header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran
redsea-online.com

Maxamed Baashe X. Xasan
Hal Aan Tebayey
Baashe publications, London, 2008
ISBN: 978-0-9457674-2-6 -

Hal Aan Tebayey (The One I Yearned For Most) waxa uu ka kooban yahay afar qaybood oo xidhiidhsan iyo lifaaqyo ku taxmaya.

Qaybta koowaad waxa ay ka hadlaysaa Xaajiga iyo noloshiisii carruurnimo, hanaqaadkiisii iyo noloshiisii qurbaha; mar libaax qawlallada ku lalansado oo habeen qoyskooda ka dhex qaato, mar loox badda ka soo caaryey la sabbeeyo oo moolka badda caano-maallo kula dibjiro, mar niman shisheeye ah oo doonyo wataa qabsadaan oo kaxaystaan oo sannad badhkii la maqnaadaan, iyada oo qoyskiisu aanu u hayn war iyo wacaal halka uu inankoodii ku dambeeyey, wax laga samro oo raq iyo ruux la waayo meel uu jaan iyo cidhib dhigay, mar doonniyi badda kula halliganto, wax uu kolba markab khankiisa hoose ku dhuunto oo waddan kale laga soo qabto oo dib loo masaafuriyo, mar shufto meel u gasho oo dagaal gondihiisa ka dhasho, wax kolba la xidho oo dil lagu xukumo iyo wax uu bado iyo dhulal u kala goosho oo aqoon, magac, maskab iyo maal gacantiisa ku taabo ilaa uu isaga oo toddobaatanka is daba mariyey waddankiisa ku soo laabanayo, kana bilaabayo gayllankiisii gobannimo-doonka ahaa.


Maxamed Baashe X. Xasan waxa uu dayrtii 1963kii ku dhashay Maygaagle oo ku yaalla duleedka Sac-ma-deeqo oo ka tirsan Degmada Buuhoodle. Tacliinta dugsiga sarena waxa uu Maxamed Baashe ku qaatay Dugsiyada Sare ee Faarax Oomaar iyo Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa sannadihii 1978 - 1982kii.
Bishii March sannadkii 1983kii waxa uu qoraagu ka mid ahaa dhallinyaradii u tallowday ee ku biirtay Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM. Bishii August 1983kii waxa uu ka mid noqday hawl-wadeennadii Idaacaddii Halgan oo ku hadli jirtey afka xoogaggii mucaaridka soomaalida ee saldhiggeedu ahaa magaalada Addis-Ababa.


Bishii August 1987kii waxa uu qoraagu deeq waxbarasho ugu kicitimay waddankii loo yaqaanney Czechoslovakia, waxanu magaalada Prague ee The Czech Republic ka bilaabay jaamacadda The Charles University, kulliyaddeeda saxaafadda lagu barto, halkaasoo uu ka gaadhay Digriiga Master of Journalism and Mass Communication isla Jaamacaddaas The Charles University.
Mohamed Bashe waxa uu ku nool yahay Cariga Ingiriiska.


Faalada martida

  1. Akhriste - 2012-01-07 04:00:32
    xasan cabdi weyd - xasanwayd@hotmail.com
    waa buug aynu wada tebeynay, waan ku wad mahadinaynaa qoraaga maxed baashe x. xasan oo aan odhan karo waa hal abuur xirfad iyo aqoon uu eebe ku mutaysatay , waan akhriyay buugaagta uu qoray qoraagu waxaan oran karaa waa buug macne buux iyo waxtarba leh
  2. Akhriste - 2010-11-10 11:25:17
    Abdikarin Garuun - ckgaruun@hotmail.com
    marka hore salaan ayaan u dirayaa bahda redsea-online,sida ay ugu heelan yihiin,hurdadana ugu seegeen soo haybinta hantida umada ee halowday iyo waliba soo horkeenida umada.marka labaad waxaan mahad naq aan cabir lahayn u marinayaa marinada hawada sare qoraaga soomaaliyeed ee Baashe X.xasan ,run ahaantii waxan aad qabanaysaa waa waxa horumarka lagu gaadho,bulsho lagu hormariyo,umada lagula tartamo,run ahaantii laybareeriyo gubtay ayaad dib u cusboonaysiiyay ayaan ku odhan lahaa baashe, waxaad tahay halyeey habeen dhalad ah,dadaalka aad wadana ale ha kugu garabgalo ayaan ku odhan lahaa,waddo wanaagsan ayaad jeexday ee sidaa u wad oo ha ka habaabin. waxa mudan bahda resea-online waxa mahadsan qoraaga.
  3. Akhriste - 2010-10-12 06:01:25
    shariifkhadar - shariifkhadar@hotmail.com
    waadmahadsantihiin
  4. Akhriste - 2010-09-03 18:46:28
    eng maxamuud - almuxsin1@hotmail.com
    baashe ilaahay ha ka abaal mariyee wuxuu taariikh ka reebay Abwaankii, sheekhii, aqoonyahankii mucjisada ahaa ee xaaji aadam axmed afqalooc rabi ha u naxariistee
  5. Akhriste - 2009-04-21 14:32:09
    mustafa abdulahi - tuurwaa@hotmail.com
    waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa qoraaga da'da yar ee maxed baashe sida qiima iyo qaayah leh ee maskaxdiisa iyo xirfadiisa uu ugu hagar baxo cid kasta oo uu xikmad ku tebeyo hal aan tebeyey mujtamac badan oo suuganta jecel ayaa tebeyey waxaadba mooda qoraagu inuu daalacday quluubta dadka
  6. Akhriste - 2009-03-24 03:42:21
    Eidle Elmi - iidle02@hotmail.com
    Walaalayaal, waad mahadsantihiin marka hore, waxaan hurumar u arkaa in aad websitkaan ku qortaan soona gelisaan macluumaad fara-badan oo quseeya arimaha wadankeena, lakiin waxaan idin kula talin lahaa in aad soomaliwayn raadisaan Mhadsantn
  7. Akhriste - 2009-02-27 15:06:13
    Adan A. Askar - adanskr@yahoo.com
    Horta aad buu u mahadsan yahay Qoraagu, marka labaad, waxaan u mahad naqanayaa bahda REDSEA-ONLINE.COM ee noo sahashay macluumaadka tirada badan. Haddaba, Su'aal Buugga marka la rabo in la akhriyo sidee lagu heli karaa????? mahadsanid
  8. Akhriste - 2009-02-18 02:33:49
    Xasan C. Madar - hassanmadar2000@yahoo.com
    Waa buug qof waliba tebayey. Maxamed Baashe wuxu qabtay hawl baaxad weyn, ka ballaadhan wax qof qaban karo.
  9. Akhriste - 2009-02-15 09:42:01
    faaiso - sooc_1@hotmail.com
    waxaan aad iyo aad ugu faxsanahy inuu aqriyo buugan wana ku habbalneyaa
  10. Akhriste - 2008-11-08 01:02:53
    Maxamed Cabdi C/laahi - muruqleqe@hotmail.com
    waxaan u baahanayahybuuga Hal Aan Tebayey
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!

Faallee buuggan / Comment this book
Magaca / Name
Dalka / Country
Email
Faallo / Comment
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey.

Mahad badan
REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section

Social Community
Join us today

There are currently, 364 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com