header
Search:

Create an account |
Spelling Checker
Somali | Af Soomaali

Spelling Checker
Higgaadda Afsoomaaliga
ee
REDSEA-ONLINE


Calendar Conversion

GREGORIAN

ISLAMIC


SOMALI


Photo of the Week
Suggest one

Somaliland - I too love you!

Somaliland - I too love you!



Wisdom of the Day

...daily updates...

Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto,
Saaxiib kal furan weeye,
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin.
"Sahra" - M I W Hadraawi

suugaan


A Note of my teachers


read it more


Hoyga xog ururinta buugaagta afsoomaliga ku qoran
redsea-online.com

Khalid Jaamac Qodax
Baadi-sooc - suugaan dhiganaha Axmed Aw Geeddi
Ponte Invisibile, Pisa, 2011
ISBN: 88-88934-26-X AEN 88 - Suugaan

Baadi-sooc waxa uu kow u yahay taxane buugaaga ah oo loogu magacdaray Madhxiye. Himilada taxanahan laga leeyahay waa in weel lagu kaydiyo loo sameeyo suugaanta maanta dhalanysa ee hal-abuurayaasheedu ku jiro ama ku jirto xilligii wax soo saarka. Ka eeg faahfaahin dheeraad ah iyo buugaagta soo socota ee taxanahanba www.redsea-online.com/madhxiye.

Order it now


Khaalid Jaamac Qodax waxa uu ku dhashay Hargeysa 1982kii, halkaas oo uu waxbarashadiisii ku dhammeystey dugsiga Faarax Oomaar. Waxa uu sannadkii 2008-ka ka qalin jabiyey Jaamacadda Hargeysa, kana qaatey Darajada koowaad ee maamulka iyo maareynta. Waa xubin ka mid ah Naadiga Akhristayaasha Hargeysa. Waxa uu hadda daggen yahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

“Baadisooc waa baal milicsiyeed ka mid ah suugaantii Abwaan Axmed Aw Geeddi uu sannadahan dambe oo dhan naga durduursiin jiray fagaarayaasha lagu soo bandhigo fanka iyo suugaanta ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa."
Cabdalla Xaaji Cusmaan, qaybta dhaqanka, suugaanta iyo kaydka R.T.D., Jabuuti

“Axmed Aw Geeddi is a prominent young poet living in Hargeysa whose poetry is often to be heard performed to music on the cassette players, radios and televisions of the city. I have translated four of his well known recent poems Berri Soomaal ‘Land of the Somalis’ and Sumalow Darbane ‘Oh Able Ram’, Turwaa and Dumar waa ma dhaafaan”
Dr. Martin Orwin, Lecturer in Somali and Amharic, School of Oriental and African Studies ‘SOAS’, University of London


Faalada martida

  1. Akhriste - 2011-08-15 12:48:39
    CKgaruun - ckgaruun@hotmail.com
    Walee waa magac daadi doonaya aan ka habaaneyn waxa gudihiisa ku duugan, waa mid baadi-doonaya suugan lumi lahayd hadaan loo loogin buugan.
  2. Akhriste - 2011-08-11 12:50:44
    CKgaruun - ckgaruun@hotmail.com
    Marka hore salaan sare. Marka xiga waxaan aad u salaamayaa Abwaan Dheeraad iyo Khaalid sida quruxda badan ee ay ugu jiraan in ay bulshada ka hor mariyaan xaga akhrinta waayo waxay ku soo kordhiyeen buug la akhrindoono inta la nool yahay, waxaan aad ugu faraxsanahay in aad arko buugan oo qoran, waxaan odhan lahaa waa hor umar usoo kordhay umada afka soomaaliga ku hadasha.
  3. Akhriste - 2011-06-28 04:42:48
    ahmed mohamed faarax (badeed) - axmed1432@hotmail.com
    axmed awgeedi hal abuur suugaan cuddoon leh midha dhaxalgala tiriya kana mid ah inta yar ee hiddii soomaaliga wax ka tiriya waxaan hubaa inuu nqondoono buugaagta loogu iibsiga badanyahay dalka sannadkan 2011ka
  4. Akhriste - 2011-06-27 11:19:00
    Maxamed ali - mcali1984@hotmail.com
    sida akhristayasha kale buuga ma arkin waxaanse aqaan Axmed Geedi oo aan suugaantiisa aadka u jeclahay, marka suugaanta abwaanka idaacadaha laga madnuucey ayaan si jecleystey, waan ku faraxsanahay in buug laga qoro redsea aad ayana ugu bogadinayaa soo bandhig buugaasi iyo qorahaba
  5. Akhriste - 2011-06-27 05:26:47
    sahra ladam mohamed ali - nance_143@hotmail.com
    inkasto oo uu buuggu hadda uun soo baxay waxaanse aad u xasuusta suugaanta Abnwaan Axmed Aw-geedi sida ay uga soocantahy suugant kale waan waxa lagu farxo in buuggaani uu soo boxo waa waxa fiicaan waxaanu buxiyay meel uu bahanayd iin la buxiiyo waxanu noqon doon miid si wayen loga faa'iidaysto by zahra ladan mohed ali halkaraan readers club burco
  6. Akhriste - 2011-06-26 13:25:21
    Mahdi sheekh - sheekha2010@gmail.com
    inkasta oo Buuggu hadda uun uu ugub yahay, waxaanse aad maanka ugu hayaa Suugaanta Abwaan Axmed Aw-geedi sida ay uga soocantahay Dhigooda iyo Dhuux Macaanka ku jira dhinacyo badan marka laga eego, aadbaan ugu Mahadnaqayaa Abwaanka iyo Tafatiraha Dhalinyarta ah Mr. Khaalid Qodax oo isna isku hawlay Tafatirka Xogta ku Duugan Buugga, Wax loogu Abaal gudo la garan maayo Shirkadda Redsea ee Waraaqihii kala firidhsanaa u badashay dhaxal gal iyo Bilic lagu soo hirto. Mahdi Sheikh Abdi Timacadde Readers Club. Hargeisa
Adiga qudhaadu ka qayb qaado faalada buuggan!

Faallee buuggan / Comment this book
Magaca / Name
Dalka / Country
Email
Faallo / Comment
Fadlan ogsoonow in hoygani u dhisan yahay wanaag iyo waxtarka horumarinta aqoonta afka somaliga ku qoran. REDSEA-ONLINE.COM waxay hubin doonaan faaladaada inta aanay kusoo daabicin halkan, waxba kama beddeli doono qoraalkaaga, laakiinse waxaanaanu xorriyad u qaadanaynaa in aanannu daabacin faalladii noola muuqata inay ka duwan tahay muhiimadda uu u dhashay hoygani. Qoraalada aanu soo daabacno waxaa ka jawaabaaya mas'uuliyaddooda ciddii qortey.

Mahad badan
REDSEA-ONLINE.COM, AfSomali Books Section

Social Community
Join us today

There are currently, 206 guest(s) and 0 member(s) that are online.

Nickname

Password

Don't have a REDSEA account yet? You can create one. It is a free!


What is new


[ News archive ]



REDSEA SHOP
Hargeysa


Hore u gaadh daarta Oriental Hotel


Sheeko iyo Shaahid
Check deadline

Sheeko iyo Shaahid
KULANKA 5aad
ee
TARTAN QARAMEEDKA CURINTA SUUGAANTA


Codka Somaliland

Weekly FM Radio
Minneapolis, USA
in every Sunday


Editor Pick

A brilliant work co-ordinated through many continents
by Rhoda A. Rage.

Read it more


Search With Google

Google

www
redsea-online.com