header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran
redsea-online.com

Xasan Cabdi Madar
Barbaarsame: Barbaarinta iyo toosinta Ubadka
n.a., Nairobi, 2008
ISBN: 9966-7059-8-8 -

Buuggan waxa loogu talo galay in uu wehel u noqdo waalidka iyadoo lagusoo ururiyey waayo aragnimo iyo aqoon salka ku haysa habka barbaarinta suubban ee carruurta. Waxa kale oo loogu talo galay barayaasha, dugsiyada waxbarashada iyo dhallinyarada isu diyaarinaysa dhismaha qoys ee noqonaya waalidkii berri.

Buuggu wuxuu dhinacyo badan ka eegayaa dhibaatooyinka hortaagan habsami u barbaarinta ubadka waxanu soo gudbinayaa talooyin ku saabsan barbaarinta iyo toosinta ubadka xilli dunidu isu sii furmayso oo soomaalidu ku baahday meel kasta oo caalamka ka mid ah oo dhibkeeda iyo dhaqankeeda leh.

Bulshadu halka ay ka hagaagto ama ka xumaataa waa barbaarinta ubadka soo kacaya, wanaag oo dhammina wuxuu ka bilaabmaa qofka iyo qoyska, marka qoysku hagaago ayaa qarankuna hagaagaa. Buuggu wuxuu ku qoran yahay hab fudud oo akhristaha u sahlaya inuu la soo baxo kolba qaybta uu si guur ah u xiisaynayo.

BARBAARSAME waa buug loogu talo galay in uu wax wayn kusoo biiriyo guriga iyo maktabadda kutubta ku qoran afsoomaaliga.


Buugaagta kale ee uu qoraagu hore u qoray waxay yihiin:
  1. Cadaabtii Ifka
  2. Qalbu lula
  3. Jacaylkii shanta qaaradood
  4. Ninkii helaa nasiib leh
  5. Maad barane ha u bogin
  6. Nabaadiino
  7. Barbaarsame: barbaarinta iyo toosinta ubadka
Xasan Madar wuxuu deggan yahay Hargeysa, halkaas oo laga soo bilaabo 1996 kii waqti ku qaadan jiray dhinaca qoraallada sheekooyinka gaagaaban iyo qormooyin taxane ah oo kuu soo bixi jiray wargeysyada Xorriya, Jamhuuriya, Codka Hargeysa, Dhambaal iyo Maandeeq.

Faalada martida

  1. Akhriste - 2010-12-31 19:54:21
    Deri Gurey Jafle - DERITAKAR@YAHOO.COM
    Waayaha Soomaaliya iyo dagaalkeeda macno darrada ah.
  2. Akhriste - 2009-05-06 14:13:58
    amiin A/laahi Hashi - amiin03@yahoo.com
    Marka hore salaamu Calaykum akhyaaray dhamaantiinba meelkasa oo dunida aad kaga nooshiihiin, Marka xigta ALLA mahadleh balse waxaan hanbalyo hawada u soo marinayaa walaalkay Xasan Cabdi Madar oo Jiilka hada wado fiican u jeexay, talo ahaana waa mid ku dayosho mudan. Halkaas ka wada ayaan Xasan leeyahay anan waanu kugu garab taagan tahay. Macasalaama.....
  3. Akhriste - 2009-04-06 02:21:28
    cabdi baasid aadan cabdi - europeansystem@hotmail.com
    waxa aan leeyahay buugan waa buug bulshada muhiim u ah laakiin buugan marka ay soo bandhigayaan bulashadu amaba naadiyada wax akhrisku ha u fiirsadaan cida ay u dhiibayaan in uu yahay qof aqoon u leh in uu buugan dadka ka dhaadhiciyo iyo in uu murtida ku jirta u sheego labadaba
  4. Akhriste - 2009-02-15 09:46:15
    naasir - hargiesa
    waa buug wanaagsan walaal
  5. Akhriste - 2009-02-01 01:19:37
    amiira ahmed mahamed - Uamiira@hotmail.com
    horta waxan umahadnaqaya qoraga sasan cabdi madar oo an leyahay wad ku mahadsantahay booga ad uqortay ubadkeena. marka labad waxan akhrisray buuga barbarseme runtii ad buu iqanciyay wayo waxyaabo badan oo igadhiman ayuu igudaray hoyoyinkana waxan ku waninaya in ay ibsadaan buuga wayo waxbadan oo tarbiyada caruurta ayuu wax ka tarayaa anigu oo amiira ah waxan is ku dayaa inaan bugaa fafahiinlahaa way waa buug muhiima badana waxan oo qadanaya meelaha ay hooyooyinku ay iskugu imaadan wayo way arkaayan oo way xeesaynayaan marka hooyada an karanayn afka hooyo anaa uakhrinaya intaan ku dhaamo meelahay hoyooiynku ay isku guu imaadan waa melaha lagamaxadureeyo igarali ahada wayo lahjadan ku hadla sidasi uqormaysee anigoba magaranayo somalliga hadan wax khaldo igarali ahaada waxan ku soo gabagabaynaya hala akhriyo buugaagtaa wayo faido wayn ayaay leeyiihiin
  6. Akhriste - 2009-01-10 21:29:57
    ahmed nasir - ugaas_008@hotmail.com
    Salaam calaykum walaalayaal bugan maan akhrin runti,waxana raba ama aan jeclaan laha in aan akhristo ee inte lagu gada. Gawaab baan idi ka sugi mar dhow. mahadsanidiin
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!

Faallee buuggan / Comment this book
Magaca / Name
Dalka / Country
Email
Faallo / Comment
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey.

Mahad badan
REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section

Social Community
Join us today

There are currently, 176 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com