Dhaxalreeb IV 2007:
Suugaan Xul ah iyo Abwaan
Axmed Aw-geedi “Dheeraad”
Maansoyahan mudh baxay!
Waxa qorey:
Khaalid Jaamac Qodax.
Waxa aan idin soo gudbin doonaa qoraal kooban oo aan ka diyaariyay, suugaanta abwaanka weyn ee da’da yar, ee abwaan Axmed Aw-geed “Dheerraad”. Ugu horreyn waxa aan si kooban idinku soo gudbin, taariikhda abwaanka, waxa aan dabadeed si mug leh ugu hakan doonnaa, qaybaha ay ka kooban tahay suugaantiisu. Waxa aan sharraxaad idinka siin doonaa taariikhdii suugaantiisa. Waxa aan haddana ku hakan in aan dul istaago suugaantiisa, una kala horraysiiyo sida ay u kala horreeyeen, waxa aan idin dhex galin doonaa hadba suugaanta abwaanka, suugaanta kale ee ay wadaageen abwaanada kale, sida hal-qabsiga abwaanka ee abwaanada kale, soo nooleynta hees hawleedyada, iyo sida ay uga simman yahiin abwaanada kale. Waxa aan gunta iyo gaba-gabada idin soo gudbin suugaan koo-kooban oo uu leeyahay abwaanku, waxaanan ugu dambeynta qoraalkan kooban aan idinku bushaareyn bushaaro fiican oo idin soo socota
“Axmadow nin dheeraad sitoo dhiibsan baad tahay’e
Tu kalaad u dhaaftaa markaad dhaliso tii roon’e
M.I.Warsame “Hadraawi”
Dhul-gariir May 2007 Hargaysa