header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran
redsea-online.com

Cabdirahman C. Faarax "Barwaqo"
Magac Bilaash Uma Baxo: ujeeddooyinka magacyada iyo naanaysaha Soomaaliyeed
Hal-aqoon, Ottawa, 1998
ISBN: 0-9699009-1-0 -

Magac bilaash uma baxo: ujeedooyinka magacyada iyo naanaysaha Soomaaliyeed" waa buug si qoto dheeri ah looga shaqeeyey loogana baaraandegey. Waxaanu ku saabsanyahay hababkii iyo ujeedooyinkii aynu ula bixijirrey magacyada iyo naanaysaha. Hadaba ujeedada magaca ka sokow waxa uu si habsami ah u lafagurayaa isirka iyo dulucda magac kasta ka dambeysa.


Qoraaga:
...hayeeshee waxa wax ka qoray buugga aqoonyahanno farabadan oo shisheeye iyo sokeeyaba leh. Waxa aqoonyahannadaa ka mid ah Prof. Guush Andrzejewski, oo aad wada taqaanniin waxa uu ahaa, waxaanu buugga ku tilmaamay inuu xanbaarsanyahay aragti ku cusub cilmibaadhista Soomaaliyeed. Prof. Maxamed Cabdi Maxamed "Gaandi" oo wax ka tirsan Jaamacadda Besancon ee dalka Faransiiska, Dr. Saleebaan C. Faarax oo dhakhtar Soomaaliyeed oo suugaanta iyo dhaqankana aad ugu xeel dheer, oo uu hadda fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa, Xarunta S/land, iyo Jaamac Nuux Cabdillaahi "Carro-edeg"oo isna ah hal-abuur iyo qoraa weyn fadhigiisuna hadda yahay dalka Sucuudiga iyo qaar kale. Waxa faalladii u danbaysey buugga ka qoray Dr. Georgi Kapchits. Faalladaasi waxa lagu soo daabacay wargeyska Jamhuuriya, tirsigii diisambar, 2002da kana soobaxay Hargeysa.

Faalada martida

  1. Akhriste - 2011-10-11 08:51:01
    Axmed - Bidaaye11@hotmail.com
    Asc marka hore waxan salamaya dhaman somalidu halka ay ku nolyihin dunida dafaheda marka xikta waxa sln qas ah udiraya aqonyahanada ay maskaxdodu kaso burqatay magaca buka o ah magac bilash uma baxo iyo cilmiga ku qornba marka 3xad hadi an falo kabixiyo boka runti wa buk qofki aqriya o kahelayo arakti dher dhanka caqliga iyo maskaxda ba marka 4ad side an kuheli kara buga nafsad ahanteyda waxan joga dalka kofur afrika mahadsanidin by
  2. Akhriste - 2011-01-05 06:08:45
    sahra - jannati1@hotmail.com
    wallayaal buugan la magac baxay magac bilaaha uma baxo xagee laga deli karaa
  3. Akhriste - 2009-08-26 12:06:03
    sadiiq - sadiiq_29@hotmail.com
    asc dhaman masuliyinta nadiga horomarinta afka marka xigta run ahanti buga magac bilash kuma baxo waa bug aad iyo aad u qima u leh inta ku hadasha luqada somaliga wana bug marka ad akhrisid kugu dhirigalinaya inad sida ilmo ad dhashay labta ku heystid lakin waxan ad uga cabanaya in usan kenya oo lin isaga iyo buga mansada hadrawi ee halkaran wasalamu calaykum
  4. Akhriste - 2008-04-21 04:17:03
    Maxamed Aadan Tarabi - tarabi07@hotmail.com
    Gobanimo bilaash maaha. waxa aan salaan qiimo badan u hayaa bahda red sea onlaine. waxa lyidhi ilaahay lakala baryi og hadalkana lakala odhan og. qoraaga buuggan waxa uu helay erayo iyo hadallo dhaxal gala waxaanan ku hanbalyeynayaa. soo saarita buuggan
  5. Akhriste - 2008-01-02 06:52:08
    maxamed Aadan Tarabi - tarabi07@hotmail.com
    buugan magaca bilaash kuma baxo waa buug farshxana oo aad iyo aad looga shaqeeyey waana mid anfacaya bulshada soomaaliyeed
  6. Akhriste - 2005-11-18 12:51:43
    Hassan A Madar - nabaadiino@yahoo.com
    Tolow halkee laga heli karaa buuggan qiimaha badan???
  7. Akhriste - 2005-07-01 04:51:08
    Mahamed Saeed - Saeed_Mahamed@hotmail.com
    Amazin book , i enjoyed reading it .thank you . waa saxiibkaa Mahamed Saeed. 403 560 0868
  8. Akhriste - 2005-03-11 19:52:55
    ABDUKADIR NUR SALAD - DERIGUREI@HOTMAIL.COM
    NOO SOO SHEEGA HADDII BUUGU WELI YAAL IYO QIIMIHIISA. E-MAILKU WAA: DERIGUREI@HOTMAIL.COM
  9. Akhriste - 2004-08-17 12:51:29
    mohamed - wadaad88@hotmail.com
    salan qali ah oo somali nimo ka gadal waxan wax ka aqriyay buga logu magac daray MAGAC BILAASH UMA BAXO hadaba bugan waxan aqriyay kudhawad sanad ka hor ila hada waxan la'ay goob lagu iibiyo marka laga reebe canada hadaba maxa buga loo keeni wayay gabaha u dhaw dunida saxad mahad sanidin
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!

Faallee buuggan / Comment this book
Magaca / Name
Dalka / Country
Email
Faallo / Comment
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey.

Mahad badan
REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section

Social Community
Join us today

There are currently, 318 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com