header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran
redsea-online.com

Xasan Cabdi Madar iyo Axmed Aw Geeddi
Riyaaq - Ciyaaraha iyo heesaha carruurta
n.a., Nayroobi, Kenya, 2009
ISBN: 9966-7059-4-5 -
Qiimaha: 10.00Euro

Dhiganahan oo lagu soo ururiyey tiro door ah, inkastoo aanay ku dhammayn, oo heesaha iyo ciyaaraha carruurta ah, ujeeddada laga leeyahay waxa weeye in dib loo soo nooleeyo aqoontan oo la baro carruurta dhaqankii iyo noloshii ummadooda u gaarka ahaa si aanay ugu libdhin dhaqan aanay ab iyo isir u lahayn. Inkastoo heesahani ku salaysnaayeen dhaqankii miyiga iyo reer guuraaga haddana in badan oo ka mid ahi waa kuwo dib loo soo noolayn karo oo la jaanqaadi kara nolosha magaalada.

Dhinaca kale buugga ama dhiganaha waxa barbar socda cajalad maqal iyo muuqaal ah oo lagu daawan karo ama lagu dhegaysan karo aaladaha kombuyuutarka iyo Fiidyowga. Cajaladda waxa laga daawan karaa heesihii oo carruurtu qaadayso ama ciyaarihii oo ay ciyaarayaan.

Order it now


Xasan Cabdi Madar waa qoraa buugaagtiisu ay sannadahan danbe wehel u noqdeen bulshada noocyadeeda kala duwan, muhiimad gaar ahna siiya reerka (carruurta, guurka, wada noolaanshaha). Axmed Aw Geeddi waa suugaan yahan heesihiisu ay madadaaliyaan ummadda wacyigelin badanna siiyaan. Labada qoraaba waxay deggan yihiin Hargeysa, Somaliland.

Faalada martida

  1. Akhriste - 2012-08-01 00:11:03
    nimco - omin101@gmail.com
    walaal sidee baan u helayaa buugan ama sidee baad iigu soo dirikartaan anoo maraykan jooga.
  2. Akhriste - 2010-01-24 03:05:03
    mahad - mahadrooble@hotmail.com
    waad ku mahad sathiin soo daabacitaan kiina sheekadaan
  3. Akhriste - 2009-08-23 08:24:30
    cabdirixiim buuni - cbuuni5@gmail.com
    buugan oo ah run-ahaantii buug aad iyo aad u qiiimo badan ayaa waxaa uu isoo xusuusiyay ciyaarihii iyo sheekooyinkii barigii aanu yar-yarayn taas oo aad iyo aad ugu qiimo badan bulshadeena dhexdeeda iyadoo imika ay meesha ka baxday ciyaarihii iyo sheekooyinkii baryihii hore la samayn jiray,waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa labada qoraa ee buugan qoray kuna xusan xalka sare Ee uu buugu ku yaal , waxaanan soo jeedin lahaa,in dadkeenan kalena aynu sidaas iyo si leeg u uruurino sheekooyinkeenii hore wslmc buuni
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!

Faallee buuggan / Comment this book
Magaca / Name
Dalka / Country
Email
Faallo / Comment
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey.

Mahad badan
REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section

Social Community
Join us today

There are currently, 137 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com