsiga sare ee X. Aadan kusoo bandhigay buuggoodii 3aad.

Xafladdan oo ay kasoo qayb galeen maamulka dugsiga, ardayda iyo marti sharaf kaleba waxa xubnaha naadigu kusoo bandhigeen buugaag farabadan oo ay sheegeen inay kamid yihiin agabka Naadiga, buugaagtaas oo afaf kala duwan isugu jirtay.

Xafladdu waxay ku bilaabantay shaacinta naadigan ee ardayda dhexdeeda iyo warbixino ku saabsan naadiyada dalka ka dhisan iyo sida Naadigani wada shaqaynta ula leeyahay. Buugga lasoo bandhigay oo ah buug ka hadlayay bisha Ramadaan laguna magcaabo (Abu Shujaac) waxana soo jeediyey Xasan Barre Warsame.

Sidoo kale waxa madasha ka halday qaar ka mid ah macalimiinta dugsiga wax ka barta waxana ugu danbayntii xaflada soo xidhay maamulaha dugsiga sare Maxamed Siciid Mulaax oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay waxqabadka Naadiga.

Anfac Readers Club
anfacreadersclub@gmail.com

anfacreadersclub@gmail.com

Contents published on: 2009-09-14 (1319 reads)
Copyright © by redsea-online.com. All Right Reserved.