header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran
redsea-online.com

Saciid Cali Shire
Hoggaamiye isbeddel horseed
Buuh Publications, London, 2009
ISBN: n.a. -

Waa buug u qaybsan laba waaxyood: Waaxda hore, irda-furka hoggaamintu, waxay ka kooban tahay saddex cutub. Cutubka 1aad, oo guud mar ku samaynaya hoggaamintu. Cutubka 2aad, wuxuu toosh ku ifinayaa hoggaamiyayaashii hore ee Soomaalida.Cutubka 3aad, wuxuu isna, dul mar kooban ku samaynayaa aragtiyaha hoggaaminta.

Waaxda labaad, tiirarka hoggaamintu, waxay soo bandhigaysaa moodeel iftiimin kara hoggaamiyaha wax ka beddeli kara xaaladda murugsan ee Soomaaliya. Moodeelkaasi wuxuu ka kooban yahay udub-dhexaad iyo afar tiir. Udub-dhexaadku waa qiyamka. Afarta tiirna waa horumarinta hiraalka, dad soo jiidashada, war-gaarsiinta iyo horseedidda isbeddel.


Saciid, oo ah khabiir ku takhasusay ganacsiga yar-yar, wuxuu 15-kii sano ee la soo dhaafay kasoo shaqeeyey xarumo aqoon, cilmibaaris iyo la-talin (consultancy) oo ku yaalla Norway iyo Ingiriiska.

Faalada martida

  1. Akhriste - 2012-12-04 12:00:50
    CUMAR - wadaniboy77@hotmail.com
    ASC MAHAD ALLE AYAA LEH WAXAAN BOORINA KUNA BOGAADINAYAA BUUGAN UU QORAY MR.SAEED ALI SHIRE,REDSEA ONLINE WAXAAN IDINKA CODSANAYAA INAAD I SHEEGTAAN HALKA AAN KA HELI KARO BUUGAN
  2. Akhriste - 2010-08-07 01:54:09
    Abdilahi Abdi ( Cade ) - cade_111@hotmail.com
    Runtii waa buug aad u qiimo iyo qaaya sareeya. waxa buugan hadyad ahaan iigu keenay Inan aanu ilmaabti nahay oo Bosao degan, tan iyo maalintaan akhriskiisa bilaabay waxaana isku arkay isbedel nafsaani ah, waayo waxaan jeclaa inaan mar walba akhriyo buugaagta siyaasada ka hadla, balse marnaba jaanis uma helin buug sidan oo kale u qoran oo waliba afsomali ah. Buugani waxu i fahan siiyey waa kuma siyaasi. runtii Siciid Cali Shire waa nin ay ka muuuqato aqoon dheeraad ahi waayo wuxuu si cilmiyaysan usoo gudbinayaa nuxurka buugga. thanks Mr. saed Ali Shire
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!

Faallee buuggan / Comment this book
Magaca / Name
Dalka / Country
Email
Faallo / Comment
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey.

Mahad badan
REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section

Social Community
Join us today

There are currently, 113 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com