header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran
redsea-online.com

Abdibashir Ali (Maxamed Xirsi)
SHIRRABID HAL ABUUR
Qoraaga ayaa daabacay, Stockholm, 2004
ISBN: 91-631-6060-9 - suugaan
Qiimaha: 12 US$

SHIRRABID HAL ABUUR waa buug cusub oo soo baxay 30 september 2004. Waa buug inteeda badan koobaya suugaanta uu curiyey Maxamed Xirsi Guuleed muddadii u dhaxaysay 1993-2003. Waxaa kale oo ku guda jira ilaa 13 gabay oo dad kale tiriyeen oo munaasib ku noqday inay buugan ku soo baxaan. Waxa aad ka helaysaa buugan gudihiisa jawaabo fara badan oo aan buug kale hore loogu dhigin. Tusaale ahaan

Waa Maxay ereyga suugaan macnihiisu? ”Suugaan” hadmaa ugu horraysay ee loo bixiyey maansada soomaaliyeed? Gabayse ay ku jirto keebaa ugu horreeyey? Silsiladda qaaliga ah ee Shiinley imisa qof ayaa gabay ku leh? Waase kuwama? Maxaad ka taqaan xillitirsiga Soomaalida? Iyo tiro ku dhaw 30 gabay oo u allifay Maxamed xirsi


Cabdibashiir Cali (Maxamed Xirsi) waxa uu qoray buugaag dhowr ah oo aad u muhiim ah. Buugaagtaas waxaa ka mid ah buugga Dáyarta Sweden oo aad loo jeclaystay iyo buug runtii dad badan baskaxdooda ka shaqaysiiyey hurdadiina ka kiciyey oo la yidhaa Dumar talo ma laga dayey.

Buuga waxaa qoray Maxamed Xirsi (abdibashir) oo hore u qoray buugaagta kala ah:

  1. da’yarta Soomaaliyeed ee Sweden, Dhibaatooyin iyo xalkood
  2. DUMAR TALO MA LAGA DEYEY
  3. iyo kan oo ah: ”Shirrabid Hal abuur”

Haddii aad rabto inaad dalbato la xidhiidh Qoraaga oo laga helo:
abdibashir@hotmail.com
mobile: 0064-70-7474288
guriga: 0046-8-367780
Shaqada: 0046-8-166961

Address:
Mohamed Hirsi
Hyppingeplan 26
163 68 Spanga
Stockholm/sweden


Faalada martida

  1. Akhriste - 2012-06-16 04:23:18
    Abdirahman Mohamed Hasan - Maankaxl@hotmail.com
    ASC waa buug wanaagsan xaqiiqdii qoraaga buugaan waxaan leeayahay guuleyso soona badi qoraalka waxaana kaa codsanayaa in aad iisoo dirtaan buug jaceyl oo ku saleysan labo daran mid dooro jwn ayaan idinka sugayaa sidaas ayaana ugu baxay
  2. Akhriste - 2011-11-30 07:58:03
    Xashawe dabcasar - Xashawe_dabcasar1@hotmail.com
    I here by greeting u with the best Islam greeting which is peace of Allah be upon u. All brothers and sisters. After that aniga waxan ahay gabyaa iminka ku nool wadanka djibouti kana soo jeedo Gobolka Gedo garbaharey. Marka waxan idin soo gudbinayaa gabayadeyda gabay kamid ah oon ugu duceynayo Somalia. Ee fadlan qaybta kaydka iigaliya waa codsi. Allahayow qof magantada galaa waa ku mahadshaye Adigan lagula maamulin Nafluhu meel kastuu joogo. Muslimnimo iyo adaan wada simeyn Qoom mujusiye ehe Muqlisnimo adoon kugu baryoo sheega magacaaga. Gacmihiisa oo madhan adaan mowlow soo celine Somalidan mushkiladan ku timid oo mudaba haysay, Muranka iyo ismari waaga iyo miis ku kala yaaca. Qilaafkiyo ismaan dhaafka baday maamul qaran waaga, Allahayow adigaa maalig ehe oga miciin maanta. Sharafkuba midnimaduu ahaa miiganan jidhaye, Qabiilkii macash lagama helin meelna tagi waaye intuu dad iyo maal naga qabaan cidina moogeyne. Laga dhaxal taariikh madow madax jacaylkiiye muuqalka Dunidan guracan maamus xumadeda Umaciin allahayow bulshadan maalig baa tahaye. By: abwaan sharmake xashawe dabcasar
  3. Akhriste - 2011-08-20 20:55:31
    Xashawe dabcasar - Xashawe_dabcasar1@hotmail.com
    Aad iyo aad buu uwanagsanyahay buugan ninka qorayna waxan leeyahay congratulation bro wankayga cadow ha naaxin barurtu wadkaga weeye !
  4. Akhriste - 2009-12-01 12:05:45
    nur - juwaan2009@hotmail.com
    asc aniga waxaa ubaa hanahay inaa iisoodir diin buuga lagumaga caawo shirrabid hal abuur
  5. Akhriste - 2008-04-21 04:34:40
    raakhiy - farxiyomacalin@hotmail.com
    aqyaarta waan idin salamay waxana idinku salamay salanta muslimka A/s/c raga dumarka inta badi eeda saro waxa dhihi lahaa ragiinan inta adan qofka adan edeen marka hore iska sax qaladka waxa jiro 90% in ay yihiin ragu kowa anan dhabta ka hadlin marka raga dumarka eeda sarayo waxa dhihi lahaa marka hore raga somaliyed ayagu ha so bartan jaceylka
  6. Akhriste - 2008-02-25 09:49:51
    Maxamed - M.yare15@hotmail.com
    Walalayal waxan hadii gabdha somaliyed ee wax yaqan jaceylka manta hormar ayee kagari lahaayen dunida melkasta ay joogan that is why waxba kamayaqanan jaceylka macnihisa hada aniga waxaa igu dhacday gabar ayaan jecladay gabadhii wexeenoqotay ubixii aan dunida kadoortay marka sxb waxan kuhadlo ma aqan by by by
  7. Akhriste - 2007-09-05 03:55:14
    xasan cali axmed - shiineqoryooley@hotmail.com
    waxaan halkaan ka salaamaayaa dhamaan asxaabta faarkeeysa wobka redseai wxaan idiin leeyahya mahadsanidiin maxaa yeelay waxaan kala socdaa buugaagta jacaylka iibuugaagta diiniga ah laakiin waxaan wataa 1 codsi oo ah i wxaa ajira dad u baahanin ey isiticmaalaan wobsaytka laakiin aan garaneynin qaabka loo soo galo wax aqrinta amba faa i dooyinka ee soo sii daayaan redsea balse yaqaanaa qaba haan ta lo isiticmaalo iimeelka amaba kumbuyutarka caadiga ah waxdada loosoo maraayo qaabka aqrinta wxaan idinka codsaayaa in aad ka bixisaan faaloonyin ku tarjumaaya afka somaaliga ha sida meel marka aad u baahantahay waxaad tix raaceeysaa falaarta hada sida wobsaytyada qaar camal sida boqolsoon uu u timaamohadana waxaan rajeynaayaa tixi gilin wacan
  8. Akhriste - 2005-09-03 14:28:16
    xasanbafow - muzamil2000@hotmail.com
    waryaa ii waran sidee tahay ma fiican tahay.xaaladaada uma bogin
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!

Faallee buuggan / Comment this book
Magaca / Name
Dalka / Country
Email
Faallo / Comment
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey.

Mahad badan
REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section

Social Community
Join us today

There are currently, 302 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com